Jilaaga filimka "Aano Qabiil" ee lagu dilay isla dhibaatadii uu dadka ka waaninayay

Xigashada Sawirka, Astaan TV
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
"Lama arag nin loo aaray oo iil kasoo baxay." Waa weedha ay u doorteen inay cinwaan uga dhigaan filim gaaban oo ay ugu talagaleen in dadka uu u noqdo wacyigalin kaga aadan mid kamid ah musiibooyinka ugu waaweyn ee uu dalkoodu wajaho.
Filimka Aano Qabiil waxaa sameeyay Abdisiyaad Abdullahi Mohamed, oo ah filim sameeye da'yar oo ka tirsan Astaan TV. Waxa uu ku koray bulsho badanaa dhexdeeda laga tabiyo sheekooyinka dhiigga dadka loo daadiyo in cadaalad lagu raadinayo.
"Waxaan rabay inaan muujiyo khasaaraha bani'aadantinimo ee ka dambeeya kaliya in la maqlo warka ah 'qof baa aano qabiil loo dilay'. Soomaali haddaan nahay mar kasta oo aan maqalno qof baa la dilay, kama fakirno ismana weydiino in qofkaas la dilay uu qeyb ka ahaa qoys dhow oo burburay iyo mustaqbal lumay, sida filmka aan ku muujiyay dilka Cali wuxuu saameynayaa xaaskiisa Sahra oo uur leh. Si guud, filimkani wuxuu ahaa qaylo-dhaan, aan ugu talagalay inuu bulshada soomaaliyeed u noqdo baraarug," ayuu BBC u sheegay Abdi Siyaad.
Sheekada filmku waxay ku saabsan tahay laba saaxiib oo kala ah Cali iyo Saalax, kuwaas oo noloshoodu galaafanayso aano qabiil, waxaa lagu muujinayaa filimka sida dhimashada Cali ay u burburinayso nolosha dadkii jeclaa, oo uu ku jiro saaxiibkiis Saalax oo riyooyin badan ay wada lahaayeen.
Waa hal-abuur muujinaya soo noqnoqodka dhibaatooyinka dilalka qabiil ee ka dhaca Soomaaliya.
Rabitaanku wuxuu ahaa uun inay ahaato sheeko mala-awaal ah. Ilaa ay dhacday musiibo ka dhigtay mala-aawalkii mid run ah.

Xigashada Sawirka, Astaan TV
Mid ka mid ah muuqaallada filimka ayaa muujinaya Guudey Maxamed Geeddi oo taagan bannaanka qol uu Saalax ku dhuumanayo, isagoo isku dayaya inuu u caqli celiyo rag raba inay dilaan Saalax.
Haweeney ayaa qeylinaysa, iyadoo leh, "Ha u oggolaan inuu nabad ku soo baxo, waxaan rabaa inaan dhiigiisa cabo." Ragga weerarka wada ayaa albaabka xoog u garaacaya, iyagoo leh, "kan inaan dilo xalaan ku seexday".
Bannaanka qolkaas waxaa taagan Guudey oo ka codsanaya ragga inay iska daayaan Saalax, "Makhaayadaas ayuu shitaa ee maxuu idiinka bi'iyay oo aad ku dileysaan?" ayuu ugu qiil raadinayaa, laakinse cidna dhag jalaq uma siinayso.
Saddex bilood kadib markii muuqaalkaas filimka la duubay, Guudey, oo ahaa jilaaga, ayaa la dilay. Isla sidii uu filimka ku jilay ayay naftiisii ku baxday.
"Wuxuu dhintay isagoo maraya aafaafka hore ee gurigiisa, waa qaabu dhow filimkii aan daawanay" ayuu yiri saaxiibkiis Cadaawe oo ay shaqo wadaag ahaayeen. "Kaliya markan, ma aysan jirin kaamarad duubaysa, iyo cid u caqli celinaysa ragga weeraraya noloshiisa".
Guudey wuxuu u safray inuu booqdo qoyskiisa oo ku sugan tuulo yar oo ku taal agagaarka Warsheikh, ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 12kii Nofeembar 2024, ayuu warka geeridiisa soo gaaray Cadaawe.
Guudey waxaa bannaanka gurigiisa ku toogtay kooxo hubeysan oo u hamuun qaba dhiig ay u daadiyaan aano qabiil.

Xigashada Sawirka, Astaan TV
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Si dhow ayaan u wada shaqeynay. Guudey wuxuu aaminsanaa fariinta aan isku dayeyney inaan gudbino. Ma ahayn kaliya jilaa, laakiin wuxuu qayb weyn ka ahaa aragtida aan ku gudbinayay sheekada," ayuu yiri Abdi Siyaad.
Aanada qabiil waa dhibaato jiilal badan ka jirtay Soomaaliya, waxayna dad badan oo soomaali ah ku koreen iyagoo maalinba loo sheegayo dilalka qaraabo u dhow oo nafta loo dhaafiyay sababo la xiriira tabashooyin hore, ama xifaaltan qabiil.
Dilalka qabiileed waxay door ka yihiin sababaha keena khilaafyo iyo barakac gudaha Soomaaliya ah, gaar ahaan meelaha miyiga ah. Qoraal 2023 ka soo baxay PeaceRep, oo ah hay'ad cilmi baaris oo ka howlgasha UK, ayaa iftiimisay kororka dilalka aanada qabiil ee magaalooyinka ku yaala gobollada dhexe, iyadoo loo nisbeeyay xiisadaha qabiilka ee halkaas ka taagnaa sannado dheer.
Hay'ad maxalli ah oo fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa diiwaangelisay in ka badan 160 kiis oo dilal qabiil la xiriira kuwaas oo dhamaan dhacay hal sano gudahood, badankoodna aan loo helin cadaalad, taas oo sii hurin karta soo noqnoqodka colaadda.
Qaar ka mid ah gobollada dhexe, illaa 80% dilalka qabiilka ee ka dhaca ayaanan xal loo helin, taasoo keenta in bulshadu aysan ka waantoobin.
"Waxaa i baray nin igala shaqeenayay isku-xirka bulshada deegaanka aan filimka ku duubaynay. Markii aan la kulmay, durba waxaan arkay in uu leeyahay wacyi ku saabsan waxa aan dooneynay inaan kaga sheekeeyo filimka", ayuu sheegay Abdisiyaad. "Wuxuu ahaa qof si dhab ah u aaminsanaa fariinta filimku gudbinayay. Sidaas darteed, ayaan ku xushay inuu kasoo muuqdo filmka."
Waxaa dhab ah in xanuun ay leedahay geeridda nin u adeegsaday codkiisa inuu ka waaniyo bulshadiisa dhibaatada dilalka qabiil, haddana isagu dhibane u noqday.
Toddobaadkan, filimka ayaa si weyn uga soo dhex muuqday baraha bulshada. Sawirro ayaa ku faafay TikTok iyo Facebook-ga Soomaalida. Xigashooyinka filimka, gaar ahaan sawir laga soo qaaday muuqaalkii Guudey iyo weedha "Lama arag nin loo aaray oo iil kasoo baxay," ayaa la soo dhigay boqolaal jeer.
Geerida Guudey waxay ka dhigtay mala-awaalkii xaqiiqo naxdin leh, dad badan ayaana hadda taas aawadeed u hadal haya.
Markii aan weydiinay waxa uu rajeynayo in dadku ay ka qaataan filimka, Abdi Siyaad wuxuu yiri: "Waxaan rabaa in dadka ay fahmaan in aanadu aysan xal keenin, ee ay dhimasho iyo burbur siyaado ah uun keento. Guudey waxaan dhihi karaa inuu naftiisa u bixiyay si uu fariin u gaarsiiyo bulshada. Qof walba oo ay farriintiisu gaartana, waxaan rajeynayaa inay wax uun ku qaataan."










