Ilaa xad intee le'eg ayay dawladda Itoobiya dagaalka gudaha u isticmaashaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn?

Mr. Nigus Ballaxa ayaa ka mid ah dadka ay noloshooda saameysay duqeyntii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay hal maalin ku dileen tiro qoyskiisa ah.
Waxa uu BBC-da u sheegay in siddeed qof oo qoyskiisa ah oo ay ku jirto xaaskiisa lagu dilay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday degmada North Showa ee gobolka Amhara.
Taariikhdu markii ay ahayd January 11, 2016, 20 ka tirsan qoyska ayaa lagu dilay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday gaari Isuzu ah oo marayey degmooyinka Moja iyo Wadara.
"Markii aan imid, waxaan arkay xaaskeyga oo jiifta," ayuu yiri Mr. Nigus, oo u soo cararay goobta ka dib markii uu maqlay inuu "soo tuuray diyaaradda aan duuliyaha lahayn". intaa kadib wuxuu sheegay inuu miyir beelay. Ma garanayn waxa dhacay waqtigaas.
Wiil ay wadatay eeddadiis ayaa ka badbaaday duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka hooyadiis iyo xubno kale ay ku dhinteen.
Ilaha caafimaadka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 18 kale ay ku dhaawacmeen weerarka kuwaas oo loo qaaday isbitaalka.
Ilo ayaa u sheegay BBC-da in 60 qof lagu dilay weerar diyaarad aan duuliye lahayn ah oo ka dhacay magaalada Boji Birmaji, oo 460 kilomitir ka jirta Addis Ababa.
Dhakhtar ka tirsan xarun caafimaad oo deegaanka ah ayaa u sheegay BBC-da in in ka badan 60 qof la dilay weerar drone ah maalin dukaamaysi oo dad badani suuqa yimiaadaan si ay wax u iibsadaan.
Qof deggan deeganaka Bila ayaa u sheegay BBC-da in mid ka mid ah dadka lagu dilay weerarka hawada 2-dii Maarso 2022 uu ahaa wiilkiisa, oo ahaa arday dugsiga sare ku jira.
"Magaciisa waa Jawar, wuxuuna ku jiray fasalka 11-aad ee Dugsiga Sare ee Boojji Dirmajii. Waxaa la dilay isagoo u socday dugsiga," ayuu yiri.
"Ma jirin dagaal agteenna maalintaas. [Hoggaamiyeyaasha dowladda] waxay ka baxayeen magaalada xilliga carruurtu ka baxday dugsiga. Dadka oo dhan waxay ka maqnaayeen meesha maaddaama aysan ogeyn waxa dhacay," ayuu BBC-da u sheegay.
Wadaad ka tirsan kaniisadda Makana Jesus, oo codsaday inan magaciisa aan la sheegin sabbao amni wogeed ayaa sheegay in uu aasay ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay weerarka, oo ay ku jiraan wiilkiisa.
Dadka deeganka waxay bixiyeen tirooyin kala duwan oo ku saabsan tirada rayid ah oo lagu dilay weerarada hawada.
Weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee colaadda Itoobiya

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ma aysan badnayn in la maqlo ka hor 2013. Si kastaba ha ahaatee, waxay si weyn u isticmaaleen muddadii laba sano ee dagaallo culus ka dhacay waqooyiga Itoobiya.
Afarta sano ee la soo dhaafay, dowladda waxay fulisay weeraro afar gobol, oo ay ku jiraan Oromiya iyo Amhara, iyadoo dishay dad badan.
Weerarrada ka dhacay Oromiya iyo Amhara ayaa sii socday, iyagoo bartilmaameedsanaya adeegyada dadweynaha, oo ay ku jiraan dugsiyada, ururada, suuqyada iyo saldhigyada suuqyada.
Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha Ciidamada Guud, Colonel Biranu Jula, ayaa diiday eedeymaha, isagoo sheegay "drones lagu beegsaday maleeshiyo, basle an lagu weerarin dadweyne."
Si kastaba ha ahaatee, BBN waxay ururisay macluumaad ka yimid dad goobjoogayaal ah iyo ilo kala duwan, gaar ahaan Oromiya iyo Amhara, halkaas oo dowladda ay sheegtay in rayidka ay ka dhintaan ka badan maleeshiyada ee weerarada droneska
Intii u dhaxaysay sanadii 2013- Maarso 2016, waxaa jiray 144 weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo la diiwaan geliyey oo la xaqiijiyey oo ka dhacay Itoobiya.
Warbixintooda sanadkii 2016-kii, guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay ku sheegtay in werarada ka dhanka ah dadka rayidka ah aysan aqoonsanayn dadka rayidka ah oo aan la kulmin heerarka lagama maarmaanka ah iyo kuwa macquulka ah.

Guddiga ayaa sheegay in weeraradaasi ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Amnesty International ayaa sheegtay in ay jiraan warbixinno sheegaya in la dilay dad rayid ah oo aan wax door ah ku lahayn iska hor imaadyada.
Marka laga soo tago dilalka, weerarradu waxay “waxyeello weyn u geysanayaan kaabayaasha horumarineed ee ay adeegsadaan dadka rayidka ah,”
Ururada sheegta in ay u dagaalamaan qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada ayaa marar badan walaac ka muujiyay duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay goboladan.
"Dadka rayidka ah ayaa ah kuwa ugu badan ee ay saameeyeen weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gobolka Axmaarada," ayuu yiri Hona Mandafroot, oo ah madaxa Ururka Axmaarada ee Maraykanka.
Sida laga soo xigtay ururka, ugu yaraan 80 qof ayaa "la xaqiijiyay" in ku dhinteen weerarrada diyaaradha aan duuliyaha lahayn ayaa laga fuliyay gobolka Axmaarada laga soo bilaabo Agoosto 2015 ilaa in ka badan kala bar weerarradan 42 ka mid ah ayaa sababay dhimashada dad rayid ah.
Mr Honan ayaa BBC-da u sheegay in uu xaqiijiyay in weeraradaasi ay ku dhinteen 400 oo qof oo rayid ah uuna aqoonsaday.













