Afar arrimood oo ku saabsan noloshii Yusuf Xaaji oo geeriyooday

.

Xigashada Sawirka, Nation

Qoraalka sawirka, Maxamed Yuusuf Xaaji

Waxaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ku geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalka Kenya.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, ayaa waxaa geeridiisa BBC-da u xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarisa.

Qoyskiisa ayaa shaaciyay in maanta oo Isniin ah lagu aasi doono qabuuraha Musliminta ee Lanagata.

Haddaba waa kuma Maxamed Yuusuf Xaaji?

Magaciisa oo saddexan waa Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu sanadkii 1940-kii ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan Garissa, waxaana uu dhalay illaa 9 carruur ah.

Yusuf Xaaji iyo Raila Odinga

Xigashada Sawirka, Raila Facebook page

Qoraalka sawirka, Yusuf Xaaji iyo Raila Odinga

Waxaa caruurtiisa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, oo sanadihii dhawaa dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer maamulka dowladda iyo siyaasadda Kenya ku soo jiray.

Yusuf Xaaji ayaa hoggaaminayay koox loo xilsaaray ka tala bixinta isbaddleada arrmah siyaasadda Kenya oo doodeeda a ahdda socoto

Xigashada Sawirka, TONY KARUMBA

Qoraalka sawirka, Yusuf Xaaji ayaa hoggaaminayay koox loo xilsaaray ka tala bixinta isbaddleada arrmah siyaasadda Kenya

Muddo dheer ayuu guddoomiye gobol ahaa

Waxaa uu shaqadiisa ka soo bilaabay guddoomiye degmo oo uu muddo dheer soo hayay.

Sidoo kale, muddadii u dhexeysay 1970-kii illaa 1998, wuxuu ahaa barasaabkii gobolka Rift Valley, oo ah mid ka mid ah gobollada ugu waaweyn Kenya.

Sidoo kale, wuxuu mar noqday barasaabka gobolka Xeebta ee Kenya oo xaruntiisu tahay magaalada Mombasa.

Sannadkii 1998 wuxuu si magacaabid ah uga mid noqday baarlamaanka Kenya. Sidoo kale, wuxuu mar noqday wasiir ku xigeen, wuxuuna aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi.

Sannadkii 2002-dii, ayuu u tartamay kursiga baarlamaanka ee deegaanka Ijaara oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa, wuuna ku guuleystay. Markii labaad ee loo doortay waxay ahayd sannadkii 2007-dii.

Yusuf Xaaji oo ahaa wasiirka difaaca iyo Moses Watangula oo ahaa wasirka arrimaha dibedda oo ku sugan magaalada Muqdisho sanaddii 2011-kii markii kenya ay ciidammadeeda u dirtay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Yusuf Xaaji oo ahaa wasiirka difaaca iyo Moses Watangula oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda oo ku sugan magaalada Muqdisho sanaddkii 2011-kii markii Kenya ay ciidammadeeda u dirtay Soomaaliya

Wasiirka gaashaan dhigga

8 bishii January 2008, Yuusuf Xaaaji, waxaa loo magacaabay wasiirka Gaashaadhiga Kenya, wuxuuna xilkaas hayay illaa tan iyo 2013-kii.

Muddadii uu xilkaas hayay, waxay ahayd xilligii ay Kenya ciidammadeeda u gudbeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

8 bishii Janaayo 2012, ayaa Yusuf Xaaji loo magacaabay sii hayaha xilka wasiirka amniga gudaha dalka Kenya, ka dib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday wasiirkii amniga George Saitoti.

Yusuf Xaaji oo aha wasiirka difaaca sanadii 2011 iyo general Julius Karangai, taliyihii hore ee ciidammada Kenya

Xigashada Sawirka, TONY KARUMBA

Qoraalka sawirka, Yusuf Xaaji oo aha wasiirka difaaca sanadii 2011 iyo general Julius Karangai, taliyihii hore ee ciidammada Kenya

Senataorkii ugu horreeyay ee Gaarisa yeealato

Doorashadii Kenya ee 2013-kii, ayuu noqday Yusuf Xaaji sanatarkii ugu horeeyay ee laga soo doortay Gaarisa, wuxuuna markale ku guuleystay isla kursigaas, sannadkii 2017-kii.

Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu guddoomiye u ahaa guddi loo xilsaaray in ay soo diyaariyaan qorsha wax looga badalayo dastuurka Kenya.

Waxaa qorshahaasi lagu magacaabaa BBI, waana mashruuc isbadal ballaaran loogu sameynayo dastuurkii ay dadka Kenya u codeeyeen 2010.