Ninka ugu Taajirsan caalamka oo taariikh cusub dhigay

Musk

Xigashada Sawirka, AP

Elon Musk ayaa isniintii todobaadkan noqday maal qabeenkii ugu horeeyey oo hantidiisu gaartay 600 oo bilyan oo doolar, sida uu qoray Wargeyska Forbes oo ah majallad ka hadasha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Waxa uu Warkan kusoo beegmayaa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in shirkaddiisa SpaceX ay u badan tahay inay suuqa saamiyada soo gasho, iyada lagu qiimeenayo $800 bilyan.

Hantida Elon ayaa noqotay mid si xowli ah u siyaadeysa, bishii Oktoober ee sanadkan waxa ay gaartay $500 oo bilyan, isaga oo shirkadda SpaceX ku leh saami gaara 42%, xilli shirkadaasi ayisku diyaarinayso in ay suuqa car car lasoo gasho sanadka soo socda.

Saamiga uu ku leeyahay SpaceX oo u dhiganta $168 bilyan ayaa ka dhigaysa wadarta hantidiisa mid gaareysa $677 bilyan, mana jiro shaqsi halkaasi gaaray weli inta taariikhda lagu hayo.

Waxaa sidoo kale, in korodho hantida Elon qeyb ka qaatay Saamiga uu ku leeyahay shirkadda samaysa baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla (TSLA.O), kaas oo gaaraya 12% hantida guud shirkadda, iyada oo uu dakhligeedu uu kor u kacay 13% sanadkan , in kasta oo iibka ay heshay uu ahaa mid hooseeyey.

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Tani iyo markii Maalqabeenkan uu ku dhawaaqay in shirkaddiisu ay tijaabinayso taksiyaal robot ah (robotaxis), kuwaaas oo aan lahayn wax darawal ah, waxa ay sare u kacday hantida Tesla ku dhowaad 4%, taasina waxa ay ka dhigeysaa mid ka dhabeeya yoolkiisii ahaa in Telsa ay gaarto in badan 1 tirilyan illaa 8.5 tirilyan tobanka sano ee soo socota.

Bishii Nofeember saamileyda Shirkadda Tesla ayaa meel mariyey qaraar ahaa in Elen uu heli karo xirmo dhaqaale oo qiimiheedu ka badan yahay $1tirilyan haddii uu gaaro toban sano gudahood hadafka haatan u degsan shirkadda, iyadoo maalgashadayaashu ay taageereen aragtidiisa ah in Tesla loo beddelo shirkad weyn oo ku shaqeysa garaadka macmalka ah (AI) iyo robotics.

Elon Musk ayaa noqon doona maal-qabeenkii ugu horeeyay aduunka ee qaata saami gaaraya $1 tirilyan abid.

Si uu u helo lacag intaas la eg waxa uu u baahan doonaa Elon in uu kor u qaado qiimaha qalabka Tesla sideed jibaar, sida inuu iibiyo hal milyan oo robotyada garaadka macmalka ah ku shaqeeya, iyo in laga iibsado 12 milyan oo kale baabuurta Tesla ah.

Tesla

Xigashada Sawirka, AP

Shirkadda Tesla ayaa sanadihii ugu dambeeyay la kulmeesay caqabado dhowr ah oo kaga imaanayey suuqa wax kala iibsiga, oo ay ku jiraan tartan adag oo uga imaanayay shirkadaha sameeya gawaarida korontada ku shaqeeya sida shirkadda BYD ee laga leeyahay dalka Shiinaha.

Taas waxay Tesla ku qasabtay in ay daah furto noocii ugu qiimaha jabnaa gawaarida ay soo saarto shirkadda 'Model 3' Yurub, si dib loogu soo nooleeyo iibka, ka dib markii ay ka saameyn ku yeelatay wada shaqeynta Elon Musk kala dhaxeesay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Guddoomiyaha guddiga Tesla, Robyn Denholm, ayaa sheegay in Musk uu mar walba yahay baabuur sameeyaha ugu wanaagsan.

Sidoo kale, shirkaddiisa dhawaan galka ah ee xAI ayaa dedaal ugu jirta sidii ay ku heli lahaayeen $15 bilyan oo cusub ah iyada la filayo in dakhliga shirkadaas uu gaaro $230 bilyan.