Madaxweyen Cirro: "Aabbaha carruurtiisa gubay waa dhacdo ugub igu ah"

Cirro

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Hargeysa

Afar carruur ah oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday dab ka kacay gurigooda oo ku yaalla magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.

Caruurtan oo kala ahaa saddex wiil iyo gabadh yar, oo da'adoodu ka yar tahay 10 Jir, ayaa la sheegay aabbahood uu ku dhex gubay gurigooda oo ku yaalla xaafadda October ee degmada Axmed Dhagax, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saareen Ciidanka Dab-demiska ee Magaalada Hargeysa.

Aabbahan oo lagu magacaabo Xamse Iid Nuur ayaa guriga oo ka koobnaa labo qol oo ka samaysan jiingad oo carruurtiisu ku jirto dabka qabadsiiyey maalintii Axaddii, isaga oo albaabbada ku qufulay ka dibna uu dibedda uga baxay.

Dadka deriska la ahaa qoyskan oo arkay dabka ka kacay gurigaasi ayaa isku dayey in ay bakhtiiyaan, si ay u badbaadiyaan carruurta gudaha ugu jirtay guriga, balse guriga oo dusha ka qufulnaa aanay u suurto gelin.

Waxa halkaas mar dambe gaadhay Ciidanka Dab-demiska Hargeysa, kuwaas oo dabka ka xakameeyeen gurigii iyo guryo isku raran ahaa oo ku dhowaa.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa, ayaa gurigaas ka soo saaray afarta carruurta ah oo dhamaantood ku dhintay dabka uu guriga qabadsiiyey aabahood.

Ilmahan ayaa la aasayaa maanta

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Mid ka mid ah haweenka la deriska ah qoyskan ayaa warbaahinta u sharraxday wixii ay arkaysay: "Waxaan aragnay qiiq ka baxaya guriga oo jiingad ah, waanu qaylinnay, waxaan aragnay (Xamse) aabbaha caruurta dhalay waxaanu nidhi, "waar Xamsow carruurta guriga ka fur,' wuxuu yidhi naa naga tag, ha gubtaane, kadibna xaggaas ayuu iska maray".

Haweenaydan waxa ay intaasi raaciyey in carruurta iyo hooyadood guriga muddo uga maqnaayeen khilaafka qoyska ka dhex jiray, isla markaana maxkamaddu u xukuntay carruurta in ay haysato hooyada dhashay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Aabbaha ayaa la sheegay in carruurta oo xilligaas ayeydood la joogay uu kasoo kaxeeyay kadibna guriga ku soo celiyay oo halkaas ku gubay, sida ay haweenaydan u sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee Hargeysa.

Waxaanu isku daynay inaan la hadalno hooyada dhashay carruurta oo lagu magacaabo Warda Xasan, balse way ka cudur daaratay, maaddaama ay weli la murugsan tahay dhacdada qoyan ee carruurteeda qabsatay.

Dhacdadan oo argagax ku abuurtay bulshada Soomaalida, ayaa qoraal ay soo saareen Ciidanka Taliska Dab-demiska Hargeysa, waxay ku sheegeen in uu la xidhiidhay khilaaf dhinaca qoyska ah oo ak dhex taagnaa hooyada iyo aabbaha, "Guriga ayaa jiingad labo qol iyo barande ka koobnaa, markiiba dabku wada qabsaday. Aabbaha ayaa dabka qabadsiiyay caruurta, waxaana aabbaha iyo hooyada carruurta dhashay ka dhaxeeyay khilaaf, iyagoo iskula jiray maxkamadda.

Keliya waxaa ka badbaaday gabadh yar oo naaska jaqaysay oo hooyadeed ay heysatay. Waxaana maydka la gaadhsiinayaa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa." Ayaa lagu yidhi qoraalka Ciidanka Dab-demiska.

Hargeysa

Xigashada Sawirka, Ciidanka Dab-damiska

Qoraalka sawirka, Hooyada dhashay carruurta

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka hadlay dhacdadan carruurta yaryar ayaa ku tilmaamay dhacdo ugub ah oo murug xambaarsanayd, waxaanu yidhi, "afarta carruur ah oo aan dembi lahayn, oo aan waxba galabsan aabbahood gubay, waa dhacdo ugub igu ah, oo arxan darro ah, waxaan murugada la wadaagayaa hooyadii ubadkaas dhashay, oo aan leeyahay Ilaahay qalbiga ha u adkeeyo".

Aabbahan gubay carruurtiisa, ayaa ciidanka ammaanku qabteen, waxaana lagu hayaa xarunta ciidanka dembi baadhista, halkaas oo falkan uu geystay lagu baadhayo. Lama hubo inay jirto sabab kale oo kalliftay falkan iyo inuu xanuunsanayay iyo in kale, balse baadhis ayaa ku socota.

Carruurtan ninka dhalay ayaa ahaa shan caruur ah, waxaana dabka uu qabadsiiyey gurigiisa ka badbaaday ilmihii u yaraa oo ay hooyadii sidatay.

Falkan oo ahaa mid noociisu ku cusub yahay Somaliland, ayaa waxa uu argagax ku abuuray bulshada, iyada oo si weyn maalmihii u dambaysay loo hadal hayey.

Carruurtan ayaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalada Hargeysa, iyada oo lagu wado inuu ka qayb galo Madaxweynaha Somaliland iyo mas'uuliyiinn kale oo ka tirsan xukuumadda.