Maxay dadweynaha Kenya u hadal hayaan qaabka loo aaso Muslimiinta

Xigashada Sawirka, State House Kenya
Shacabka dalka Kenya ee aan Muslimka aheyn ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaabka loo aasay senetarkii magaalada Gaarisa, Maxamed Yuusuf Xaaji oo dhawaan lagu aasay qubuuro ku yaalla Nairobi.
Dadka qaar waxay sheegeen inay jeclesyteen sida Muslimiinta ay meydkooda u duugaan, iyagoo aan waqti badan lumin, isla markaana aan kharash badan lagu bixin qaban-qaabada aaska sida in meydka loo qaado deegaanka uu ka soo jeedo.
Qaarkood waxa ay sheegeen inay muhiim tahay in dadka kale ee aan Muslimka aheyn ay cashar ka bartaan qaabka loo aasay Yuusuf Xaaji.
Mutula Kilonzo Junior oo ah senetar ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Yuusuf Xaaji loo aasay si xushmad leh loona baahan yahay in cashar laga barto arrintaas.
"Senetar Yuusuf si xushmad leh oo deggan ayaa loo aasay galabta, waa in aan cashar ka barannaa arrintaas, dunida waxbo lama aanan imaan, waana ka tageysaa sidaas si lamid ah-dhammaanteed wax qiimo ah ma lahan,"
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Dhanka kale, baadari Kenyan ah oo la yiraahdo Pastor Nganga ayaa barta Twitter-ka soo geliyay qoraal uu kaga hadlayo aaska senetarka oo uu sheegay in uu jecleystay qaabka ay Muslimiinta dadkooda u aasaan.
"Waxaan jeceleystay tallaabada Muslimiinta ee arrintan, Senetar Yuusuf Xaaji markii uu geeriyooday waxaa lagu aasay qubuuraha Muslimiinta ee Langata isla maanta. Waxaa sidoo kale isla maanta la aasay siyaasi Nyachae oo geeriyooday labo todobaad ka hor."
Wuxuu intaas ku daray in Muslimiinta aysan kharasha badan ku bixin aaska dadka ka dhinta.
"Ma jirto wax lacag uruurin ah, ma jirto in gaadiid muddo dheer qaadanayo la saaro meydka, ma jirto munaasabad baroor-diiq ah, ma jiro qorshe dheer oo aaska ah, wax siyaasad ah laguma soo hadal qaada goobta duugta," ayuu ku qoray barta Twitter.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Inta badan siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka caanka ah ee Kenya ayaa marka ay geeriyoodaan waxaa lagu aasaa deegaanadii ay ku dhasheen.
Waxay shacabka Kenyan-ka aan Muslimka ahayn ay la yaabeen in Yuusuf Xaaji oo ahaa shakhsi caan ah lagu aaso halkii uu ku geeriyooday halkii lagu aasii lahaa deegaankii uu ku dhashay ee Gaarisa.
Maxamed Xirsi oo maareeye huteellada loo dalxiis tago ayaa boggiisa Facebook ku qoray in qaar kamid ah shacabka Kenya ay wax ka weydiiyeen qaabka loo aasay senetarka.
Wuxuu sheegay in qofka Muslimka ah inta badan lagu aaso goobta uu ku dhintay.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan
Aaska Maxamed Yuusuf Xaaji waxaa ka qeybgalay dad badan oo uu kamid yahay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo siyaasiyiin xilal muhiim ah haya.
Taariikhda Maxamed Yuusuf Xaaji
Magaciisa oo saddexan waa Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu sanadkii 1940-kii ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan Garissa, waxaana uu dhalay illaa 9 carruur ah.
Waxaa caruurtiisa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, oo sanadihii dhawaa dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer maamulka dowladda iyo siyaasadda Kenya ku soo jiray.
Waxaa uu shaqadiisa ka soo bilaabay guddoomiye degmo oo uu muddo dheer soo hayay.
Sidoo kale, muddadii u dhexeysay 1970-kii illaa 1998, wuxuu ahaa barasaabkii gobolka Rift Valley, oo ah mid ka mid ah gobollada ugu waaweyn Kenya.
Sidoo kale, wuxuu mar noqday barasaabka gobolka Xeebta ee Kenya oo xaruntiisu tahay magaalada Mombasa.
Sannadkii 1998 wuxuu si magacaabid ah uga mid noqday baarlamaanka Kenya. Sidoo kale, wuxuu mar noqday wasiir ku xigeen, wuxuuna aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi.
Sannadkii 2002-dii, ayuu u tartamay kursiga baarlamaanka ee deegaanka Ijaara oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa, wuuna ku guuleystay. Markii labaad ee loo doortay waxay ahayd sannadkii 2007-dii.
8 bishii January 2008, Yuusuf Xaaaji, waxaa loo magacaabay wasiirka Gaashaadhiga Kenya, wuxuuna xilkaas hayay illaa tan iyo 2013-kii.
Muddadii uu xilkaas hayay, waxay ahayd xilligii ay Kenya ciidammadeeda u gudbeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab.
8 bishii Janaayo 2012, ayaa Yuusuf Xaaji loo magacaabay sii hayaha xilka wasiirka amniga gudaha dalka Kenya, ka dib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday wasiirkii amniga George Saitoti.
Doorashadii Kenya ee 2013-kii, ayuu noqday Yusuf Xaaji sanatarkii ugu horeeyay ee laga soo doortay Gaarisa, wuxuuna markale ku guuleystay isla kursigaas, sannadkii 2017-kii.
Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu guddoomiye u ahaa guddi loo xilsaaray in ay soo diyaariyaan qorsha wax looga badalayo dastuurka Kenya.











