Ururo caalami ah oo war ka soo saaray doorashadii ka dhacday Muqdisho

Safafka cod bixinta doorashadii ka dhacday Muqdisho

Qoraal ka soo baxay Khamiistii, Xooghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa sheegay in codbixintu tahay "tallaabo muhiim ah," isaga oo ku boorriyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan wada-hadalka iyo is-afgaradka qaran si looga gudbo caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee taagan, oo ay ku jiraan la-dagaallanka argagixisada iyo geeddi-socodka guud ee dhismaha dowladnimada.

Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto geeddi-socodka doorashada ee caasimadda Muqdisho, iyada oo ku tilmaantay marxalad muhiim ah oo lagu ballaarinayo ka-qaybgalka dadweynaha lagagana gudbayo nidaamka doorasho dadban ee jiray tan iyo 1969, looguna gudbayo nidaamka "hal qof iyo hal cod."

Aboul Gheit ayaa mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Jaamacadda Carabta ee bixinta taageero siyaasadeed iyo mid farsamo oo ay la jaanqaadayso hay'adaha dowladda Soomaaliyeed, isaga oo muujiyay taageerada joogtada ah ee Jaamacaddu u hayso himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan amni, xasillooni, horumar, iyo dib-u-soo-celinta dowladnimo qaran oo wax-ku-ool ah.

Doorashooyinka ayaa ku qabsoomay si ammaan ah, iyada oo dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ka hawlgelisay in ka badan 10,000 oo askari, isla markaana ay hirgelisay tallaabooyin adag maalinta codbixinta.

Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSOM) ayaa dhankooda soo dhoweeyay Doorashadii golaha deegaanka ee gobolka Banaadir oo ay sheegeen inay si nabad iyo guul ah ay kusoo dhammaatay, iyaga oo ku tilmaamay guul taariikhi ah oo laga gaaray ammaanka, dowlad dhiska iyo safarka dimuqraadiyada Soomaaliya,

"Markii ugu horreysay tobannaan sano, muwaadiniinta ku nool Muqdisho waxay heleen fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda deegaanka iyaga oo adeegsanaya codbixin guud. Hab-dhaqanka nabadeed, masuuliyadda muwaadinimo, iyo ka-qaybgalka xooggan ee la muujiyay waxa ay ka tarjumayaan adkaysiga sii kordhaya, geesinimada, iyo go'aanka shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ahna Madaxa AUSSOM, Mudane Safiir El Hadji Ibrahima Diene.

Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in doorashooyinka loo qabtay si guud ahaan ah oo nabad iyo nidaam leh, taas oo muujinaysa horumarka laga sameeyay xoojinta amniga iyo kalsoonida dadweynaha ee ku aaddan Ciidamada Amniga Soomaaliyeed (SSF).

Cod bixinta doorashada Gobolka Banaadir

Safiir Diene ayaa ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo hay'adaha amniga, isaga oo ku bogaadiyay xirfaddooda iyo isku-duwidda ay ku fududeeyeen in geeddi-socodka doorashada uu ku qabsoomo jawi deggen oo amni ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikarin Axmed Xasan, ayaa Axaddii sheegay in dhammaan isu-socodka la xaddiday. "Waa wakhti weyn oo ay shacabka Soomaaliyeed markhaati ka noqonayaan doorashooyin toos ah markii ugu horreysay ku dhowaad lixdan sano." Ayuu yiri cabdikariim.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray "Tani waa taariikh maanta; waa maalin ay shacabka Soomaaliyeed u furantay albaab cusub. Sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa in ka badan 500,000 oo qof oo qaatay kaararka codbixinta inay soo baxaan oo ay codkooda dhiibtaan."

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa Axaddii wariyeyaasha u sheegay inay ''ka go'an tahay sugidda nabadgelyada iyo ammaanka dadka," isagoo ku boorriyay "inaad isu dulqaataan marka aad codka dhiibanaysaan."

Doorashadii Khamiista dhacday ee golaha deegaanka gobolka Banaadir ayaa saddex jeer dib loo dhigay sannadkan. Soomaaliya ayaa filanaysa doorashooyin kale sannadka cusub ee 2026 oo ay ku jirto doorashada madaxweynaha, iyada oo bilo ay ka hartay xilka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.