Maskaxdaada ka caawi in aysan waxba illaawin adigoo cunaya khudaartan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma taqaanaa 7 cunno ee kaa caawin kara cudurka halista ah ee Asaasaqa?
Cudurkan oo hoos u dhiga xusuusta iyo xirfadaha kale ee fahanka waxaa sannad walba lagu arkaa dad gaaraya ku dhawaad 50 milyan sida ay sheegtay hay,adda caafimaadka aduunka ee WHO.
Balse cilmibaariddii ugu dambaysay ayaa muujinaysa in isu dheeli tirnaanta cunnooyiinka ay muhim u tahay in maskaxda ay caafimaad qabto loogana hortagi karo cudurka Asaasaqa. Waxaa jira cddeymo yar oo cudurka lagula xiriirano cuntooyiinka.
Kafeega iyo Shukulaatada ayaa la sheegay in dhammaan ay yihiin cunooyiinka "sida mucjisada ah uga hortaga cudurka Asaasaqa" sanooyiinkii ugu dambeeyay.
Balse ma jiraa run ka dambeysa arrimahan la shegay?
Wariyaha BBC, Sheila Dillon ayaa la hadashay khubaro ku taqasustay arrimaha waxayna la wadageen khibradooda.
Waxay muujineysaa in cuntada ay xulafo kula tahay: xitaa ma jirto cunto mucjiso ah, laakiin habka wax cunidda ee Mediterranean-ka uu yahay hannaanka ugu wanaagsan ee maskaxda iyo jirka.
1. Fitamiinnada badda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa muuqata in Kalluunka oo la cuno muddo toddobaad ay faa'ido leedahay.
2. Beeriga fiican

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah miraha Rummaanka iyo noocyada kale ee bahwadaagga la ah ayaa la sheegay in ay hoos u dhigayaan geedi socodka billaabashada xusuusta maskaxda.
3. Looska

Xigashada Sawirka, Getty Images
In maalinkii aad cunto 30mg oo loos ah ayaa la rumaysan yahay inay kaa caawinayso inaad la dagaallanto cudurka Asaasaqa, waxaana looska ku jirto nafaqo iyo macdan.
Waxaa sidoo kale la mid ah miraha kale sida Basasha, Galeyda, Bariiska, Qamadiga iyo Haruurka.
4. Khudaarta cagaaran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caleenta Koostada, Babaayga iyo guud ahaan khudradda cagaaran ayaa hoos u dhigi kara cudurka hilmaamka badan sababa ee Asaasaqa.
5. Fitamiin B

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tijaabo lagu sameeyay dadka qaba xanuunada hilmaamka oo la siiyay Fitamiin B, waxaa ka muuqatay isbedel wayn.
6. Koob wanaagsan oo Kafee ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kafiiga ayaa la sheegay in uu yahay mid waxtar u leh caafimaadka neerafaha, haddii aan si kale u dhigno waxa uu Kafeega dib u soo hanan karaa qaab dhismeedka iyo shaqada.
7. Afakaadhada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afakaadhada -ayaa sidoo kale ah waxyaabaha soo shaac baxay oo ku saabsan cunnooyiinka caafimaadka u wanaagsan balse waxay ka mid tahay kuwa lagu cayilo, una wanaagsan maskaxda.











