Maxaa laga yiri qodobbada kasoo baxay mucaaradka Soomaaliya ee ku shiray Kismaayo?

Shirkii Kismaayo

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland waxaa xalay lagu soo gunaanaday shir muddo saddex maalmood ah halkaas uga socday mucaaradka oo ka koobnaa xubnaha Madasha Samatabixinta iyo maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo markii dembe la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Shirka oo dhinacyadu ay doodo iyo kulamo adag yeesheen ayey soo saareen war-murtiyeed ka kooban 13 qodob oo soo jeedin, baaq iyo digniinno isugu jiray.

Qodobbada ugu waaweyn oo kala ahaa kan 3-aad, 4-aad, 5-aad, 6-aad iyo 7-aad ayaa looga hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka soo socda iyo diginin loo diray dowladda.

Dadka la socday shirkii Kismaayo ayaa qaba in qodobada lixaad iyo toddobaad ay yihiin kuwa ugu miisaanka cuslaa ee ku jiray war-murtiyeedka mucaaradka.

Qodobka lixaad ayaa u dhignaa "in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu baaqay inuu muddo bil gudaheed ah oo ku ek 20-ka bisha Janaayo 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga heshiiyo doorashada xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii'da ku xusan".

Mucaaradka ayaa xusay in haddii taasi dhici waydo ay qaadayaan tallaabo ay ku sheegeen qodobka toddobaad oo ah "inay isku raaceen in haddii madaxweynuhu ka dhaga adaygo qodobka kore uu Golaha Mustaqbalku gudagalo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada".

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin war-murtiyeedka ka soo baxay shirkii mucaaradka ee Kismaayo laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan shirka oo socda ka hadlayey Muqdisho ayaa yiri: "caqligii Muqdisho ku soo degi waayey ee Kismaayo ku soo degayo anigu ma fahmi karo ee xisbiyo sameysta oo aragti la imaada, noola imaada wax cad waxaa aad diiddan tihiin ilaa maanta walaalahaas waxay diiddan yihiin maalin walba sheegaan laakiin waxay rabaan ma naqaan intii waxay rabaan noo sheegtayna waa intii an ka aqbalnay aan isbaddellada iyo tanaasulka ka samaynayn, iyaguna waxa la yaaqaanno hadday noola imaadan waa kala doodaynaa waa nagu qancinaynaan waa wada qaadanaynaa, qaar baan ka qaadaynaa, waa toosinaynaa waxbaa dhahaynaa" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Maxaa lagu fasiray nuxurka shirkii Kismaayo?

Maxamed Mukhtaar

Xigashada Sawirka, Mohamed Mukhtaar

Qoraalka sawirka, Maxamed Mukhtaar

Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar oo falanqeeye ah arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in marka kowaad laga arki karo into badan mucaaradku yeesheen shir ay ku midaysan yihiin dhinacyadii kala duwaa taas ahayd tallaabo wanaagsan laakiin qodobbada qaar ee war-murtiyeedka ayuu xusay in mugdi badan ku gadaaman yahay.

"Inay muddeeyaan waqtigaas in la yeesho wadahadallo, haddii uu dhici waayo ama jiitamo maxaa dhici kara, haddii madaxweynuhu aqbalo baaqooda oo waqtigu sii jiitamo sidii kuwii hore iyana ma cadda waxay yeelayaan, haddii qaar ka mid ah ay aqbalaan wadahadallada sidii hore ugu dhacday madashii samatabixinta iyana ma cadda, waxyaabahaas oo dhan mid walba wado gooni ah ayuu leeyahay" ayuu yiri falanqeeye Maxamed Mukhtaar.

Wuxuu intaa raaciyey in wali fursadi jirto maaddaama ay mucaaradku dalbanayaan in wadahadallo laga yeesho xaaladda dalka loogana baahan yahay dowladdu inay dhankeeda sii xoojiso wadahadallada siyaasadeed ee dhinacyada dalka si xal looga gaaro doorashada.

"Inaan fursaddan la lumin oo madaxweynaha iyo dhinacyadu wada fariistaan oo ay dadka Soomaaliyeed u dhabeeyaan xilligan kala guurka in qabkooda la waynaan ee mida qaranka kala waynaato oo wada fariistaan" ayuu intaas raaciyey Mukhtaar.

Cabdiweli Maxamuud Gurey

Xigashada Sawirka, Dr Cabdiweli Gurey

Qoraalka sawirka, Cabdiweli Maxamuud Gurey

Dhankiisa Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey oo ah falanqeeye arrimaha Soomaliya ayaa u sheegay BBC-da inay ula muuqato xaaladdu in haddaan xal siyaasadeed la gaarin ay jahwareer ku keeni karto dalka isagoo xiganayey qodobbada mucaaradka ayuu xusay inay yihiin kuwo adag oo shuruudaysan.

"Waxa ugu wanaagsan kaliya waxaan aaminsanahay in Soomaali la isugu yeero, laga wadahadlo waxa jira iyo waxa lagu kala tagay, hadday dhanka dowladda ku eedeynayaan doorasho dhinac ka raran iyaguna siday sheegeen inay qabtaan doorasho dhinac ka raran marka waxaa mooda midaan macquul ahayn . Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay inay tanaasul muujiyaan waxaan aamisanahay in laysku yimaado inay dadka iyo dalkaba dan u tahay"ayuu yiri Dr Gurey

Kala aragti duwanaansha doorashooyinka dalka ee dowladda iyo mucaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka ka qabanayso doorasho ka duwan tii horrey dalka ugu dhici jirtay ee ahayd mid dadban taas oo ay sheegtay inay ku beddelayo doorasho qof iyo cod ah halka mucaaradku ay ku doodayaan inaysan dalka ka dhici karin noocaas doorasho iyagoo cuskaday inaysan dowladdu haysan waqti ku filan aana heshiis laga gaarin.

Doorashada qof iyo cod ee dowladdu ku adkaysanayo inay dalka ka dhaco mid hordhaca u ah ayaa toddobaadkan maalinta Khamiista la filayaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Qaranka dadka Muqdisho ayaa codkooda dhiiban doona 25 bishan si ay u soo doortaan goloyaasha deegaanka 16ka degmo ee magaalada Muqdisho.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa qaadacay doorashadaas iyagoo ku tilmaamay mid dowladdu dano ka leedahay, basle waxaa laga arkayaa Muqdisho astaamo ururrada isku diiwaan geliyey doorashada oo olole ka wada magaalada.