Waa la dilay, medkeedana waxaa cunay xayawaano

Xigashada Sawirka, I'm a fan of the media.
Haweeneyda nwaxaa magaceeda lagu sheegay Adaanech Kumsaa, oo ka shaqayn jirtay Bangiga Ganacsiga Itoobiya.
Ku-xigeenka Taliyaha Nigatu Alamuu, oo ah madaxa Waaxda Baarista ee Saldhigga Booliiska Sandafa Bakke, ayaa BBC-da u sheegay in dilka argagaxa leh uu dhacay 6-dii December.
"Dhibbanaha waa shaqaale ka tirsan Bangiga Ganacsiga Itoobiya, laantiisa Alaltuu. Waxay ku nooleyd magaaladeenna,Dhacdadu waxay dhacday 6-dii December 2018, qiyaastii 3:00 galabnimo."
"Dilka wuxuu dhacay 3:00 galabnimo wuxuuna ka dhacay gudaha magaalada Sandafa Bakkee Gomaaxaa," ayuu yiri.
Il-wareed aqoon u lahaa qoyska haweeneyda iyo iyadaba ayaa BBC-da u sheegay in ay horey qoyskeeda ugu sheegtay in eedeysanaha uu marar hore ugu hanjabay goobteeda shaqo.
"Maalintii la dilay, waxay ka qaybgashay tababar uu bixinayay Bangiga Ganacsiga Itoobiya kaasi oo ka dhacay Finfinnee,. Fiidkii maalintaas, waxay wacaysay dad kala duwan intii u dhexeeysay 7 saac iyo 8 saac ee galabnimo."
Adaanech waxay ka shaqaynaysay laanta Alatuu ee Bangiga Ganacsiga Itoobiya muddo saddex sano ah.
Eedeysanaha loo haysto dilka haweeneyda waa qof ka tirsan dadka deggan xaafadda Gulallee ee Finfinnee, waxaana halkaasi sidoo kale ku nool qoyskiisa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa la sheegay in eedeysanuhu inta badan xirto maaskaro madow, isla markaana uu iska bixiyo oo keliya marka uu gaariga galo.
Sida uu ninku sheegay, eedeysanuhu wuxuu si isdaba joog ah ugu hanjabi jiray Adeenechin isagoo ku leh: "waan ku guursanayaa."
Il-wareedku wuxuu sheegay in Adaanech, oo ah hooyo leh laba caruur ah, aysan xilligaa dooneyn guur kale marka laga reebo daryeelka carruurteeda, maadaama seygeedii hore ay kala tageen.
Sida lagu ogaaday baaritaanka booliisku ku sameeyeen dilka, dhibbanaha iyo eedeysanaha, Mr. Tsagaayee Asaalifoo, waxay lahaayeen xiriir, waxayna habeenkaas ka cunteeyeen goob huteel ah.
Si kastaba ha ahaatee, Adaanech ayaa horey u sheegtay in aysan wax xiriir jacayl ah la lahayn eedeysanaha, islamarkaana uu si xoog ah ugu hanjabi jiray, sida uu sheegay qof aan doonayn in magaciisa la shaaciyo.
"Labadooda waxay habeenkaas ka dalbadeen cunto Hoteelka Yerosan, waxaana gabadha la dilay ay ka tagtay cuntada iyada oo aan waxba cunin."
"Eedeysanaha ayaa markaas gaariga qaatay, raacayna dhibbanaha ilaa gaariga, kadibna geeyay Gomaaxaa, halkaasoo uu toogasho ku dilay," ayuu yiri.
Qof aqoon u lahaa Adaanech ayaa BBC-da u sheegay in eedeysanuhu raacay markii ay hoteelka si qarsoodi ah uga baxday, iyada oo isku dhigaysa in ay gacmaha dhaqanayso.
Ka dib markii uu haweeneyda toogtay, eedeysanuhu wuu ka cararay magaalada Alaltu, halkaasoo uu ka tagay gaariga iyo shumac.

Xigashada Sawirka, I'm a fan of the media.
"Taliye Nigatu ayaa yiri: 'Wuxuu ka tagay gaariga iyo qalabkii loo isticmaalay dambiga magaalada Alaltu kadibna wuu cararay. Dhiigga iyo shumacyada ku jiray gaadhiga ayaa cadeynaya in dambiga lagu galay gudaha gaarigan.'"
Eedeysanaha ayaa haweeneyda toogtay kadibna ka tagay. Jirka haweeneyda la dilay waxaa cunay xayawaanno ama dugaaga.
Sida uu booliisku sheegay, bulshada ku dhaqan halakasi ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay maqleen rasaas habeenkaas, sidoo kalena gaarigu ay booliiska heleen uu ahaa isla noocii uu ninkaasi isticmaalayay.
Haraadiga hilibka jirka haweeneydan ee ay xayawaanku cuneen ayaa la so uruuriyya kadibna waxaa loo qaaday Isbitaalka Paul si loo sameeyo meydkeeda.
Adaanech waxay ka soo jeedaa qoys balaaran oo aqoonyahano ah, waxayna ahayd gabadha reerka ugu yar .
Aaska Adaanech Kumsaa ayaa shalay lagu qabtay iyadoo ay goob joog ka ahaayeen qoyska iyo eheladeeda.













