Nuuradiin Xaaji: Waa kuma madaxa sirdoonka Kenya?

Nuradiin

Xigashada Sawirka, ODPP

Qoraalka sawirka, Nuuradiin Xaaji
    • Author, Fatuma Maalim Abukar
    • Role, BBC News Somali

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shalay agaasimaha guud ee Hay'adda Sirdoonka Qaranka Kenya u magacaabay Nuuradiin Xaaji, oo hore u ahaa dacwad-oogaha guud ee Kenya.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kaddib markii uu howlgab noqday janaraal Philip Kameru, oo xilkan hayay tan iyo sanadkii 2014.

Madaxweynaha Kenya ayaa magacaabidda kaddib u gudbiyay baarlamaanka si ay u ansixiyaan, kaddib marka uu kalfadhigoodu dib u furmo bisha soo socota.

Haddii ay xildhibaannada Kenya ansixiyaan magacaabidda, wuuxu Nuuradiin dib ugu laabanayaa waaxdan NIS kaddib shan sano oo waaxda dacwad-oogidda uu ka shaqeynayay.

Waa kuma Nuuradiin Xaaji?

Nuradiin

Xigashada Sawirka, NURADIN HAJI

Nuuradiin wuxuu 3 July 1973 ku dhashay magaalada Malindi ee ka tirsan gobolka Xeebta, Kenya.

Waxaa uu iskuulka hoose dhexe ka soo dhigtay meelo kala duwan maaddaama uu aabbihii shaqaale dowladeed ahaa oo marba meel loo baddalayay , sida Garissa, Nakuru, Nyanharuru, Nyeri, Eldoret iyo Mombasa oo Kenya ka wada tirsan.

Wuxuu Nuuradiin shahaadada sare ka heystaa siyaasadda ammaanka qaranka, oo uu ka soo bartay Jaamacad ku taalla dalka Australia.

Hooyadiis waxay ahayd macallimad. Waxaa uu aad u ammaanay waaliddiintiisa oo uu sheegay in heerka uu gaaray ay gacan wayn ka geysteen.

Waxaa uu shaqadiisa ku billaabay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu qareen ka noqdo.

Waxaa uu sidoo kale xubin ka ahaa laanta sirdoonka qaranka oo uu u qaabilsanaa dhanka sharciga.

Waxaa uu sidoo kale mar ahaa agaasime ku xigeenka laanta la dagaallanka dambiyada abaabulan, waxaa uuna xilligaas shaqadiisa ka mid ahaa in uu talo siiyo agaasimaha sirdoonka qaranka Kenya, gaar ahaan dhanka sharciga la dagaallanka dambiyada abaabulan.

Waxaa uu hadda haya xilka xafiiska dacwad oogaha guud ee Kenya.

Nuuradiin, kahor inta aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday agaasime ku xigeenka waaxda ka hortagga dembiyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeynayay markaas.

Nuradiin

Xigashada Sawirka, NURADIN HAJI

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nuuradiin Xaaji ayaa xilka agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogista Kenya qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii. Hase yeeshee, waxa uu qirtay inuu la kulmay caqabado waaweyn oo uga yimid awoodo isugu jira kuwo gudaha ah iyo sidoo kale kuwo bannaanka ah.

"Xitaa inta aan shaqadan ku jiray waxaa ii hanjabay dad dareemay in go'aannadeydu, ha ahaadaan kuwo dacwad soo oogid ah iyo kuwo aan dacwad soo oogid ahaynba, aysan ahayn kuwo dan ugu jirtay."

Nuuradiin ayaa khibrad ballaaran u leh howlaha baaritaannada iyo amniga, isagoo Maxamadda ugu Sarreysa Kenya ka tirsanaa muddo 19 sano ah.

Magaca Nuuradiin iyo qoyskiisa kuma cusba dhagaha dadka Kenya.

Aabbihii waa Maxamd Yuusuf Xaaji oo ahaa siyaasi si wayn looga yaqaanno dalka Kenya.

Yusuf Xaaji waxaa muddo dheer u soo shaqeynayay dowladda Kenya isaga oo ka soo bilaabay guddoomiye degmo.

Waxaa uu sidoo kale soo qabtay xilalka wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga iyo muddo dheer oo uu xildhibaan ahaa, waxaa uuna noqday senatarkii ugu horreeyay ee uu ismaamulka Gaarisa yeesho.

Taariikhdu markii ay ahayd 15 Febraayo 2021 ayuu Yuusuf Xaaji ku geeriyooday magaalada Nairobi.

“Mar ayuu ka badbaaday Al-Shabaab”

Nuradiin

Xigashada Sawirka, Reuters

Mar uu Nuuradiin warbaahinta la hadlayay sanadkii 2021, isagoo ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisaba ay bartilmaameed u ahaayeen weerar argagixiso oo ay fuliyeen kooxda al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Mar uu la hadlayay idaacad maxalli ah ayuu Nuuradiin shaaca ka qaaday in aabbihiisii geeriyooday isla sanadkaas - Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senator-kii Gaarisa - iyo isaga ay ku jireen "liiska al-shabaab ee ay ku qornaayeen magacyada dadkii la damacsanaa in lagu dilo weerarkii dhismaha ganacsiga West Gate" ee Nairobi ka dhacay sanadkii 2013-kii.

"Haddaad eegto xogta sirdoonka ee la sii daayay 2013-kii, gaar ahaan tii ku saabsaneyd weerarkii West Gate, waxaad arkeysaa in qoyskeyga iyo anigaba aan bartilmaameed u ahayn al-Shabaab," ayuu yiri.

"Al-Shabaab mar walba waxay sheegtaa inay noola tacaali doonto qoys ahaan iyo shakhsi ahaan labadaba, sababta ay nagu maagayaanna waa shaqada aan qabannay." Ayuu yiri Nuuradiin.