Muxuu kusoo kordhin karaa xaaladda siyaasadda Soomaaliya Isbaheysiga ay ku dhawaaqeen siyaasyiin hore?

Shirdoon

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Kadib kulammo siyaasadeed oo in muddo ah u socday siyaasiiyiin si weyn looga yaqaan saaxadda siyaasadda Soomaalida oo ay kamid yihiin Ra'iisulwasaarii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),Lataliyihii hore ee amniga Qaranka Fahad Xaaji Yaasiin iyo wasiiro hore ayaa waxa ay ku dhawaaqeen isabaheysi siyaasadeed oo cusub oo lamagac baxay Midwowga Haybad Qaran kaas oo noqonaya mid kusoo biiray xooggaga siyaasadda ee isku diyaarinaya in ay u tartamaan doorashada madaxtinimada ee la filayo in ay dhacdo 2026.

Siyaasiyiinta oo mid walbaa uu gaarkiis u leeyahay xisbi siyaasadeed ayaa dhanka kale ku midoobay isbaheysigan iyagoo ku heshiiyay in hal musharrax uu ku metalo tartanka soo socdo ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen in Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu noqodo musharraxa Madaxweyne ee ay ku mideysanyihiin.

Haddaba waa maxay aragtida ama barnaamijka siyaasadeed ee uu isbahaysigani soo bandhigi doono, muxuuse ka beddeli karaa saaxadda siyaasadda iyo xaaladda siyaasadeed ee hadda dalka ka jirta ?

Xubnaha isbahaysiga

Xigashada Sawirka, Google

Haddaba waa maxay aragtida ama barnaamijka siyaasadeed ee uu isbahaysigani soo bandhigi doono, muxuuse ka beddeli karaa saaxadda siyaasadda iyo xaaladda siyaasadeed ee hadda dalka ka jirta ?

Xigashada Sawirka, Maxamed Mukhtaar

Su'aashaas iyo qaar kale ayaan weeydiinay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arimaha siyaasadda Soomaaliya waxana u kaga jawaabay in maadaama ay soo dhawaatay xilliga doorashada Soomaaliya gaar ahaan doorashada Madaxweynaha federaalka ah in dadka daneeynaya ay usoo istaagaan mansabkan, laakin waxaa ku cusub buu yiri in siyaasiyiin kala duwan ay ku midooban hal musharrax" dhaqanka siyaasadeed ee Soomaliya waxa ay ahaan jirtay shaqsiyaad kaligood isoo sharraxa"

Maxamed Mukhtaar waxa uu sheegay in siyaasiyiintani ay sheegeen magaca ay ku shaqeeynayaan haddana ma aha xisbi raba in ay ku tartamaan qaab xisbi ah "dalku in uu qof iyo cod iyo xisbi uu aadayo uma muuqato iyaga" ayuu yiri Mukhtaar oo intaas ku daray in dhaqanka siyaasadda Soomaalida sida caadada ahayd, inta ay iskugu tagaan horey kama dhihi jirin musharrax ayaan wadanaa taas oo ah buu yiri weji kale oo cusub.

Waxaa jirta hubanti la'aan nidaamka doorashada gaar ahaan qaabka doorashada loo qabanayo 2026 oo wali si buuxda loogama heshiin marka siyaasyiintani iyagoo kala aragti duwanaashaha nidaamka dooarshada aan xal laga gaarin in ay isbahesyigan ku dhawaaqaan ma la dhihi karaa waa mid lagu degdegay waqtigan ayaan weeydiinay Maxamed Mukhtaar oo arinkaasi kaga jawaabay :

"Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxa uu xubin ka yahay Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed taas oo ka mid ah buu yiri dadaalada la doonayo in dalka looga gaaro xal siyaasadeed oo ku wajahayn doorashada, isma diidana in ay yiraahdaan anaga Musharrax ayaan wadanaa iyo in musharruxu uu ka mid yahay musharaxiinta dalka ka jirta ee tartameysa" ayuu yiri Maxamed Mukhtara oo intaas ku daray in waxa cusub ay yihiin in uu sameystay koox siyaasyiin ah oo isaga taageeraysa.

Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar isbahesigani kama uusan bixin madashii wadahadalada ee ka socotay Muqdisho am Nairobi iyo sida xal loogu raadinayo sida xilligan kala guurka ah looga gudbi lahaa, balse wax ay doonayaan in ay cod iyo culus ay ku yeeshaan talada Soomaaliya.

Siyaasyiintan ayaan hadda lahayn saldhig siyaasdeed marka loo fiiriyo dalka oo ay ka taliyaan dowlad goboleedyo, xubnaha hadda la socdo Saacidna kuma jiraan dowlad goboleedyada hadda jira, deegaan ay hadda toos u maamulaana ma laha. "sida kaliya ee ay miiska wadahadaladda kusoo fariisan karaan waa in ay culeyskooda siyaasdeed iyo aragtidooda siyaasdeed ay kusoo daraan iyagoo kaashanaya mucaardka intiisa kale, Puntland iyo Jubalad" ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo intaasi sii raaciyay "si ugu yaraan looga wadahdli karo doorasho u cuntami karta dhinacyada kala duwan ee siyaasadda isku haya .

Isbaheysigan waxa laga dheehana karaa in laga gudbayo siyaasi kaligiis iska socdo oo yiraa musharrax ayaan ahay isagoo calafkiisa tijaabinaya.

Qalimow ayaa qaba in uusan isbaheysigani culeys weeyn kusoo kordhin doonin mucaaradka jira iyo iyo dowladda

Xigashada Sawirka, Maxamed Nuur Qalimow

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale Maxamed Nuur Qalimow oo isna ka faalladooda arimaha Soomaaliya ayaa qaba in siyaasyiintu ay sameeystaan isabhesiyo siyaasadeed in ay tahay tallabo horumar leh oo looga gudbayo qaabkii hore ee halka shaqsi oo aan xisbi ka socon, ajandahiisana qiyaastii 20 daqiio oo toos ah kula hadli jiray xildhibaanada wax dooranayo "hadda waxa aad moodaa in qaabka adduunku waafaqsanyahy ee xisbiyada in ay u gudbayaan" ayuu yuri Qalimow .

Mar uu ka hadlayey wax uu isbaheysigani soo kordhin karo Qalimow waxa uu sheegay in isaga iyo kuwa kale oo is qaabeeynaya iyo dowladda hadda xilka hayso ay meel wax isla dhigaan oo dadkii faraha badnaa ee shaqsi shaqsiga ahaa ay soo gaabato heshiisna ay ka gaaraan qaabkii ay doorashada kuwada geli lahaayeen.

Mar uu ka hadlayey sida ayaa siyaasiyiintan ku jira isbaheysigan ay ula falgeli karaan dowlad goboleedyada si ay fursad ugu helaan inay shacabka gaarsiiyaan ololahooda siyaasadeed waxa uu Qalimow kaga jawaabay " in maamuul goboleedyada ay tahay in ay u surtageliyaan xisbiyadan tartami doono in ay siiyaan fursad ay shacabka kula hadlaan sida in ay xafiisyo ka furtaan deegaandooda. "xisbiga ayaa laga rabaa in uu ku qanciyo maamul goboleedyada in ay xisbiyo ka furtaan, ka dhex ololeeyaan iyo in maamul goboleedyadu laftigoodu ay xisbiyada u ogolaadaan in ay ka dhex shaqeeyaan.

Qalimow ayaa qaba in uusan isbaheysigani culeys weeyn kusoo kordhin doonin mucaaradka jira iyo iyo dowladda waaya buu yiri " dowladdu waa tan u ololeeysa in xisbiyo la sameysto oo laga gudbo qaabka qofka ama qabiilka ah" loona gudbo buu yiri xisbiyo.

Dhanka kale Qalimow wax u qaba ain dadka siyaasyiinta ah ay tahay in ay la jaanqadaan qaababkan cusub ee aany horey u aqoon ee ah in siyaasadda la mideeyo.