Maxamed Ibraahim: Soomaaligii ugu horreeyey ee xaakim ka noqday maxkamadda sare ee Kenya

Xigashada Sawirka, capital FM
Garsoore Maxamed Khadar Ibraahim ayaa noqday xubintii ugu horreeysay ee bulshada Soomaaliyeed ee Kenya oo loo aqoonsado Qareen (Advocate) Maxkamadda Sare ee Kenya 11-ka Janaayo 1983.
Sanadkii 1994, wuxuu aasaasay xafiiskiisa gaarka ah, Mohammed Ibrahim & bahwadaagtiisa, kaas oo fiday sanadkii 1997 iyada oo uu u beddelay Qareenada Ibrahim & Isaack.
Waxa uu ahaa xubnihii ugu horeeyay ee bulshada Soomaaliyeed ee loo aqoonsado in uu gaaray heer qareen.
Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaasha hay'adda xuquuqda aadanaha ee Mwangaza Trust, isaga oo si weyn loogu yaqaanay dedaalkiisa xooggan ee ku aaddan caddaaladda bulshada iyo ilaalinta xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, sababo la xiriira mucaaradkiisa qayb ka mid ah ee nidaamkii hal-xisbi ee xilligaas, waxaa xabsiga lagu hayey iyada oo aan maxkamad la marin bishii Luulyo 1990 intii lagu guda jiray xukunka taliskii Moi, wuxuuna hal bil si gooni ha ugu qaatay xabsiga Kamiti sababo la xiriira bixinta talooyin sharci iyo taageeridda dadkii u ololeeynayay dimuqraadiyadda.
Sidoo kale, wuxuu ka soo shaqeeyay sidii xiriir muhiim ah ugu dhaxayn lahaa Maxkamadda Sare iyo Guddiga Garsoorka Doorashooyinka, isaga oo xoojinayay iskaashiga iyo isku dubaridka dhamaan hay'adaha garsoorka
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Dhagaysiga dacwada doorashada Madaxweynaha
Sanadkii 2017, garsoore Ibraahim ayaa xanuunsaday intii lagu guda jiray dacwadii doorashada Madaxweynaha ee uu gudbiyay Raila Odinga, kaasi oo kursiga madaxweynaha kula tartamay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxkamada sare ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday guusha madaxweyne Uhuru Kenyatta, inkasta oo Raila uu diiday dib ugu tartamo doorashada.
Bilowgii dhagaysiga dacwada, garsoore David Maraga ayaa ku wargaliyay qareenada iyo ololeeyaasha in garsoore Ibraahim uu qaadanayo daryeel caafimaad.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo wakhtiga ay haysteen uu xaddidnaa, xubnihii kale ee garsoorka ayaa sii waday dhagaysiga dacwada isaga oo ka maqnaa.
Sida uu sheegayo qodobka 162 (2) ee dastuurka waxa maxkamadu ay sii wada karta dhagaysiga dacwada haddii garsoorka maqalka kiiska ay joogaan in ka badan shan garsoore.
Garsoorayaasha kale ee goobjooga ahaa ayaa kala ah ku-xigeenka guddoommiyaha garsoorka Philomena Mwilu, Jackton Ojwang, Njoki Ndug'u iyo Isac Lenaola.
Garsoore Maxamed Warsame ayaa sheegay inuu geeriyooday garsoore Maxamed Ibraahim Arbaco 17 December, uuna ku dhintay isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi. Da'diisu waxay ahayd 69 jir.
Madaxa cadaalada Kenya Martha Koome ayaa ka tacsiyeeysay geeridiisa, iyada oo tacsi u dirtay qoyskiisa, bahda garsoorka iyo dhammaan asxaabtiisa.
Garsoore Ibraahim ayaa garsoorka ka soo shaqeeyay garsoorka Kenya muddo 23 sano ah, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah. Waxaana kahor inta aan loo magacaabin maxkamada sare uu soo noqday garsoore ka tirsan maxkamada racfaanka.













