Waa maxay saameynta caafimaad ee ka dhalata cabida tubaakada?
Dadka sigaar caba ee ku nool dunida ayaa lagu qiyaasay 1.4 bilyan oo qof , 80% dadkaas waxa ay ku noolyihiin waddamada soo koraaya.
Ragga sigaarka caba ayaa iyagu shan jibaar ka badan haweenka iyaguna caba sigaarka, waxaana la sheegay in sanad walba la sheegay inay u dhintaan dad lagu qiyaaso 6 milyan oo qof, Lix boqol oo dadkaasi kamid ah na waxaa la sheegay inay u dhintaan saameynta kasoo gaarta dadka sigaarka caba.
Haddaba waa maxay saameynta caafimaad ee ka dhasha cabida sigaark? su'aashaas iyo kuwa kale ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Calinuur Salaad waxaa uu hordhigay Prof. Cusmaan Maxmuud Dufle oo ah Dhakhtar ka howl galo magaalada Muqdisho.