Dadka dalbanaya dal ku galka Maraykanka oo laga doonayo ilaa $15,000 oo doolar oo rahan ah

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dadka codsanaya fiisaha ganacsiga iyo dalxiiska looga baahan karo inay dhigaan illaa $15,000 oo doolar si ay dalka u soo galaan.

Barnaamijkan tijaabada ah, oo la filayo inuu bilawdo laba toddobaad gudahood, ayaa looga golleeyahay in looga hortago dadka iska jooga dalka kadib markii uu ka dhamaado waqtigii loo qoondeeyay.

Warkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in dad badan ay ku adkeyneyso in ay dalka soo galaan.

Sida ku cad ogeysiiska diiwaangelinta dowladda federaalka, nidaamkan waxaa lagu fulin doonaa si tijaabo ah dalal la xushay 12ka bilood ee soo socota.

Barnaamijkan tijaabada ah ayaa lagu soo waramayaa in uu ka bilaaban doono wadamada ay muwaadiniintooda waqtigii la siiyay ka badan iska sii joogaan dalka iyo wadamada aysan kontoroolnayn warqadaha aqoonsigooda.

Waxaa la sheegay in muwaadiniinta dalalkan laga yaabo in la weydiiyo inay bixiyaan dammaanad dhan $5,000, $10,000 ama $15,000 marka ay dalbanayaan fiisaha.

Tallaabadan ay qaaday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa imaanaysa iyadoo maamulka Trump uu adkeynayo shuruudaha dadka fiisaha dalbanaya si ay u galaan Mareykanka.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Trump waxa uu qaaday tillaabooyin uu ku musaafurinayo soogalootiga aan sharciga haysan, kordhinta dhaqaalaha lagu xoojinayo ilaalinta xuduudaha, iyo in la xidho shakhsiyaadka sida sharci darrada ah ku soo gala waddanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Juun, Mareykanka ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogay shaqsiyaadka ka socda 19 dal oo doonayay inay Mareykanka galaan sababo amni qaran ayaana loo cuskaday.

Waxaa lagu soo waramayaa in qaar ka mid ah dadka booqanaya ay baajieen safarradoodii Mareykanka sababo la xiriira siyaasadda socdaalka ee Trump.

Barnaamijkan cusub ee lacagta rahanta ah ee dal ku galka Maraykanka, oo la filayo inuu dhaqan galo 20ka Agoosto, ayaa la filayaa inuu socdo muddo ku dhow sannad.

Halka saraakiisha fiisaha ay haystaan ikhtiyaarka ah inay waydiistaan dammaanad dhan $5,000, $10,000, iyo $15,000, habraacyadu guud ahaan waxay u baahan yihiin dammaanad ah $10,000.

Warku waxa uu intaa ku daray in dadka safarka ah loo soo celin doono lacagtooda hadii ay dalkooda ku laabtaan inta lagu jiro wakhtiga uu shaqaynayo fiisaha.

Nidaam kaas la mid ah ayaa la hirgeliyay dhamaadkii xilligii ugu horreeyay ee Trump, Noofambar 2020.

Si kastaba ha ahaatee, bayaanka ayaa lagu sheegay in aan si buuxda loo hirgelin sababo la xiriira hoos u dhaca tirada dadka safarka ah ee caalamiga ah sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.

aaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in la shaacin doono liiska dalalka lagu daray kuwa laga qaadi doono lacagta rahanta ah.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray, "Wadamada waxaa lagu kala saarayaa tirada muwaadiniintooda iska sii jooga Mareykanka kadib waqtigii rsamiga ahaa ee la oggolaaday, ogaanshaha iyo baarista cilladaha dukumentiyada aqoonsiga ee ay bixiyaan dalalka, bixinta dhalashooyin iyada oo loo marayo maalgashi iyada oo aan la tixgalin shuruudaha degenaanshaha, iyadoo la tixgelinayo siyaasadda dibadda."

Xafiiska arrimaha dibadda ma uusan shaacin tirada dadka dalbanaya dalku-gallada ee uu saameyn doono go'aankan.

Dalal badan oo uu Trump ku soo rogay xayiraadda socdaalka ayaa ah waddamo ay dadkeedu inta badan joogaan waqtiga dal-ku-galka lo siiyay ka badan, sida Eritrea, Chad, Haiti, Myanmar, iyo Yemen.

Sidoo kale, maamulka Trump ayaa soo gaabiyay xilliga dal ku galka muwaadiniinta dalal dhowr ah oo ay ku jirto Itoobiya, waxaana laga dhigay mid halmar oo kaliya shaqaynaya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa mudnaanta koowaad siiyay socdaalka tan iyo markii labaad ee uu xafiiska qabtay, waxaana uu fuliyay dhowr go'aan oo la xiriira socdaalka tan iyo markii uu ku laabtay Aqalka Cad.