Dunida oo ka qaylisay muuqaallada la-haystayaasha Israa'iil ee Qaza oo la soo bandhigay ayagoo macluulaya

Dibadbaxayaal isugu yimid Tel Aviv oo dalbanaya in degdeg lagu sii daayo la-haystsayaasha

Xigashada Sawirka, Reuters

Hoggaamiyayaasha reer galbeedka ayaa cambaareeyay muuqaalada la-hayste u dhashay Israa'iil oo macluul ka muuqato kaas oo fidiyow looga duubay Qaza. Hay'ada Laanqeyrta Cas ayaa ku baaqaday in loo ogolaado sidii ay ku gaari lahaayeen la-haystayaasha.

Xoghayaha arrimaha dibadda UK, David Lammy, ayaa ku tilmaamay "sawirada la- haystayaasha oo loo adeegsanayo dacaayada in ay tahay wax laga naxo", waa in lagu sii daayaa "shuruud la'aan".

Baaqyadan ayaa soo baxay kaddib markii kooxda Islaamig Jihaad ay khamiistii soo saareen fidiyow ay ka duubeen Rom Braslavski oo caato ah, sidoo kalena ooynayana. Xamaas waxay iyagana Sabtigii soo bandhigeen muuqaalka Evyatar David.

Hoggaamiyayaasha Isra'iil waxay ku eedeeyeen Xamaas in ay la-haystayaasha gaajo geliyeen.

Garabka hubeysan ee Xamaas way beeniyeen in ay si ula kac ah gaajo u geliyeen maxaabiista iyagoo sheegay in la-haystayaasha la siiyo waxa ay dagaalyahanadooda iyo dadweynaha kale cunayeen intii ay socotay gaajada Gaza.

Wararka ka imaanaya Gaza waxay sheegayaan in Falastiiniyiinta sida weyn ugu baahan gargaarka marka ay yimaadeen xarumaha qeybinta gargaarka ee ku yaal meelo kala duwan Axadii in askarta Israa'iil ay rasaas ku fureen. Ugu yaraan 27 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay sida ay isbitaalada Qaza sheegayaan.

Braslavski oo 21 jir ah iyo David oo 24 jir ah waxaa laga afduubtay xafladii muusiga ee Nova 7-dii Oktoobar sanadkii 2023-kii. Waxay ka mid yihiin 49-ka la-hayste ee ka haray 251-dii markii hore Xamaas ay soo afduubteen .

Kaddib markii Fidiyowga la soo bandhigay, raysalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu la hadlay qoysaskooda isagoo u sheegay in uu ka naxay, lana sameynayo dadaalo lagu soo deynayo.

Netanyahu wuxuu Axadii la hadlay madaxa hay'ada Laanqeyrta Cas ee gobolka isagoo ka dalbaday in ay degdeg cunto iyo daawo u gaarsiiyaan la-haystayaasha.

ICRC waxay sheegtay in ay aad uga naxday fidiyowga taasina ay marqaati ka tahay xaalada halista ah ay ku jiraan la-haystayaasha.

Hay'ada ayaa ku celisay baaqeeda ahaa in loo ogolaado sidii ay ku gaari lahaayeen la-haystayaasha si ay u qiimeeyaan xaaladooda isla markaana loo siiyo kaalmada caafimaad iyo sidii ay qoysaskooda kula xiriiri lahaayeen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guutada Al-Qassam ee Xamaas waxay sheegeen in ay "jawaab fiican ka bixinayaan" codsiga ICRC ee cunto iyo dawo lagu gaarsiinayo maxaabiista hadii marinka gargaarka Qaza loogu furo si joogto ah, lana hakiyo duqeymaha cirka xiliga gargaarka la gaarsiinayo.

Israa'iil waxay si weyn u dhaliishay kaalinta ICRC ee dagaalka iyadoo sheegtay in ay ku guuldareystay in ay caawiso dadka lagu hayo Gaza.

Horaantii sanadkan, Israel waxay ka carootay muuqaalo fowdo ahaa kaddib markii heshiis dhexmaray iyaga iyo Xamaas lagu sii daayay maxaabiis. ICRC waxay sheegtay sida doorkoodu u xadidan yahay iyagoo sabab uga dhigay in ay ku tiirsan yihiin ogolaashaha qeybaha dagaalamaya.

Sidoo kale waxaa dhaliilay Falastiiniyiinta oo sheegay in aan loo ogolaan in ay booqdaan maxaabiista Falastiin ee lagu hayo xabsiyada Israel ilaa iyo 7-dii Oktoobar ee sanadkii 2023-kii.

Dhammaadkii toddobaadka, dibadbaxayaal iyo qoysaska dadka la-haysto ayaa markale isugu soo abxay Tel Aviv, waxayna ugu baaqeen dowladda in ay ka qeybqaadato sidii lagu sii deyn lahaa la-haystayaasha.

Muuqaalada la soo bandhigay waxaa ku jira Braslavski oo ooyaya, wuxuuna sheegay in cuntada iyo biyahu ka dhamaadeen, wuxuu kaloo sheegay in uusan istaag iyo socod awoodin.

Fidiyoowga ay soo daayeen Islaamig Jihaad

Xigashada Sawirka, Other

Muuqaalka kale waxa uu David ku sheegayaa "maalmo cunto ma cunin… aad ayey u adag tahay in aan biyo helo", wuxuuna qodayay wax uu ku sheegay in uu yahay qabrigiisa.

Qoyskiisu waxay sheegeen in si ula kac ah gaajo loogu geliyay godadka Xamaas ee Gaza uuna noqday kholfoof.

Evyatar David waxaa lagu haystaa Gaza

Xigashada Sawirka, Other

Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, wuxuu sheegay in uu aad uga naxay muuqaalada isagoo sheegay in sii deynta dhammaan maxaabiista ay aheyd shuruud qasab ah ka hor xabadjoojinta Xamaas iyo Israel.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, wuxuu sheegay in Xamaas ay soo bandhigtay "fal arxandaro", wuxuuna intaas ku daray in Faransiiska uu ka shaqeynayo sidii lagu sii deyn lahaa la-haystayaasha, loona soo celin lahaa xabad-joojinta kaddibna loo awoodi lahaa in gargaar la gaarsiiyo Gaza.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dadaaladan ay la socdaan xal siyaasadeed oo ah labo dal "iyadoo Israel iyo Falastiin ay jirayaan". Faransiiska wuxuu dhawaan ku dhawaaqay in uu aqoonsanayo dal Falastiin ah. Canada iyo UK waxay ku xireen shuruud.

Muuqaalada la-haystayaasha oo macluul ka muuqato waxay soo baxeen iyadoo hay'adaha Qaramada Midoobay ee gargaarka ay sheegeen in "xaaladii ugu xumeyd ee macluul ah ay hadda ka soo baxeyso Gaza" iyadoo la soo sheegayo dhimasho la xiriirta nafaqo daro.

Wasaarada caafimaadka Gaza waxay Axadii sheegtay in 175 qof oo ay ku jiraan 93 carruur ah ay u dhinteen nafaqodarro ilaa iyo markii uu dagaalka bilowday.

Hay'ada gargaarka Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah isbahaysiga ayaa dhibaatada gaajo ku eedeeyay xayiraada Israel saartay gargaarka galaya.

Israel waxay wajaheysaa go'doomin caalami ah iyadoo burburka Gaza uu sii fidayo. Ra'yiga dadweynaha caalamka wuxuu muujinayaa in si weyn looga horjeedo Israel taas oo cadaadis saareysa in hoggaamiyaasha ay tallaabo qaadaan.