Elon Musk oo sheegay in Fiisaha xirfadleyaasha ee Maraykanka (H-1B) ay "cayaar " ka dhigeen shirkadihii loo xilsaaray

Elon Musk

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Ninka dunida ugu taajirsan, horena wasiir uga soo noqday Maraykanka, Elon Musk, ayaa sheegay in Fiisaha Shaqada ee Maraykanka ee loogu tala galay xirfadleyaasha ee la yiraahdo H-1B laga dhigtay "dheeldheel", ayadoo shirkado shaqadaas loo dhiibay ay sidaa yeeleen, laakinse wuxuu xalka ku tilmaamay in uu yahay in la joojiyo si xun u isticmaalidda ee aan hanaanka la kala dhantaalin.

Qiyaastii 70% waxaa fiisooyinkaas oo loo ogol yahay in shirkadaha Maraykanka ay soo kiraysan karaan xirfadleyaal ajaanib ah ayaa waxaa isticmaala muwaadiniinta Hindida ah ee ka shaqeeya dhinacyada Tiknoloojiyada iyo caafimaadka.

Bishii September ayaa madaxweyne Donald Trump wuxuu ku daray $100,000 inay bixiyaan dadka dalbanaya fiisaha H-1B, taasoo welwel ku dhalisay shaqaalaha Hindida ah iyo loo shaqeeyeyaasha.

Elon Musk ayaa la hadlayey ganacsadaha Hindiga ah ee Nikhil Kamath barnaamijka uu baahiyo (podcast) ee la sii daayey habeennimadii Axadda, isagoo taabtay qodobbo kale oo ay ka mid ahaayeen tariifooyinka iyo Socdaalka.

Intii lagu guda jiray wada sheekeysiga, Musk wuxuu ku adkeystay in Amerika ay "wakhti dheer ka faa'iidaysanayeen" shaqaalaha soogalootiga Hindida ee hibada leh, laakiin wuxuu qiray walaaca ku saabsan "si xun u isticmaalka" barnaamijka fiisaha H-1B.

Trump ayaa qaadashada fiisaha H-1B ku soo rogay $100,000

Xigashada Sawirka, Getty Images

Fiisaha H-1B waxaa lagu bixiyaa bakhtiyaa nasiib, waxaana hawshaas loo dhiibaa shirkado, kuwaasoo inta badan lagu eedeeyay in ay nidaamka u isticmaalaan xeelado ay iyagu doonayaan , sida soo gudbinta dalabaadyo badan oo isku mid ah oo hal qof uu soo dirsado, ama isticmaalka fiisaha si ay u kiraystaan shaqaale mushaar yar ku shaqeeya halkii ay ka qaadan lahaayeen xirfadleyaal.

"Waxaan u baahanahay inaan joojino in hanaankan cayaar laga dhigo," ayuu yiri Musk.

"Laakiin dhab ahaantii ma jirto caqliyad na faraysa in aan xirno barnaamijka H-1B ... kuwaas oo qaar ka mid ah kuwa midigta ah qabaan. Waxaan u maleynayaa in aysan ogaanin in taasi dhab ahaantii aad u xun tahay".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay xogta ay sii daysay bishan oo ay soo saartay hay'ad cilmi baariseed, ogolaanshaha fiisaha H-1B ee shirkadaha loo xilsaaray qaadashada shaqaalaha ee Hindiya ayaa hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo toban sano ah.

Sannad maaliyadeedkan, todobada shirkadood ee ugu sarreeya Hindiya waxay haysteen kaliya 4,573 oo ah H-1B codsiyo loo ogolaaday shaqaalaynta bilowga ah, taasina waa hoos u dhac 70% ah 2015 iyo 37% in ka yar 2024, sida laga soo xigtay National Foundation for American Policy (NFAP).

Siyaasadaha Trump "waxay horseedi karaan heerarka diidmada ee aadka u sarraysa iyo dhibaatooyinka kale ee loo shaqeeyayaasha", sida ay ka digayso NFPA.

Ka sokow fiisaha H-1B, Musk wuxuu sidoo kale ka hadlay go'aanka Trump ee ah inuu u isticmaalo tariifooyinka xudunta u ah siyaasadiisa dhaqaale inta lagu jiro xilliga labaad.

Musk waxa uu sheegay in uu "ku guul-darraystay" in uu isku dayay in uu Trump ka dhaadhiciyo in aan kor loo qaadin tariifadaha, taas oo uu sheegay, "in ay khalkhal ku abuurto suuqyada". Laakiin "Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay inuu jecel yahay tariifadaha".

Horraantii sanadkan, Mareykanka ayaa canshuur 50% ah ku soo rogay badeecadaha Hindiya, oo ay ku jirto 25% ganaax ah iibsashada saliidda Ruushka.

Iyadoo dalal kale oo dhowr ah ay qalinka ku duugeen heshiisyo ganacsi oo ay la galeen Mareykanka, badeecadaha Hindida ee loo dhoofiyo Mareykanka waxay sii wadaan soo jiidashada qaar ka mid ah canshuuraha ugu sarreeya adduunka.

Waxaa socda wada xaajoodyo ku saabsan heshiis ganacsi oo u dhaxeeya labada dal, iyadoo la doonayo in dhamaadka sanadkan la soo gabagabeeyo.