Maxay tahay sababta magaalada Wardheer loogu laayay lix nin wadaado ahaa?

Masjid

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa goor dhow magaalada Wardheer ee gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida lagu aasay lix nin oo dhalinyaro ahaa oo xalay Masaajid gudihii lagu dilay.

Dhacdadaan oo dadka deegaanku aad uga naxeen ayaa la sheegay inay salka ku hayso aano qabiil, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay halkaa ku dagaallamyeen beelo walaalo ah oo halkaa wada dega.

Laamaha amniga ee dowlad deegaanka ayaa la sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan falkaas oo ay baadhayaan.

Dhanka kale, waxaa jira odoyaal dhaqameed tiro oo u kacay dedaallo nabadeed oo la dhex dhigo labadaas beelood.

Sidee wax u dhaceen?

Abbaarro labadii habeennimo xilliga geeska Afrika ayaa falkani dhacay sida ay BBC-da u xaqiijiyeen dadka deegaanku.

Masaajid ku yaal xaafadda afraad ee ee Wardheer ayaa saqdii dhexe loogu galay oo lagu dilay dhallinyaro wadaaddo ahaa ama sida soomaalidu u taqaanno xer ahaa.

Dhallintan la laayey ayaa wakhtigaas isu diyaarinayey salaaddii subax, sida uu BBC-da ugu warramay Caaqil Maxamed Maxamuud oo ka mid ah odayaasha deegaanka kana mid ah dadka wada dadaallada nabadda .

“Iyaga oo masaajidka ku jira oo salaaddii subax u diyaar garoobaya, qaarkoodna mixraamka ku jireen oo soo weyaysteen ayaa koox kale oo gaadhi nooca baroobogos-ta loo yaqaan wataa oo hubaysan ugu yimaaddeen oo ku dileen halkaas” ayuu BBC-da u sheegay Caaqil Maxamed

Nimankan dhallinyarta ah ayaa la sheegay in ay ku jireen imaamkii iyo mu’addinkii masaajidka lagu dhex dilay.

Arrintan ayaana la xidhiidhay dhacdooyin qabiil oo muddooyinkii u danbeeyey ka taagnaa deegaankaas, kuwaas oo dhanka kalena la isku deyey in la dejiyo, oo dilalkii hore u dhacay diyadii ama magtii loo kala qaado sida ay odoyaasha dhaqanka ee deegaankaasi BBC-da u sheegeen.

‘Isku dhac baa jirey labaa beelood oo deeganaka u dhexeeya, marka kasta oo nabaddu soo dhawaatana dad baa nabadda carqaladeeya oo soo abaabula falal kuwan oo kale ah dilkanna ujeedkiisuu sidaas oo kale ayuu ahaa” ayuu Caaqil Maxamed sii raaciyey

Map

Xigashada Sawirka, Google

Sidee xaalku yahay haatan deegaankaas dhibtu ka dhacday?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida odoyaasha dhaqanku sheegeen dadka labada dhinac ayaa loogu baaqay in ay is xakameeyaan, xilli maamulka deegaanku uu isku deyeyo in hawsha la xalliyo.

Dhanka kalena, waxaa weli dawladdu baadigoobaysaa oo ku daba jirtaa dadkii falkaas geystay sida ay masuuliyinta nabadgelyada ee Dawlad Deegaanku u sheegeen warbaahinta gudaha.

"Dawladdu way ku raad joogtaa ciddii kadanbaysay dhacdadii foosha xumayd ee Wardheer dilka loogu gaystay 6-da qof; tallaabo adag oo sharciga waafaqsan baana laga qaadi doonnaa" ayuu yidhi Maxamed Maxamuud Aadan, oo ah Hoggaan Kuxigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa dhif iyo naadir ku ah Dawlad Deegaanka inkasta oo dilalka la xidhiidha aanada qabiil ay joogto u dhacaan.

Dhanka kale, dhanka dhaqanka Soomaalida ayaa dad badan aamminsan yihiin dadka dhaqanka, culimada, haweenka iyo carruutu ay yihiin biri-ma-geydo aan badanaa la dilin, inkasta oo xaaladaha muuqda ay muujinayaan in dhaqankaasi suulay.