Muxuu Bashar al-Assad ugu orday Ruushka, maxaase isaga iyo qoyskiisa sugaya?

Qoyska Assad

Xigashada Sawirka, Getty Images

In xukunka Suuriya laga guuro Bashar al-Assad ma aysan soo afjarin 24-kii sano ee uu xukumayay dalka, ee waxay sidoo kale soo gabogabeysay 50-kii sano ee qoyska Assad wadanka ka talinayeen.

Ka hor inta uusan xukunka qabsan Assad labadii kun, aabihi, Hafez Assad, ayaa Suuriya madaxweyna ka ahaa 30 sano ilaa uu ka dhinto.

Hadda waxaa la dhisay dowladda kala guur ah oo ay hoggaaminayaan kooxda hubeysan ee Tahrir al-Sham, taasi waxay mugdi gelisay mustaqablka qoyskiisa.

Qoyska Assad waxay u carareen Ruushka oo siiyay magangalyo. Balse maxaa halkaas ku sugaya?

Muxuu ugu cararay Ruushka?

Ruushku wuxuu la ahaa xulufo xooggan Suuriya intii uu dagaalka sokeeye socday, waxa uuna ku leeyahay labo saldhig oo militeri oo muhiim ah.

2015-kii ayuu Ruushku bilaabay duqeynta cirka uu ku taageerayo Bashar al-Assad. Taas waxay guusha dagaalka siisay dowladda Assad.

Koox la socota Suuriya oo fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in 9-kii sano ee ka soo wareegatay markii uu dagaalka bilowday ay duqeynta Ruushka ku dhinteen 21,000 oo 8,700 ka mid ah yihiin rayid.

Ruushka oo lugaha la galay dagaalka Ukraine, waxay keentay in uusan diyaar u aheyn in uu farageliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Suurya ama wuu awoodi waayay in uu joojiyo falaagada xawaaraha ku socotay ee dhammaadkii Nofember dagaalka soo qaaday.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saacado kaddib markii falaagada ay xukunka Dimishiq la wareegeen, warbaahinta Ruushka waxay sheegtay in Assad iyo qoyskiisa ay soo gaareen Moscow oo la siiyay maganglayo bani'aadannimo.

Balse markii wariyayaashu ay wedyiiyeen halka uu Assad joogo iyo codsigiisa magangalyo, afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov wuxuu yiri: "wax kale hadda ma sheegayo. Way caddahay in go'aanka ceynkaas ah ee magangalyo siinta aan la sameyn karin iyadoon ogolaasho laga haysan madaxweyne. Isagaa go'aansaday".

Warbixin baaris ah oo ay soo saartay Financial Times sanadkii 2019-kii ayaa muujineysa in qoyska Assad iyo qaraabadiisa ay ugu yaraan Ruushka ka iibsadeen 18 guri oo ah kuwa raaxada ah. Malaayiin doolar ayuu dalka kala baxay intii uu dagaalka sokeeye socday.

Dhinaca kale, wiilka curadka Bashar, Hafez oo 22 jir ah waxa uu PHD ka diyaarinayaa Moscow sidaasina waxaa qoray wargeys gudaha ah toddobaadkii la soo dhaafay.

Telefishinka Ruushka waxa uu sheegay in saraakiil Ruush ah ay la xaajoonayaan mucaaradka hubeysan si loo xaqiijiyo ammaanka saldhigyada Ruushka.

Maxaan ka naqaan Xaaska Bashaar iyo carruurtiisa?

Bashar al-Assad waxa uu guursaday Asma oo ah gabar haysata dhalashooyinka Suuriya iyo Britian. Asma waalidkeed waa Suuriyaan balse waxay ku dhalatay kuna barbaartay Galbeedka London.

London ayey ilaa jaamacad ku baratay, kaddibna waxay ka shaqeysay bangiyada ka hor inta aysan guursan.

Asma waxay Suuriya si rasmi ah ugu guurtay sanadkii labada kun iyadoo guursatay Bashar oo xiligaas xilka aabihii ka dhintay.

Dr Nasrin Al-Rifai oo cilmibaare ka ah jaamacadda London School of Economics ayaa BBC-da u sheegay in Asma ay haysato dhalashada Britain ayan ku soo laabaneyso Britian. Wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu cunaqabateyn saaray Dr. Fawaz Al-Akhras, oo ah Asma aabaheed.

Waxaa la sheegay in isagana uu sidoo kale aaday Ruushka. Arrintaas darteed ayaa laga yabaa in Asma ay doorato in ay joogto Moscow. Bashar al-Assad iyo Asma waxay haystaan saddex carruur ah, Hafes, Zain iyo Karim.

Qoyska Assad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u sheegtay Kongareeska sanadkii 2022-kii in hantida qoyska Assad lagu qiyaasay in ay u dhexeyso 1 ilaa iyo labo bilyan oo doolar, inkastoo warbixinta lagu sheegay in ay adag tahay in la qiyaaso hantidaas, sababtuna waa iyadoo ku kala firirsan dhowr meelood sida guryo iyo shirkado.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in Bashar iyo Asma ay xiriir dhow la lahaayeen shirkadaha ugu waa weyn Suuriya, waxayna shirkadooda u adeegsadeen in ay lacag sharcidarro ah ku kala gudbiyaan iyo in lagu maalgeliyo taliska.

Sidoo kale waxay warbixinta sheegtay in Asma ay saameyn wey ku leedahay guddiga dhaqaalaha Suuriya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sanadkii 2020 sheegay in Asma oo gacan ka heleysa ninkeeda iyo qoyskeeda ay noqotay qof sida weyn uga faa'iday dagaalka Suuriya.

Sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay Asma in ay aheyd "madaxa dhaqaalaha qoyska" iyo maalqabeen la tartama Rami Makhlouf oo ah ina adeerka Bashar.

Ma la maxakamdeyn doonaa Bashar al-Assad?

Kaddib markii uu dhacay xukunka Assad, waxa uu xoghayaha guud ee Amnesty International, Agnes Callamard sheegay in "dadka Suuriya ay wajaheen xadgudubyo daran oo xuquuqda aadanaha kuwaas oo keenay dhibaatooyin aan dhammaad laheyn" intii uu dalka xukumayay.

Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah "hubka kiimimada oo lagu weeeraray, bambooyinka firdhisma, jirdil, dil, dad la waayay, xasuuq iyo dhammaan wax kasta oo dambi ah oo aadanaha laga galo".

Wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka dacwad lagu soo oogo kuwa ka dambeeyay jabinta qeynuunada caalmiga iyo xadgudubka kale ee xuquuqda aadanaha.

Tallaadadii ayuu sheegay hoggaamiyaha kooxda mucaaradka in bannaanka la keenayo dhammaan magacyada saraakiisha sare ee taliksii hore, kuwaas oo ku lug lahaa jirdkilka loo geystay maxaabiista siyaasadeed.

Abu Muhammad al-Julani wuxuu sidoo kale sheegay in "dowladda samatabixinta" ay isku dayi doonto in Suuriya lagu soo celiyo saraakiisha la cadeeyay ee u baxsaday dalalka kale.

Faransiiska waxay garsoorayaasha baaraya Bashar al-Assad dalabdeen amar lagu soo xirayo isagoo loo haysto dambiyo laga galay aadanaha, kuwaas oo lala xiriirinayo weerarkii kiimiko ee dhacay sanadkii 2013-kii.

Ruushka ma soo dhiibayo, suuragalna ma ahan in Assad oo ka baxo Ruushka oo uu aado dal Suuriya u dhiibi kara.