Daacish ma waxay noqotay khatar ku sii kordheysa bariga Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii hore 27-keedi waxay koox xiriir la leh ISIL weerareen kaniisad ku taal magaalada Komanda gobolka Ituri ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo (DRC), waxayna dileen 43 qof oo halkaas ku sugnaa.
Dadka geeriyooday waxaa ku jiray caruur. Dhowr qof oo kale ayaa si xun u dhaawacmay iyadoo kuwa kalena la afduubtay. Sidoo kale waxay qarxiyeen guryo iyo dukaamo u dhawaa kaniisadda.
Ciidamada kooxda ADF oo xiriir la leh ISIL, loogana yaqaano ISIL-ta gobolka bartamaha Afrika ayaa qoraal ay soo dhigeen barta Telegram ku sheegtay mas'uuliyadda weerarka.
Qoysaska dhibanayaasha, ururrada caalamiga, Qaramada Midoobay iyo ururrada diimaha oo ay ku jiraan Vatican-ka ayaa diray fariin qeylo dhaan ah.
Sida lagu sheegay warbixinta Aljazeera, weeraro kale oo kooxdan ay gaysato iyo sida ay u sii fidayaan ayaa khatar ku ah Bariga Afrika.
Soo ifbaxii ISIL-ta Bartamaha Afrika iyo taariikhdeeda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weerarkii Komanda waxa uu dhacay iyadoo dowladaha DRC, Rwanda iyo falaagada M23 ay saxiixdeen heshiis nabadeed oo horudhac ah kaas oo Mareykanku uu garwadeen ka ahaa. Khubarada ammaanka waxay rumeysan yihiin in kooxda ADF ay u fulinayaan weeradan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen ama u wiiqi lahaayeen dadaalada siyaasadeed iyo kuwa diblomaasi ee lagu doonayo in lagu dajiyo gobolka.
Marka la fiiriyo weerarada arxan-darada ah, waxay ADF isku dayeysaa in ay muujiso in weli ay xoogan tahay si kasta ooloola dagaalo. Howlgalka Qaramada Midoobay ee DRC waxay sheegeen in weerarada lagu qaado goobaha cibaadada ay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo in la jabiyay qeynuunka caalamiga.
Kooxda ADF waxaa lagu sameeyay dalka Uganda sanadkii 1990-kii waxayna u wareegeen DRC kaddib markii laga adkaday. Sanadkii 2019-kii ayuu hoggaamiyahooda Musa Baluku bayco la galay ISIL taas oo ka dhigtay ADF in ay noqdaan garabka ISIL ee Afrika.
Ilaa markaa kaddib, kooxda dib ayey isu abaabuleysay iyagoo adeegsanayay xirfadaha ISIL ee daacayadaha, xagjirnimada iyo in rayidka la weeraro. CIA-da Mareykanka waxay ku qiyaastay in tiradooda ay u dhexeysay 1,500 ilaa iyo 2,000 oo jooga DRC.
Maxay ISIL u beegsaneysaa Bariga Afrika?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Feberaayo ee sanadkan, xagjiriinta ADF waxay weerareen tuulada Mayba iyagoo afduubtay 70 masiixiyiin ah oo kinisada u yimid in ay cibaadesytaan. Markii dambe waxay dhammaan dadka ku dileen kaniisadda Kasanga ee waqooyi bari gobolka Kivu. Meydadka waxaa la helay 14-kii Feberaayo. Vatican-ka ayaa xaqiijiyay dhacdadan halka Qaramada Midoobay aysan si rasmi ah u xaqiijin.
Waxay qaadeen weerarro lagu beegsanayay kinisadaha, isbitaalada iyo suuqyada iyagoo muujinayay in kooxda ay cabsigelinayaan rayidka iyagoo sidoo kalena ku xadgudbaya mabaadi'ada bani'aadannimada ee ah in aan la weerarin rayidka.
Kooxda ADF, falaagada M23 iyo kooxaha kale ee hubeysan ayaa si weyn u weeraray gobolka Ituri. Warbixinta golaha xiriirka dibadda (CFR) waxaa lagu sheegay in dad ka badan 7 milyan in ay ku barakaceen DRC. Weerarada lagu qaado haweenka, carruurta iyo dadka aaminsan caqiidooyinka kala duwan ayaa joogto ahaa.
Khubarada ammaanka waxay sheegayaan in weeraradan ay qeyb ka yihiin qorshaha ISIL ee ay ku balaarineyso saameynteeda Afrika kaddib markii looga adkaaday Bariga Dhexe. Meelo ay ka mid yihiin DRC oo dowladda aysan awood weyn laheyn, faqri iyo tacliin la'aanna ay ka jirto, ISIL waa meel ay ku baahin karto fikaradaheeda xagjirnimada ah.
Khatarta sii kordheysa iyo sida ay ula dhaqmayaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
In laga hortago ISIL in ay sii fido iyo kooxda gacan saarka la leh waxay u baahan tahay dadaal weyn oo ka balaaran howlgalada militeriga. Waxaa loo baahan yahay qorshe isku dhaf ah. Dadka ka faalooda siyaasada Bariga Afrika waxay tilmaameen in loo baahan yahay iskaashi ammaan oo dhexmara DRC, Uganda, Rwanda iyo dalalka dariska la ah iyo qorsheyaal looga hortagyo in dhallinyarada laga dhigo xagjir iyadoo loo marayo tacliin shaqaaleysiin.
Waxyaabaha kale ee loo baahan yahay waxaa ka jira in la maalgeliyo bulshada lana horumariyo meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan iyo in la caawiyo barakacayaasha.
Ururada sida Qaramada Midoobay waxay ogolaadeen qorshooyin badan oo dhaafsiisan dadaalada militeriga si loo yareeyo awooda ISIL iyo kooxaha gacan saarka la leh.
Garabka ISIL ee Bariga Afrika waxa uu tusaale u yahay sida ISIL ay isugu dayeyso in ay gasho meelaha nugul ee Afrika. Hadii aan dadaalo isku xiran degdeg loo qaadin, waxaa kordhaya khataraha weeraro ku baaha qeybaha kale ee Bariga Afrika sida Uganda, Rwanda, Kenya iyo xitaa Tanzania.
Weerarada lagu qaado kiniisadaha, suuqyda iyo dadka caadiga waxay horseedayaan in bulshada kala qeybsanto, naceyb diimeed iyo in ay wiiqdo dadaalada nabada loogu raadinayo bariga Congo.













