Nuuradiin Xaaji: Waa kuma sarkaalka sare ee Kenya ee ka badbaaday dilka al-shabaab?

Westgate attack

Xigashada Sawirka, Reuters

Dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisaba ay bartilmaameed u ahaayeen weerar argagixiso oo ay fuliyeen kooxda al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Standard ee kasoo baxa Nairobi.

Isagoo galinkii hore ee maanta oo Jimce ah la hadlayay idaacad maxalli ah ayuu Nuuradiin shaaca ka qaaday in aabihiisii dhawaan geeriyooday - Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senator-kii Gaarisa - iyo isaga ay ku jireen "liiska al-shabaab ee ay ku qornaayeen magacyada dadkii la damacsanaa in lagu dilo weerarkii dhismaha ganacsiga West Gate" ee Nairobi dhacay sanadkii 2013-kii.

"Haddaad eegto xogta sirdoonka ee la sii daayay 2013-kii, gaar ahaan tii ku saabsaneyd weerarkii West Gate, waxaad arkeysaa in qoyskeyga iyo anigaba aan bartilmaameed u ahayn al-Shabaab," ayuu yiri.

"Al-Shabaab mar walba waxay sheegtaa inay noola tacaali doonto qoys ahaan iyo shakhsi ahaan labadaba, sababta ay nagu maagayaanna waa shaqada aan qabannay."

Hanjabaado

Nuuradiin Xaaji ayaa xilka agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogista Kenya qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii. Hase yeeshee, waxa uu qirtay inuu la kulmay caqabado waaweyn oo uga yimid awoodo isugu jira kuwo gudaha ah iyo sidoo kale kuwo bannaanka ah.

"Xitaa inta aan shaqadan ku jiray waxaa ii hanjabay dad dareemay in go'aannadeydu, ha ahaadaan kuwo dacwad soo oogid ah iyo kuwo aan dacwad soo oogid ahaynba, aysan ahayn kuwo dan ugu jirtay."

Noordin Haji

Xigashada Sawirka, Noordin Haji

Balse dacwad oogaha guud ayaa sheegay in arrimahaasoo dhan aysan wax saameyn ah ku yeelanin, dhagna uusan jalaq u siinin, isagoo intaasna ku daray inuu horayba u ogaa sida ay u adag tahay shaqada uu u bareeray.

"Taasi waa qayb ka mid ah shaqada. Waan ogaa inay heerkaas gaari karto, haddii uu go'aankeygu noqdo inaan dastuurka u hoggaansamana, hanjabaaddaas way sii xoogeysan doontaa balse anigana diyaar baan u ahay," ayuu yiri.

Mar la weydiiyay su'aal ku saabsaneyd inuu yahay qof la musuqmaasuqi karo, ayuu Nuuradiin ku jawaabay: "Maya, sida aan ku rajo weynahay. Waxaana laga yaabaa, inay taas qayb ka tahay dhibaatada, sababtoo ah haddii ay sahlanaan lahayd in la i marinhabaabiyo, xaaladdu sidan way ka duwanaan lahayd. Waxaan ku duceysanayaa inaanan ku dhicin dabinka."

Xaaji ayaa in muddo ahba dagaal qabow iyo hardan kula jiray waaxda dambi baarista Kenya, waxayna labada dhinac isku hayeen sida loola tacaalayo kiisas ku saabsan dad sar sare oo magac weyn leh.

Halka ay waaxda dambi baarista ee DCI mar walba ku eedeyneysay dacwad oogaha inuu dib ugu soo celiyo feylasha iyagoo ka filayay in uu dacwad kusoo oogo dadka la tuhunsan yahay, isaguna waxa uu ku adkeysanayay in xafiiskiisa uusan aqbali doonin shaqo xun oo ay sameeyeen saraakiisha dambi baarista ah.

"Xafiiska dacwad oogiska guud ma aha hay'ad baaritaan sameysa balse dadka qaar waxay wali la tahay in howsha loo fulinayo qaabkii hore."

Noordin Haji

Xigashada Sawirka, Noordin Haji

Isagoo la hadlaya dadka dalbanaya inuu xilka iska casilo ayuu Nuuradiin yiri: "Baaqyadaas waxay u imaanayaan sababo la xiriira go'aannada aan sameeyay mana ku saabsana in aanan xirfad igu filan u lahayn xilka ama in aan wax khaldan sameeyay, inaan musuqmaasuq ku kacay ama inaan waalanahay."

"Dadka qaar ma fahmayaan in xilli walba oo ay cadaadiska badiyaan anigana aan kusii farxayo. Diyaar baan u ahay inaan u wajaho waji ka waji.

"Waxa niyadda ii dhisa waa qoyskeyga, diinteyda iyo jacaylka aan u qabo waddankeyga."

Xurgufta u dhaxeysa Nuuradiin Xaaji iyo madaxa hay'adda dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa bannaanka usoo baxday xilli uu socday kiis dacwadeed oo ku saabsan dilka ganacsade u dhashay waddanka Holan oo lagu magacaabi jiray Tob Cohen. Khilaafka ayaa yimid kaddib markii xafiiska dacwad oogaha uu laalay dacwad dambi oo ka dhanka ah garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka oo la yiraahdo Sankale ole Kantai.

Hay'adda dambi baarista ayaa dooneysay in Mr Kentai dacwad loogu soo oogo dilka Cohen awgiis iyo warqado been abuur ah oo uu sameeyay, balse Xaaji ayaa kiiska xiray, isagoo intaasna ku daray in caddeymaha aysan ahayn kuwo ku filan.