Dad badan ayaa ku dhimanaya doonyaha buux dhaafay ee Mediterranean-ka

Xigashada Sawirka, Reuters
Murugo iyo aamusnaan ayaa maalmo hareeyay tuulada Santa Al-Bayda ee gobolka waqooyiga Masar, waxayna sugayaan dadka in ay helaan war ku saabsan dad ehelkooda ah oo la socday doon ku degtay biyaha Mediterranean-ka.
Labadii bishii July, Mohammed wuxuu soo wacay walaalkii Mohie isagoo u sheegay in uu u safray Libya kaddib markii ay sidaa ka dhaadhiciyeen koox dalaaliin ah oo ka yimid Giriigga.
"Si adag ayaan isugu daynay in uu fakaraas ka haro maadama uusan faa'ido laheyn" ayuu yiri Mohie oo intaas ku daray isagoo haya sawirka walaalkii, "safarkiisa waxa uu qiil uga dhigay dhibaato dhaqaale oo dalka ka jirta iyo xaalada adag ay dhallinyaradu ku jiraan. Wuxuu aaminsanaa in nolosha qurbaha ay ka wacan tahay tan gudaha. Dadka tuulada oo dhan murugo ayey ku jiraan".
Mohamed waxa uu ka mid ahaa dadkii ay la degtay doon sharcidarro aheyd oo ka baxay xeebaha Libya 22-kii bishii July. Waxa uu ka mid ahaa 79 qof oo u badnaa Masaari kuwaas oo ka kala yimid gobolo kala duwan.
Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena way ka badbaadeen markii ay doonta degtay. Sida ay sheegtay hay'ada IOM, waxaa socda baadigoobka dadka la la'yahay.
Qaar ka mid ah qoysaska muhaajiriinta doonta degtay waxay deegaankooda ku aaseen saddex ka mid ah dadkii dhintay halka qoysaska kuwa la la'yahayna ay sugayaan waxa ka soo baxa baadigoobka socda kaas oo madaxda Masar iyo Libya ay ka wada shaqeynayaan.

Biyaha oo dib loo galo waa laabasho
Ururka caalamiga ee socdaalka IOM waxa uu sheegay in ay tahay musiibo xanuun badan oo ku tusineysa qiimaha ku baxaya wadooyinka sharcidarada ah ee muhaajiriinta iyo sida loogu baahan yahay in degdeg loo sameeyo dadaal caalami ah oo lagu sameynayo jidadka sharci ah oo lagu badbaado.
Mashruuca Qaramada Midoobay ee dadka la la'yahay waxa uu diwaangeliyay in ka badan 32-kun oo ku geeriyooday badda Mediterranean-ka laga soo bilaabo sanadkii 2014-kii iyadoo tiro aan la ogeyn weli la la'yahay.
Muhaajiriinta ka baxaya xeebaha Libya ayaa dhawaan kordhay waxayna noqdeen halka ugu badan ay ka baxaan muhaajiriinta ka yimaada meelo kala duwan ee doonaya in ay gaaraan xeebaha Yurub.
"Walaalkey waxa uu jiray 30 sano, xaas ayuu lahaa iyo wiil lagu magacaabo Yazid. Xaaladiisu way fiicneyd, Alle ayaa mahad leh," ayuu yiri Mohamed walaalkii Mohie oo intaas ku daray "Markuu noo sheegay in uu doonta raacay ayuu hadana 5 maalmood kaddib na soo wacay oo uu noo sheegay in uu go'aansadsay in uu soo laabto maxaa yeelay safarka ma noqon mid guuleysta. Waxay aheyd in uu soo laabto 22-kii July balse gelinkii dambe ayuu na soo wacay qof badbaaday oo u dhashay Nigeria kaas oo noo sheegay in doonta degtay. Ilaa markaa warkiisa ma maqal, isgaarsiinta oo dhan way go'aday."

Wadooyin kale oo burcadu heleen
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Naila Gabr oo ah madaxa guddiga ka hortaga muhaajiriinta sharcidarada ah iyo tahriibka Masar ayaa BBC-da u sheegtay in muhaajiriinta sharcidarada ku baxa ay tahay dambiyada abaabulan oo aysan aheynd wax guud oo ka jira Mara.
Gabr waxay sheegtay in xeebaha Masar ay aad ammaan u yihiin mana ahan ayey tiri meel muhaajirin sharcidarro ah ay ka baxeen laga soo bilaabo sanadkii 2016-kii. Waxay sheegtay dhacdooyinkii dhawaan la arkay in ay ahaayeen kuwa gaar ah oo la isticmaalay jidadka aad u adag.
Kaddib doontii Rashid ee sanadkii 2016-kii ay ku dhinteen dad ka badan 200, dowladda Masr waxay qaaday qorshe qaran iyo sharci wax looga qabanayo muhaajiriinta sharcidarada ah. Sidoo kale waxaa la dhisay guddi ka horta tahriibka.
Arrinta waxa hadda soo celiyay waa dhibaatoyinka dhaqaale iyo xasiloonidarada ka jirta gobolka iyo kuwa dadka tahriibiya oo faa'ido u arkay. Masar sidii ay u adkeysay ammaanka xeebaheeda, isku dayada lagu tahriibiyo hoos ayey u dhaceen.
Khubarada socdaalka waxay ku doodaan in dadaalada ammaanka diirada lagu saarayo aysan waxba ka qaban waxa keenay tahriibka sida faqriga iyo fursado la'aanta. Dadka waxay u wareegeen jidad kale sida Libiya. Masar waa mid ka mid ah dalalka ugu badab ee ay ka yimaadaam muhaarjiinta sharcidarada ah ee galaya Yurub.

Xigashada Sawirka, EPA
Xalka muxuu yahay?
Rag ka badan 30 dhallinyaro ah oo ka soo baxay Badari, Masar oo uu ku jiray Mustafa iyo qaraabadiisa ayaa ku safray doon sharcidarro ah oo lagu gaarayo Yurub. Qoyskiisa iyo kuwa kale waxay weli raadinayaan xogta dadka la la'ayahay iyagoo ka rajo qaba in qaarka badbaaday lagu xiray Libya.
Madaxda Masar oo uu ku jiro safiir Naila Gabr waxay ku adkeysaneysaa in ay muhiim tahay qorshe guud oo looga hortagayo muhaajiriinta. Qorshaha waxaa ku jira in la sameeyo olole wacyigelin ah oo ku saabsan meelaha aadka khatarta u ah iyo in loo sameeyo ganacsiyo yar yar.
Si kasta ha ahaatee khubayarda iyo kooxaha xuquuqda aadanaha waxay ku doodayaan in nidaamka hadda lagu shaqeynayo uusan waxba ka qabaneyn waxa keenay dhibaatada.
Janaraal Farouk al-Magrahi ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga badalo qiyamka bulsahda lacagna la geliyo maalgelinta gudaha.
Dhanka kale, Nour Khalil oo u dooda muhaajiriinta ayaa qaba in siyaasad iyo dhaqaale ay yihiin wax aasaaska u aha arrintan. Wuxuu aaminsan yahay in xalka dhabta ah uu yahay in rajo loo abuuro dhallinyarada.













