Putin oo beeniyay in Ruushku uu khatar ku yahay Yurub
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa beeniyay in Ruushku uu khatar ku
yahay Yurub, isaga oo sheegay in sheegashadan ay tahay "been" iyo
"wax aan jirin ".
Waxa uu hadalkan jeediyay ka dib markii dhowr
hoggaamiye oo siyaasadeed iyo militariga Yurub ay ka digeen in Ruushku uu mar
horeba dagaal isku dhafan kula jiro reer galbeedka.
Madaxa NATO, Mark Rutte,
ayaa toddobaadkii hore ku dooday in haddii Ruushku uu ku guulaysato hadafkiisa Ukraine in uu dareemi doono dhiiranaan ah in uu saameeyn ku yeesho waddamada kale
ee gobolka.
Mr Putin waxa uu ku adkaystay in cabsida noocaan ah ay tahay
male-awaal, iyo in dadka reer Yurub lagu beero cuqdad.
Garsoorihii Soomaalida ugu sareeyay ee Garsoorka Kenya oo geeriyooday
Xigashada Sawirka, Twitter
Qoraalka sawirka, Garsoore Maxamed Ibraahim
Garsoorahii Soomaaliyeed ee ugu sareeyay ee ka tirsanaa Maxkamadda
Sare e dalka Kenya Maxamed Ibraahim ayaa geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen
Garsoorka.
Madaxa cadaalada ee dalka Martha Koome ayaa tacsi tiiraanyo
leh u dirtay qoyskisa, asxaabtiisa iyo dhamaan bahda cadaalada.
Garsoore Ibraahim waxa uu Garsoorka ka soo shaqeeyay muddo
23 sano ah, isaga oo kasoo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ee Maxkamado kala
duwan. Waxa si weyn loogu qaddarin jiray doorkiisa dib-u-habaynta hay’adaha
dawladda, hoggaaminta xeer-beegtida iyo kaalintii uu ka qaatay horumarinta
helitaanka caddaaladda Kenya.
Garsoore Ibraahim ka hor inta aan loo magacaabin Maxkamadda
Sare waxa uu soo noqday Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka, halkaas oo uu
ka soo qabtay kiisas adag oo dastuuri
ah, ganacsi iyo xuquuqul insaanka.
Sida uu sheegay Garsoore Maxamed Warsame, Garsoore Maxamed ibraahim
ayaa maanta oo Arbaca ah 17-kii Diseembar, 2025, wax yar ka dib 4:30 galabnimo
ku geeriyooday Isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi.
Markii hore Waxa lagu daweynayay qeybta daryeelka degdega ah
ee Hindiya, laakiin dhakhaatiirtu waxay ku taliyeen in dib loogu soo celiyo
Kenya si uu maalmaha ugu dambeeya ula qaato qoyska.
Siyaasyiin kale oo mucaarad ah oo gaaray Kismaayo iyo waxa kasoo bixi karo shirka Kismaayo
Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Magaalada
Kismaayo waxa iskugu tagay hoggaamiyaasha waaweyn ee mucaaradka iyo
madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Goor sii horreeysay oo maanta ah waxaa magaaladaas gaaray
madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana ku xigay Ra’isulwsaare
hore xasan Cali Kheyre sidoo kale madaxda halkaasi tagtay waxa ka mid ah Ra’iisulwsaare
hore Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Sidoo kale waxa la
filayaa in ay halkaasi gaaraan madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo raisulwsaraae
hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid,
Ilo ku dhaw shirka
ayaa BBCda u sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wadahadli doono ay tahy
qaab dhismeedka golaha loo bixiyay Mustaqbalka Soomaaliya kaas oo u taagnaan
doono in dowladda federaalka ah uu kaga horyimaado hanaanka doorasho ee ay
dooneeyso in ay dalka ka qabato.
Kadib qaab
dhismeedka golahaas ayaa la filaya in maalinta sabtida ay kasoo saaraan war
murtiyeed ku aadan shirkoodii halkaasi ka socday.
Dowladda Federaalka
ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo saarin kulanka mucaardka ee magaalada
Kismaayo balse waxa la filayaa in marka uu soo dhamaado shirkaas oo war
murtiyeedku uu kasoo baxo in dowladda federaalka ka jawaabto.
Soomaaliya ayaa isku
diyaarineyso doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada sanadka soo socdo ee
2026. Dowladda ayaa ku adkeysanaysa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka
dhacdo halka mucaaradku ay diidanyihiin qaabka ay u mareyso doorashadaas.
Maxay tahay lacagta £2.5bn ee laga doonayo in uu bixiyo Abramovich, milkiilihii hore ee kooxda Chelsea
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Roman Abramovich waxa uu iibiyay Chelsea FC ka dib markii Ruushku soo galay Ukraine
Ra'iisul Wasaaraha ingririiska Starmer ayaa sheegay in oligarch-ka Ruushka Roman
Abramovich, milkiilihii hore kooxda Chelsea ay tahay inuu "hadda lacag
siiyo" dhibanayaasha dagaalka Ukraine haddii kale uu wajihi doono
maxkamad.
Mr Abramovich, oo ah milkiilihii hore ee kooxda kubadda
cagta Chelsea, ayaa ballan qaaday 2022-kii in £2.5bn ee uu ka sameeyay iibka
kooxda uu u adeegsan doono dhibbanayaasha ku waxyeeloobay duulaanka Ruushka ee
Ukraine.
Balse waxaa dib u dhac ku yimid soo daynta lacagahaas oo
hadda ku xayiran akoon bangi British ah, taas oo ay ugu wacan tahay
isqabqabsiga ku saabsan sida saxda ah ee loo isticmaalayo.
Dawladdu waxay doonaysaa in lacagtaas loo isticmaalo
gargaarka bini'aadantinimo, laakiin Mr Abramovich ayaa ku adkaystay in loo
isticmaalo "dhammaan dhibanayaasha dagaalka" - taas oo la macno ah in
Ruushku sidoo kale ka faa'iidaysan karo.
Oligarch-ku ma heli karo lacagta iyada oo la raacayo
cunaqabataynta UK laakiin dakhliga ka soo baxa iibka Chelsea wali sharci ahaan
isagaa iska leh.
"Haddii Mr Abramovich uu ku guuldareysto inuu si degdeg
ah wax uga qabto, dowladdan si buuxda ayay uga go'an tahay waxayna diyaar u
tahay inay aaddo maxkamad si ay u dhaqangeliso ballanqaadkaas haddii loo
baahdo," ayuu yiri afhayeen u hadlay dowladda.
Waxay sheegeen lacagaha " in ay xoojin doonaan awoodda
safka hore, ayna kor u qaadi doonto ilaalinta kuwa ugu nugul iyo taageeridda
xalalka waara ee ka caawinaya Ukraine inay ka guurto jawaabta qalalaasaha una
gudubto adkeysiga muddada dheer".
"Way adagatahay in la buunbuuniyo saameynta ay laba
bilyan iyo bar dheeraad ah ku yeelan karto dadka Ukraine."
Wakiilada Mr Abramovich waa ay diideen inay k ahaflaan.
Dalka Hindiya saaxibo si lama filaan ah u helay dheeman qaali ah
Xigashada Sawirka, Amit Rathaur
Qoraalka sawirka, Satish Khatik iyo Sajid Mohammed waxa ay Panna ka heleen dheeman tayo leh oo dhan 15.34 carat.
Subaxdii dhaaweys
ee qaboobaha magaalada Panna, oo ah gobolka laga qodo dheemanka ee bartamaha
Hindiya, laba saaxiibaa ahaa ilaa caruurnimadoodii ayaa sameeyay daahfurka ay u
malaynayaan in ay noloshooda beddeli karaan weligood.
Satish Khatik iyo Sajid Mohammed waxay dhagax weyn oo dhalaalaya si lam filaan ah uga heleen dhul ay kireysteen toddobaadyo ka hor.
Markii ay dhagaxa geeyeen halka lagu qiimeeyo dheemanka
rasmiga ah ee magaalada, waxay ogaadeen inay heleen dheeman tayo leh oo dhan
15.34-carat - mid ka mid ah noocyada ugu fiican ee dheemanka dabiiciga ah ee
jira.
"Qiimaha suuqa ee dhagaxa ayaa lagu qiyaasay shan ilaa
lix milyan oo rupees [$ 55,000 - $66,000] dhawaana ayaa la xaraashayaa,"
Anupam Singh, oo ah qiimeeye dheemanka, ayaa u sidaasi sheegay Laanta BBC
Hindi.
Dawladdu waxay qabataa xaraashka saddexdii biloodba mar,
iyada oo soo jiidata iibsadayaasha Hindiya iyo dalka dibaddiisa si ay u
dalbadaan dheemanka.
"Qiimaha la qiyaasay waxay ku xiran yihiin heerka
dollarka iyo halbeegyada ay dajisay warbixinta Rapaport," ayuu yiri Mr
Singh. Rapaport waxaa si weyn loogu tixgaliyaa inay tahay hay'ad hormuud u ah
falanqaynta suuqa dheemanka iyo dahabka.
Qoraalka sawirka, Dadka ayaa isugu soo baxay goobtii ay Axaddii toogashadu ka dhacday maalmo ka dib weerarka.
Booliska Australia ayaa dacwad ku soo oogay Naveed Akram, oo
ah tuhmanihii ka badbaaday toogasho wadareed Axadii ka dhacday xeebta Bondi ee
Sydney, isagoo lagu eedeeyay 59 dacwadood, oo ay ku jiraan 15 dembi oo dil ah
iyo hal dambi oo ah inuu galay fal argagixiso.
Ninka kale ee la toogtay ee lagu magacaabi jiray Sajid Akram (50 jir) ayaa ah aabhiis ,waxaana
lagu dilay israsaaseyn dhexmartay isaga iyo ciidamada Booliska oo goobta ku
sugnaa.
Weerarkan oo lala beegsaday dadka Yuhuuda ah ee ku nool
dalka Australia, xilli ay ka socotay munaasabad lagu xusayay habeenkii koowaad
ee Hanukkah, ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca tan
iyo 1996-kii.
Akram waxa kale oo uu wajahayaa 40 dacwadood oo ah in uu
geystay dhaawac jireed oo aad u daran isagoo doonayey in uu wax dilo,
marka lagu daro hal dacwad oo la xiriirta in uu si fagaare ah u soo bandhigay
calaamad mamnuuc ah oo urur argagixiso ah.
Waxa uu si xun ugu dhaawacmay shilkan Axaddii, waxaana
dhageysigiisii ugu
horeeyay laga qabtay sariirta isbitaalka, sida ay sheegtay maxkamad maxalli ah
oo ku taal New South Wales.
Maxkamadda ayaa intaa ku dartay in dacwada dib loo dhigay
ilaa bisha April ee sanadka 2026-ka.
Mareykanka oo lagu eedeeyay in shaqaale sharci darro ah ka shaqaaleeyay xarunta dacwadaha qaxootiga ee Koonfur Afrika
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Maraykanku waxa uu mudnaan siiyay dadka caddaanka ah ee Koonfur Afrika inkastoo ay yareeyeen tirada guud ee qaxootiga
Koonfur Afrika ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu u isticmaalay
muwaadiniin Kenyan ah oo aan heysan warqado ogolaansho shaqo goob xarun ah oo
ay ku diyaarinayeen codsiyo ay dad caddaan Koonfur Afrikaan ah ku soo dalbadeen
aqoonsi qaxootinimo.
Toddobo Kenyan ah ayaa la xiray ka dib markii warbixino
sirdoon ay ogaadeen in dad “dhawaan Koonfur Afrika ku soo galayn fiisaha
dalxiiska ay si sharci darro ah ugu shaqo tageen xarunta” ayaa lagu yiri war ka
soo baxay waaxda arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika.
BBC-da ayaa la xiriirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee
Mareykanka si ay uga jawaabto.
Iyadoo Maraykanku uu isku dayayo in uu yareeyo heerka guud
ee socdaalka, waxa uu sheegay in xubnaha bulshada Afrikaanka ee cadaanka ah ee
Koonfur Afrika ay magangelyo heli karaan sababtoo ah waxay la kulmaan cadaadis –
sheegashadaas oo dawladda Koonfur Afrika ay si adag u diiday.
Maraykanku waxa uu hoos u dhigay qaxootigii sannad wlaba uga
imaan jiray adduunka ee ahaa 125,000 kaas oo uu ka dhigay ilaa 7,500, balse waxa uu sheegay in uu
mudnaan siin doono Caddaanka Afrikaanka ah, kuwaas oo asal ahaan kasoo jeeda
dalalka Holland iyo Faransiiska.
Arrintan ayaa ka mid ah arrimaha keenay khilaafka xooggan ee
u dhexeeya Koonfur Afrika iyo maamulka Trump.
Koonfur Afrika ayaa sheegtay in muwaadiniinta Kenyanka ah ee
lagu qabtay howlgalkii Talaadadii, dib loo tarxiili doono, lagana mamnuuci doono
inay dalkeeda soo galaan muddo shan sano ah.
Horay ayaa loogu diiday fiisaha shaqada balse waxaa lagu
helay “ in ay ku mashquulsanaayeen shaqo in kastoo kaliya ay heystaan fiisaha dalxiiska, taas oo si
cad u jebisay shuruudahooda gelitaanka dalka” ayaa
lagu yiri bayaanka.
Koonfur Afrika waxay sheegtay in dhacdadani muujinayo sida
ay uga go'an tahay waddanka "Maraykanka in uu la dagaallamo socdaalka
sharci-darrada ah iyo ku-xadgudubka fiisaha noocyadiisa kala duwan", ayay
tidhi.
Trump oo amar ku bixiyay in la xayiro maraakiibta shidaalka qaada ee soo gala Venezuela
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, USA
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu
amray in " si guud oo dhammaystiran" la xannibo dhammaan maraakiibta
shidaalka ee la cunaqabateeyey ee gala ama ka baxa Venezuela.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu ku sheegay
in dowladda Venezuela ee uu hoggaamiyo Nicolás Maduro loo aqoonsaday urur
argagixiso oo ajnabi ah, wuxuuna ku eedeeyay inay xaday hantida Mareykanka, iyo
sidoo kale "argagixiso, tahriibinta daroogada, iyo ka ganacsiga
dadka".
"Sidaas darteed, maanta, waxaan amrayaa in la joojiyo si
dhammays tiran dhammaan maraakiibta shidaalka ee la xayiray ee galaya, kana
baxaya Venezuela," ayuu raaciyay.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay todobaad kadib markii
Maraykanku uu ku qabtay markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Venezuela. War
qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Venezuela ayay ku sheegtay in ay diiday
“halista foosha xun ee Trump”.
Dowladda Venezuela ayaa ku eedeysay madaxweyne Trump inuu
bilaabay hanjabaado dagaal, kadib markii uu ku dhawaaqay go’doomin lagu
sameeyay dhammaan maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya iyo kuwa ka baxaya.
Venezuela ayaa sheegtay in safiirkeeda u fadhiya Qaramada
Midoobay uu ka warbixin doono ku xad gudubka sharciga caalamiga ah, isla
markaana dadkeeda, militariga iyo booliiska ay difaaci doonaan.
Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka
(WAGMM) ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa war-saxaafadeed ay soo
saartay ku dhawaaqday in xaalad degdeg ah ay ka jirta deegaannada maamulkaas.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in wasaaradda markii ay
xog-uruurin ka sameysay xaaladda Bani’aadanimo ee ka jirta deegaannada KGS ay u
soo baxday:
Cuno
yari: In ka badan 621,000 qof oo ku nool KGS ayaa u baahan inay helaan gargaar
Bani’aadanimo oo degdeg ah
Nafaqo
darro: Daraasaddii ugu dambeysay ee dhinaca xaaladda Nafaqo darrada waxay
muujinaysaa in ka badan 134,970 caruur oo da’dooda ka yar tahay 5 sano, ay
wajahanayaan xaalad nafaqa-darro oo aad daran deeegaanada KGS.
Roobka
Deyrta oo yaraaday: Ilo-biyoodyada Gobollada oo dhan ayaa si degdeg ah u
yaraanaya, taasoo ku qasbeysa qoysaska iyo xoolaha inay safraan masaafo dheer
si ay biyo u helaan.
Wax
soo saarka Beeraha: Warbixinta Wasaaradda Beeraha oo sheegaysa in deegaanno
badan roobka ku da’ay aad u yaraa, taasoo sababeysa in wax soo saarka beeraaha
ee Deyrta la filanaayo uu yaraan doono.
Digniino
ka imaanaya Deegaanada: Warbixinta WAGMM ay ka hashay masuuliyiinta heer Gobol,
Degmo iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada waxay ka wada simanayeen qaylo
dhanta ku aadan in xaaladda nolosha bulshada ay sii adkaaneyso.
“Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka markey
qiimeysay xaaladaha kor ku xusan, waxay ku dhawaaqaysaa Digniintan oo ah in
Xaalad Khatar Bani’aadanimo aay ku soo wajahan tahay Deegaanada Koonfur Galbeed
Soomaaliya.” Ayuu intaa raaciyay war-saxaafdeedka.
Waxaa safarka madaxwaynaha ku weheliya madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo xubna kale o dowladda ka tirsan.
Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay waftiga uu hogaaminayo madaxwaynaha Puntland.
Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka lagu wado in barito uu uga furmo maamulada Ountland iyo Jubaland iyo madaxda madasha samataboxinta ee fadhigoodu yahay Muqdisho.
Waxaa sidoo kale Kismaayo gaaray rai'sul wasaarihi hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Trump oo BBC Balaayiin doollar ku sheeganaya
BBC-da ayaa sheegtay in ay iska difaaci doonto dacwad lacageed oo dhan $5 bilyan oo doolar oo uu doonayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taas oo la xiriirta sida loo sameeyay oo loo jarjaray khudbaddiisii 6-dii Janaayo 2021-kii. Wareysigiisa waxa uu ku jiray barnaamijka Panorama.
Trump ayaa ku eedeeyay BBC-da in ay sumcaddiisa wax u dhintay isla markaana ay jabisay sharciga dhaqamada ganacsiga, sida ku cad dukumentiyada dacwadda ee loo gudbiyay maxkamad ku taal Florida.
BBC ayaa bishii hore raaligelin siisay Trump, balse wuu diiday, wuxuuna dalbaday magdhow isagoo ku doodaya "in sumcad-dil lagu sameeyay".
Qareennada Trump ayaa ku eedeeyay BBC in ay sumcad-dil ku sameeyeen Trump iyagoo "si ula kac ah oo khiyaano ah u beddelay hadalkiisa".
Afhayeen BBC u hadlay ayaa yiri: "Sida aan horay u caddeeynay, waanu iska difaaci doonnaa kiiskan.", wuxuuna intaas ku daray "Wax faallo dheeraad ah kama bixinayno dacwadaha sharci ee weli socda".
Shaqo la'aanta ka jirta Mareykanka ayaa cirka isku shareertay bishii lasoo dhaafay tan oo calaamad u ah hood u dhaca suuqyada shaqada, balse warbixintan rasmiga ah ee isku dhafan ayaa weli dood ay ka furan tahay.
Heerka shaqo la'aanta ayaa sanadkii afaraad oo xiriir ah gaartay 4.6% bsihii November, iyadoo kasoo kacday 4.4% bishii September, sida laga soo xigtay Waaxda Shaqaalaha. Milkiilayaasha ayaa soo kordhiyay 64,000 oo shaqo bishii November, waana in ka badan intii la saadaalinayay.
Horumarka ayaa waxaa xigay hoos u dhac 105,000 oo shaqooyin ah bishii October, taasoo ay sababtay 162,000 shaqooyin heer federaal ah oo meesha ka baxay, waxayna kasoo bilaabatay dhimista shaqooyinka ee uu la yimid maamulka Trump.
Warbixintan soo daahday ayaa ah tii ugu horreysay ee suuqa shaqada tan iyo markii ay shaqada joojisay dowladda Mareykanka.
Cabdirisaaq Abuukar: Bajaajlaha ku guuleystay lottery-ga Mareykanka ee wadku kala dhantaalay riyadiisa
Habeennimadii Axadda ee Isniintu soo galaysay waxaa Muqdisho lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysan jiray mooto bajaaj degmada Dayniile. Wiilkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Abuukar Maxamed ayaa isagoo kaxeynaya mootadiisa ku soo dhex dhacay rag hubeysan oo rasaas ridaya, deetana xabaddihii raggaasi ay ridayeen ayaa uga dhacay laabta iyo dhuunta, waxayna taasi keentay in isla goobta uu ku dhinto sida ehelladiisu ay u xaqiijiyeen BBC-da.
Caasho Cabdi Maxamed oo ah gabadha u dhaxday Cabdirisaaq ayaa sheegtay in uu soo gaaray warka dhiillada leh ee dhimashada saygeeda daqiiqada ka dib markii shilku dhacay.
"Qof ayaa qaaday taleefanka Cabdirisaaq oo wacay qofkii ugu dambeeyay ee uu marxuumku garaaco, wuxuuna u sheegay in uu dhintay oo la dilay qofkii lahaa taleefanka, qofkii la wacay ayaa na soo wacay oo noo sheegay in Cabdirisaaq la dilay, si aan u hubino goobtii ayaan tagnay, sidaas ayaana ku xaqiijinay geeridiisa" sidaas waxa BBC-da u sheegtay xaaska marxuumka Caasha Cabdi Maxamed.
Booliska ayaa la soo weriyay in ay gacanta ku soo dhigeen nin ku eedeysan in uu mas'uul ka ahaa dilka darawalka mooto bajaajta.
Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga Jabuuti oo ka degay Muqdisho
Xigashada Sawirka, SONNA
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa si rasmi ah Garoonka Aadan Cadde ugu soo dhaweeyay Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed.
Wasiirka Difaaca Jabuuti ayaa u tegay Muqdisho i uu uga qeyb galo shirka caadiga ah ee 35-aad ee Golaha Wasiirada Difaaca iyo Amniga ee Ciidanka Difaaca ee Bariga Afrika (EASF).
Soomaaliya ayaa hadda martigelinaysa shirkan muhiimka ah ee gobolka, kaas oo isu keenaya hoggaanka difaaca ee Bariga Afrika si looga tashado caqabadaha amniga iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed.
Kulanka wasiirrada ayaa dhacaya kadib gabagabada shirarkii toddobaadkaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka doodeen khubarrada dhanka farsamada iyo taliyeyaasha ciidamada.
Trump oo dalal kale ku daray liiska xayiraadda socdaalka
Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah iyo dadka ku safraya dukumeentiyada ay bixiso maamulka Falastiin inay soo galaan Mareykanka.
Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay "in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka" ayna dhaqan gelayaan 1-da Janaayo.
Xayiraadaha gelitaanka buuxa ayaa lagu soo rogi doonaa dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin.
Maamulka ayaa sidoo kale Laos iyo Sierra Leone, oo horey loogu soo rogay xayiraado qeyb ah, ku daray liiska mamnuucida buuxda, waxaana ay xayiraad qeyb ah ku soo rogeen 15 dal oo kale, oo ay ku jiraan Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe.
Xoogagga Gurmadka
degdegga ah ee Sudan (RSF) ayaa isku dayayay inay qariyaan dilalka baahsan ee
ka dhacay magaalada El-Fasher iyagoo aasaya oo gubaya meydadka, koox cilmi
baaris ah oo ka socota Jaamacadda Yale ayaa sidaas sheegay.
RSF waxay la
kulantay cambaareyn caalami ah iyadoo ay jiraan warbixinno sheegaya iany
dhaceen dilal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadannimada markii dagaalyahannadeeda
ay qabsadeen magaalada bishii Oktoobar.
Hadda,
falanqaynta sawirrada dayax-gacmeedka ee Sheybaarka Baaritaanka Bani’aadannimada
Yale ee loo soo gaabiyo (HRL) ayaa muujinaysa in RSF ay u badan tahay in ay
tuurtay tobanaan kun oo meyd ah ka dib markii ay qabsadeen el-Fasher.
RSF kama aysan
jawaabin warbixinta, balse hoggaamiyahooda ayaa horay u qirtay in dagaalyahannadiisu
ay xad-gudubyo ka geysteen magaalada.
Warbixinta HRL
ayaa lagu sheegay in RSF "ay ku hawlanayd olole joogto ah oo dhawr
toddobaad socday si ay u burburiso caddaymaha dilalkeeda baahsan" iyo
"qaabkan tuuridda iyo gubidda meydadka iyo ayaa socda".
Kooxda hubaysan
ayaa la dagaallamaysay ciidamada caadiga ah ee Suudaan tan iyo bishii Abriil
2023, markaasoo dagaal awoodeed oo u dhexeeyay labada dhinac uu isu orgay
dagaal sokeeye oo ba’an.