Shan hoggaamiye oo ka tirsan dalalka Carabta oo xukunka laga tuuray tan iyo 2011-kii

Hoggaamiyayaashii xukunka laga tuuray ee dalalka carabta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyayaashii xukunka laga tuuray ee dalalka carabta

Bashaar al-Asad ayaa galay liiska hogaamiyeyaasha caanka ah ee wadamada Carabta kuwaas oo la afgambiyay tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonadii ka dhacay wadamada Carabta muddo ka badan toban sano.

Ilaa dhamaadkii 2010, qaar badan oo ka mid ah hogaamiyeyaashaan wadamada Carabta weligood uma malaynayn in ay la kulmi doonaan qalalaase hoos u dhigaya dawladooda.

Wadamada Carabta ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika waxaa gilgilay duufaano isbedel doon ah oo xididdada u siibay madaxdii hore loogu haystay in aan laga adkaan karin.

Isbeddelkaan ayaa socday ilaa hogaamiyihii ugu dambeeyay ee ay xilka ka tuureen duufaanta isbedel doonka ah ee Suuriya, Bashaar Al-asad.

Zine al-Abidine Ben Ali (Tunisia, 2011)

Zine al-Abidine Ben Ali

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali

Madaxweynihii hore ee Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali, ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee dal Carbeed oo dowladiisa la afgambiyay kadib kacdoon shacab.

Zine al-Abidine Ben Ali, oo Tunisia xukumayay 23 sano, ayaa isaga iyo qoyskiisa waxa ay u qaxeen dalka Sacuudiga bishii Janaayo 2011 ka dib mudaaharaadyo socday muddo bil ah oo looga soo horjeeday dowladdiisa, kuwaas oo dhaliyay mowjado kacdoono ah oo ka socda dalalka Carabta.

Dibad baxayaasha ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay ku guuldareysatay in ay shaqo siiso muwaadiniin badan oo dalkaasi u dhashay, gaar ahaan dhalinyarada, waxaana ay ku eedeeyeen mas'uuliyiinta dowladda musuq maasuq.

Mudaharaadyadaas ayaana dhashay ka dib markii wiil dhalinyaro ah uu is gubay kaas oo tacaddiyo kala kulmay ciidamada booliska 17 December 2010.

Mohamed Bouazizi ayaa geeriyooday 4-tii bishii Janaayo ee sanadkii 2011-kii, balse dhimashadiisa ayaa si weyn looga hadal hayay baraha bulshada, taas oo dhalisay qalalaase dadweyne oo xukunka looga tuuray Zine El Abidine Ben Ali.

Xusni Mubaarak (Masar, 2011)

Xusni Mubaarak

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xusni Mubaarak madaxweynihii hore ee Masar

Xusni Mubaarak ayaa Masar xukumayay 30 sano ka hor kacdoonadii Carabta. Isbeddelka dawladeed ee ka dhacay Tuniisiya ayaa sababay in Mubaarak Masar laga saaro.

Mubarak ayaa xilka iska casilay ka dib mudaaharaadyo looga soo horjeeday dowladdiisa oo dhacay 25-kii bishii Janaayo ee 2011 kuwaas oo ka dhacay fagaaraha Taxriir ee Khahira.

Dibad baxayaasha ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay ku guul darreysatay inay xalliso dhibaatada shaqo la'aanta, kororka saboolnimada iyo musuqmaasuqa baahsan.

Cali Cabdallah Saalax (Yemen, 2011)

Cali Cabdallah Saalax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cali Cabdallah Saalax

Mudaaharaadyo dhowr bilood ah oo lagu afgambiyay dowladaha Carabta kadib, duufaantu waxay gaartay dalka Yemen, iyadoo dhowr bilood oo ay iska soo horjeedeen shacabka iyo dowladda uu madaxweyne Cali Cabdallah Saalax ogolaaday inuu xukunka ka dego.

Cali Cabdallah, ayaa ogolaaday inuu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa Abd-Rabbu Mansour Hadi, kadib dibadbaxyo rabshado wata oo sababay in bambaanooyin lagu weeraro madaxtooyada.

Wuxuu xafiiska ka tagay 23-kii November, sanadkii 2011, kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawacyadii ka soo gaaray weerarkii bambaano ee lagu qaaday qasrigiisa, iyo cadaadis kaga yimid gudaha dalka iyo dibadda.

Mucamar Qadaafi (Libya, 2011)

Mucamar Qadaafi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mucamar Qadaafi
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mowjadda is bedelka ayaa gaartay dalka Liibiya halkaas oo xukunka looga tuuray dowladdii uu hoggaaminayay hoggaamiyihii ugu waqtiga dheeraa Mucamar Al-Qadaafi, kaas oo talada dalkaasi hayay 42 sano.

Mucamar Al-Qadaafi ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee la dilo kadib mowjado ka dhan ah maamuladii ka talinayay wadamada Carabta.

Mucamar, waxa uu xukunka qabtay Sebtembar 1969 ka dib afgambi lama filaan ah, oo xukunka lagaga tuuray Boqor Idiris oo taageero ka helayay Ingiriiska.

Qadaafi ayaa intii uu xukunka hayay waxaa lagu eedeeyay inuu taageero jabhado ka dagaalama dalal kale, mid kamid ah waxyaabihii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa ayaa ahayd qaraxii lagu qarxiyay diyaaradii Pan Am ee magaalada Lockerbie ee dalka Scotland bishii December 1988-kii.

Weerarkaas oo ay ku dhinyeen 259-qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaaradda, 190 kamid ah ayaa ahaa muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka.

Mudaaharaadyadii looga soo horjeeday dowladdiisa ayaa isku bedelay dagaal sokeeye, kaas oo ay ciidamada dowladda iyo fallaagada ku dagaalamayeen muddo siddeed bilood ah.

20-kii Oktoobar, sanadkii 2011, dagaalyahannada fallaagada ayaa ku dhawaaqay dhimashada Qadaafi, oo ay sheegeen in lagu dilay magaaladii uu ku dhashay ee Sirte.

Waxaa la dilay isagoo 69 jir ah.

Bashaar al-Assad (Suuriya, 2024)

Bashaar al-Assad

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Bashaar al-Assad

Madaxweynihii ugu dambeeyay ee dowladiisa la afganbiyo ayaa ah Bashaar al-Assad, kadib markii koox fallaago ah oo hoggaaminaysay kacdoon ka dhan ah ay dowladiisa afganbiyeen Axadii, December 8, 2024.

Qoyska Asad ayaa Suuriya xukumayay 53 sano.

Madaxweyne Bashaar Al-asad ayaa xukunka la wareegay sanadkii 2000, kadib aabihii oo xukunka hayay 30 sano.

Waxa uu awood u adeegsaday sidii uu uga hortagi lahaa dadkii mudaaharaadayay, xaaladdaas ayaana isku badashay dagaal sokeeye, dagaaladaasi waxaa lagu dilay in ka badan nus milyan qof, 12 milyan oo kalena waxaa lagu qasbay inay guryahooda ka barakacaan.

Laakiin todobaadkii hore, kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) waxaa u suurtagashay inay weeraro ballaaran ka fuliyaan waqooyi galbeed ee dalkaas, iyaga oo garab ka helaya kooxaha kale.

Fallaagada ayaa qabsatay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Suuriya ee Xalab, waxayna u jiheysteen dhanka koofurta magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, halkaas oo ay kaga awood roonaadeen ciidamada Suuriya.

Ruushka ayaa markii dambe ku dhawaaqay in Asad iyo qoyskiisa ay magangelyo siyaasadeed ka heleen Moscow.