Dawo-dhireedka kansarka "waxay sababaan dhibaato caafimaad"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bukaannada qaba cudurka Kansarka ayaa lagula taliyay in dhakhaatiirtooda ay la wadaagaan haddii ay isticmaalaan dawooyiinka dhirta ka sameysan, maadaama qaar ka mid ah maadooyinka dawooyinka dhirta ku jira ay lid ku noqonayaan dawada Kansarka loo cuno ee caadiga ah. Taladaasi ayaa laga soo jeediyay shir weyne ku saaban cudurka Kansarka.
Waxyaabaha sida toonta, sanjabiilka iyo kaniinnada kale ee dhirta ka sameysan, ayaa sababi kara in boogaha ku yaal qofka qaba Kansarka ku dhaca naasaha ay dhakhso bogsan waayaan.
Prof Maria Joao Cardoso, ayaa sheegtay in ilaa hadda aan la hayn caddeyn ah in dawo direedka ay wax ka tareyso cudurka Kansarka.
Waxayna ku talisay in qofkii dawooyinkaas ka shakisan ay fiican tahay in uu iska dhaafo.
"Dhakhaatiirtu waa in ay feejignaadaan oo ay bukaanka qaba Kansarka weydiiyaan dawooyiinka kale ee ay isticmaalayaan," ayay tiri Prof Cardoso, oo ah madaxa qalliinada cudurka Kansarka ee ku dhaca naasaha, ee ku yaal magaalada Lisbon ee dalka Portugal.
Waxay sheegtay in ay aad muhiim u tahay in dadka bukaanka ah ee qaba cudurkaas ay weydiiyaan dhakhtarkooda inay dawooyin kale oo dir ka sameysan ay isticmaali karaan marka cudurkaas uu maqaarka jirka ku faafo.
Arrintan ayaa ku badan cudurka kansarka ee naasaha ku dhaca balse noocyada kale ee Kansarka ee jirka intiisa kale ayaan sidaas la mdi ahayn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Halista ayaa waxa ay tahay in dawooyinkaasi dabiiciga ah ee dhirta ka sameysan ay caqabad ku noqdaan dawooyinka casriga ah ee loo qaato cudurkaasi. Qaarkood ayaa sababaya in boogaha ku yaal jirka aysan dhakhso bogsoon.
Prof Cardoso ayaa sheegtay in dawo dhireedka qaar aysan u fiicnayn boogaha ku yaal dadka qaba Kansarka naasaha. Waxaana dawooyiinkaa dabiiciga ah ka mid ah kuwa laga sameeyay: Toonta, Sanjabiilka iyo huruudka.
Dhirtaas la sheegay waxaa kale oo ka mid ah:
- dhirta loo garanayo
- dawada ubaxa ka sameysan
- Toon
- geedka loo garanayo ginkgo
- xididdada geedka ginseng
- Miraha hawthorn
- Huruud
'Wax yeello ha isu geysan'
Prof Cardoso ayaa sheegtay in aysan la yaab ahayn in dadka bukaanka ah ay mararka qaar dawo dheeri ah, oo ay ku kabaan dawooyinka caadiga ah, ay raadsadaan.
Basle waxay intaasi ku dartay in ay tahay in dadka ay ogaadaan in mararka qaar ay dhibaato hor leh isu geysanayaan.
Xarunta cilmibaarista ee cudurka Kansarka ee dalka Britain ayaa sheegtay in mararka qaar ay dhici karto in dawo dhireedka ay caqabad weyn ku noqdaan dawooyinka caadiga ah ee loo cuno Kansarka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay xaruntan sidoo kale sheegtay in ay habboontahay in dadka bukaanka ah ee qaba cudurka Kansarka ay iska ilaaliyaan cunnooyiinka qaar iyo cabbitaannada qaar, sida Canabka iyo Liinta, sababoo ah waxay wax u dhimmi karaan dawooyinka loo cuno Kansarka.
Grete Brauten-Smith, ayaa sheegtay in waxyaabo badan oo aan caddeyn loo hayn lagu faafiyo intarneedka, sidaa awgeed ay tahay in ay dadku is ilaaliyaan.
Prof Cardoso ayaa sheegtay in ay jiraan waxyaabo kale oo qofka caawin kara basle ay tahay in la iska ilaaliyo dawo dhireedka qaar.










