Maxaad ka taqaanaa saddexda cunto ee xanuunka ama dhimashada kuu horseedi karo?
Cuntada inta badan waxa dhibaato ah ma keento laakiin mararka qaarkood waxaa dhacda in cunnooyinka qaar ay sababaan xanuun ama xitaa dhimasho. Haddaba waa kuwee cuntooyinkaas?
1. Kalluunka xeydha leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kalluunkan loo garanayo Puffer fish waa dilaa.
Waxa ku jira tetrodotoxin oo ah walax sun ah oo laga baqo sida degdegga ah ee ay ku fiddo iyo saamaynteeda waxaana la qabaa in ay xataa ka halis badan tahay maadada cyanide.
Hase yeesee halistaa oo jirta ayaa hadana kaluunkan yahay cuntooyinka ugu qaalisan wadamada qaar.
Japan, fugu (waa magaca cuntada laga sameeyo kalluunkan) ayaa had iyo jeer qaydhiin lagu cunaa ama maraq baa lagu daraa.
Dadka cuntada kariya, tababar dheer oo dhawr sano ah ayaa la siiyaa inta aan loo fasaxin in ay kalluunkaa kariyaan oo dadka siiyaan.
Muhiimaddu waxa weeyi in inta aan dadka la siin laga saaro xubnaha suntan ah oo ay ka mid yihiin maskaxda, haragga, indhaha, ilmo galeenka, beerka iyo mindhicirka.
2: Digirta cas iyo soybeans

Xigashada Sawirka, Getty Images
Badanaa waxa la isku waafaqsan yahay in digirtu tahay cunto u fiican caafimaadka laakiin waxa jira noocyada qaar oo hadii aan si hagaagsan loo diyaarin lagu xanuunsan karo.
Digirta cas iyo soybeans ee dhadhanka macaan, waxay ku jiraan qaybtan. Dhanka togan marka laga eego digirtaa waxa ku jira nooc duxda ka mid ah oo la yiraa phytohaemagglutinin oo sidaa qoraalkeeda iyo akhrinteedu u adagyihiin uu dheef shiidkeeduna u adagyahay.
Hadii aad dooneyso in aad isku daydo ta dambe waa inaad u diyaar ahaataa calool xanuun iyo matag is barkan.
Warka fiicanse waxa weeyi in hadii aad loo kariyo digirta aad arintaa ka badbaadayso.
Sida digirta oo kale, soybeans waxaa ka buuxa borotiinno iyo maadooyin sunta dila.
Nasiib darrose, waxaa ku jira sun dabiici ah oo ah - dheecaanka trypsin - oo lagaga hortagi karo cuntada oo si fiican loo calaashado.
Labaduba waxay u baahanyihiin hab lagu nadiifiyo oo ah in biyo lala dhigo, 12 saacadood ka hor inta aan la karinin.
3: Miraha loo garanayo Nutmeg ee xawaashka laga sameeyo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xawaashkan caanka ah waxaa laga soo guraa geed ka baxa Indonesia.
Waa maadada ugu muhiisan ee loo adeegsado samaynta buskudyada nooc ka mid ah iyo macmacanka kale.
Macmacaanka ka sokow waxa kale oo loo adeegsadaa xawaashkan in lagu daro baradhada, hilibka, suugada iyo khudaarta xataa sida cabitaannada qaarkood.
Hase yeeshee hadii xaddi badan laga cuno waxay keeni kartaa saamayn halis ah: yalaalugo, xanuun, naqaska oo qofka ku dhega iyo xataa suuxdin iyo sidoo kale cudurrada maanka ku dhaca.
Ku sumowga xawaashka, in loo dhintaa waa dhif laakiin maaha wax qofku xamili karo.
Hadaba muxuu qof ku dooran karaa inuu cuno xaddi badan oo xawaashkaas ah? Mirahan waxaa qarniyo loo adeegsan jiray daroogo ahaan.
Marka la eego saamayntan runtii ma fiicna in qofna isku biimeeyo waxyaabahan.











