Doorashada qof iyo Cod fursad ma siin doonta Haweenka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Xamdi Daahir Siyaad.
Doorashada golayaasha deegaanka ee Muqdisho waxaa dadka qaar u arkaan tallaabo muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya ee xilligan.
Waxaa doorashadan ka qeyb galaya sida ay guddiga doorashada sheegeen 1604 musharax.
Musharaxiintaasi waxaa ka mid ah haween u sharaxan xilalka degmooyiinka kala duwan ee Muqdisho.
Musharaxiinta u tartamaya golayaasha deegaanka waxaa ka mid ah Xamdi Daahir Siyaad.
Xamdi oo muddooyinkii dambe Muqdisho ka waday ololaha ay ku dooneyso inay ku hesho codka dadweyna ayaa sheegtay in ay kalsooni ku qabto in la dooran doono, baqdin bandanna aysan ka qabin in bulshadu ay fahmi waayaan muhiimadda ay leedahay in gabdhuhu ka qeyb-galaan siyaasadda deegaanka.
"waxaan filayaa oo rajeenayaa guul iyo in dadka reer Muqdisho doortaan kartida iyo aqoonta, bulshada boqolkiiba boqol waxaan aaminsanahay in ay xitaa dumar ahaan iigu codeeyn doonaan".
Xamdi iyo musharaxiinta kalaba waxa ay bar-bilow u yihiin doorashooyin la qorsheenayo in ka qabsoomaan Soomaaliya sida uu sheegay guddiga doorashadu 41 degmo oo aan magaaalada Muqdisho ahayn ayaa u qorsheysan in doorasho laga qabto marka la soo afjaro tan hadda ka socota magaalada Muqdisho. "waa guul weyn oo dimoqaraadiyadeed inaan noqdo wajigii ugu horreeyey ee siyaadeed u tartama golahaan; waxa ay ii tahay dhiiragelin inaan ka dhigo raad waanagsan oo la xusuusto muddo dheer", ayey tiri Xamdi.
Tartanka musharrixiinta waxa uu ahaa mid ballaaran, balse tirada ay ururada soo gudbiyeen sida uu sheegay gudoomiyaha guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC haweenku waxa ay ka yihiin 361 musharax, taas oo noqoneysa ku dhawaad 23% musharrixiinta guud.

Xigashada Sawirka, facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa sidoo kale xusid mudan in sharciga doorashooyinka ee Soomaaliya uu dhigayo in ururrada/xisbiyadu marka ay soo gudbinayaan liisaska musharrixiinta ay u hoggaansamaan qoonda haweenka oo ah ugu yaraan 30%, si loo dhiirrigeliyo ka qaybgalka dumarka ee siyaasadda.
xilli ka hor doorashadaba aan la helin tiro badan waxa ay Caasho Cumar Geesdiir oo ah oo ka shaqeysa arrimaha haweenka iyo xuquuqda adanaha ku sheegtay rajo xumo muujineysa haweenka soo bixi kara ay noqon doonaan lambar yar.
"Doorasho xor ah oo qof iyo cod ah tii hore kadib ayaa hadda la sameynaa,dhibaatada jirta dadka waxa ay ku wareersan yihiin in xisbi la dooranaayo iyo in qof la dooranaayo, horta wacyi gelin ayaa meesha ka maqneed, hadda natiijada la helayna marka ay dumar noqoto, runtii aad iyo aad waxa u dareemaa inuu u yarhay, dhibaatadana waxa ay tahay dumar ahaan aad ayan siyaasadda uga dib dhacsannahay", ayey tiri Caasho Geesdiir.
Doorashadaan heer degmo waxa ay dad badan u arkaan in tahay mid fursad siin karta qof kasta oo muqdisho ku nool, gaar ahaan haweenka oo aan helin mudnaantii ay lahaayeen, kuwaas oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan nolosha, sida ay qabto musharaxad Xamdi, gabdhahu waxa ay qaadan kaalin walba oo loo baahdo.
"Inaan ahay hooyo kaligeed ubad korisa waxa ay I bartay mas'uuliyadda. Horta bulshadeenna waxaa garabka ku sida hooyooyin adag oo aan nin garab ka helin badanaa, haddii hooyo Soomaaliyeed ay kaligeed reer dhan kasoo saari karto dhib iyo marxalad kasta maxaa diiday in ay hogaamiso degmo ama golo deegaan".

Xigashada Sawirka, Xamdi Daahir Siyaad
Muhiimadda Doorashada
Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho waxa ay fureysaa baal cusub oo dhanka doorashada ah kadib muddo, wadanka lagu maamulayey doorasho aan toos ahayn, taas oo la dooranayey kaliya golaha sharci dejiyeyaasha, kuwaas oo iyagana soo dooranayey madaxweynaha.
Balse waxaa la rajeenayaa in loo gudbo deegaan doorasho ku saleesan ururo iyo xisbiyo, waxa ayna meesha ka saari doontaa nidaamka awood qaybsiga ee ku salaysnaa qabiillada, nidaamkaas oo ahaa mid caqabad ku ah in ay siyaasadda soo gaalaan haween fara badan. In kasta Caasho Geesdiir ay qabto in dumarku iyada aysan dedaal ku bixin sida raggu dedaal ugu bixiyaan in ay kusoo baxaan kuraasta.
"waxaa loo baahan yahay dumarka in ay is ogaadaan, meel kasta oo ay gabar jooogto, kuwa xildhibaannada ah, dumarka in ay dhagahooda furaan ayaa la rabaa oo ay hurdada ka kacaan, tan hadda tusaale waa in ay noqoto doorashada Banaadir si aysan uga dhicin meelaha kale waa in ay xuquuqdooda helaan oo ay soo galaan siyaasadda".
Doorashadan ma ahan mid si toos ah qof loo dooranayo ee waa doorasho loo codeynayo xisbiyo. Sida guddiga doorashadu sheegeen dadka codeynaya ayaa kala dooranaya xisbiyo iyo ururo siyaasadeed oo gaaraya ilaa iyo 20 urur.
"Qof lama dooranayo ee waxaa la dooranayaa xisbiyo" ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya.
Doorashada waxaa xusid mudan in ay qaadaceen qaar ka mid ah mucaaradka gaar ahaan Madasha mucaaradka Samatixinta Soomaaliyeed.













