Naciima Jamaal: Askariyad naas-nuujisay ilmo waddada laga helay oo saldhigga loogu keenay

Xigashada Sawirka, FB East Hartford Police Department
"Ilmuhu aad buu u gaajooday, afku waa engegay, oohintii wuu ka daalay," ayay tiri Sarreeye uuto Naciima Jamaal.
Dadka deegaanka ayaa dhowaan waddada ka helay ilmo yar oo afar bilood jir ah, waxaana ay u kaxeeyeen Saldhigga Booliska Degmada.
Waxaa ka mid ahaa xubnihii booliska ee xilligaas ku sugnaa Xafiiska Booliska Degmada, Sareeye Guuto Naciima Jamaal oo ahayd Madaxa Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Xafiiska.
Bulshadii la tagtay saldhigga booliiska ayaa u sheegay xubnaha booliiska in ay arkeen cunugga oo dhulka yaalla, kadibna ay keeneen xafiiska ka hor inta uusan dhiman.
"Markii aan arkay ilmahaas, waxa aan u maleeyay in uu yahay ilmahayga," ayay tiri Sarreeye Guuto Naciima, iyada oo ka warramaysay xaaladdii markaas jirtay.
"Markii ay keeneen aad buu u tabar darnaa, waxay yiraahdeen haddii uu nagu dhinto sharciga nama sii deynayo" ayay tiri.
"Waxaan aragnay in ilmaha yar uu xaalad adag ku jiro markii saldhigga la geeyay, aad buu u gaajaysnaa, afkiisuna aad buu u engegay, oohintiina wuu joojiyay" ayay tiri.
Isla markiiba waxay qaadeen tallaabo ay ku badbaadinayaan nolosha ilmaha, ayay sheegtay yidhi Sarreeye Guuto Naciiman.
"Markuu xaalku halkaas marayo, tallaabadii ugu horraysay ee aan ku fikiray in aan naftiisa ku badbaadiyo waxa ay ahayd in aan naaska nuujiyo, markaasaan ilmihii yara kaxeeyay oo aan xafiiskii galay, albaabkana soo xirtay oo aan naas nuujiyay" ayay tiri.
"Kadib markii aan si fiican u nuujiyey, ayuu indhaha kala qaaday, wuuna isoo eegay, ka dib waxaan geeyey xarunta caafimaadka si aan u eego xaaladdiisa caafimaad" ayay intaa raacisay.
Shaqaalaha caafimaadku waxay baareen ilmaha waxayna sheegeen in ilmuhu caafimaad qabo, ayay tiri Naciima.
Dhanka kale, Naciima ayaa sheegtay inay dhashay ilmo lix bilood jir ah, ayna aad uga xumaatay inay aragto cunugga la dayacay.
"Waxaan u dareemay sidii cunuggeyga oo kale, inkastoo aan nahay booliiska, haddana dadka ayaanu ka tirsannahay, dhinacna waxaan nahay hooyada carruurta," ayay tiri.
Dayacaadda carruurta iyo sharciga Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ilaa hadda lama oga haybta qoyska ilmahan laga helay degmada Qarsa ee cidlada looga tegay.
Ilmahan ayaa hadda lagu xannaaneynayaa xafiiska booliiska degmada Qarsa, waxaana booliiska degmadu ay baadigoob ugu jiraan qoyska ilmaha yar, sida ay BBC-da u sheegtay Sarreeye Naciima.
Falka lagu dayaco dhallaanka dhashay waa arrin waqtiyo kala duwan ka dhacda meelo badan oo Itoobiya ah iyo qeybo kale.
Sarreeye Guuto Naciima Jamaal ayaa sheegtay in falkan uu yahay mid dambi ah oo inta badan ay geystaan haweenka aan la qabin ee carruurta dhala.
Haddaba, qodobka 574-aad ee xeerka ciqaabta Itoobiya ee 1996-kii wuxuu dhigayaa in ciqaab adag lagu muteysan karo dembiyada khatarta gelinaya dadka nugul sida haweenka, carruurta iyo dadka u baahan ilaalin iyo daryeel.
Sidaas awgeed, falka meel cidla ah looga tegay ilmaha yar waxaa lagu muteysan karaa xarig adag.













