Waa tuma Asma al-Assad, xaaska Bashaar al-Assad?

Xigashada Sawirka, Reuters
Intii Bashaar al-Asad uu ahaa madaxweynaha Suuriya ku dhowaad 25-sano, Asma oo u dhalatay Ingiriiska ayaa ahayd xaaska kaliya oo uu qabay.
Asma Akhras ayaa ku dhalatay Acton, galbeedka London, waxa ayna wax ku baratay iskuul gaar loo leeyahay, halkaas oo looga yeeri jiray "Emma".
Waxa ay sii wadatay waxbarashadeeda iyadoona cilmiga kombuyuutarka ka baratay King's College oo ku yaalla London iyadoona ugu dambayn ku biirtay maalgashiga bangiga.
Asad waxa ay kula kulantay London, xilligaas waxa uu ahaa dhakhtar aqoon u leh qalliinka indhaha.
Asma ayaa u guurtay Suuriya sanadkii 2000, waxa ayna isla sanadkaas guursatay Assad bilo uun kadib markii uu madaxweyne noqday uuna xilka kala wareegay aabbihiis Xafiz al-Assad.
Waxa ay isku dhaleen saddex carruur ah oo kala ah labo wiil iyo gabar, kuwaas oo dhammaantood hadda ah dad waaweyn.
Ninkan 49-jirka ah ayaa marka uu talada qabtay lagu tilmaamay inuu yahay mid wax ka badalaya Suuriya, balse waxaa is baddashay aragtidaas tan iyo markii uu dalkaasi ka billowday dagaalladii sokeeye ee ba'naa bishii March 2011-kii.
Muddo sanado ah, reer-galbeedka ayaa rajo ka qabay Asma oo ku kortay Ingiriiska inay dhiiri gelin karto dib u habeynta siyaasadda Suuriya, iyada oo xilligaas Suuriya laga howlgaliyay shirkad laga leeyahay Ingiriiska oo magaceeda loo soo gaabiyo PR, taas oo la rabay inay ka shaqayso sidii sumcad caalami ah loogu yeeli lahaa waddankaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ilo xog ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay sanadkii 2012-kii in Assad uu Asma u guursaday inay u kala shaqayso soo bandhigidda waji cusub oo casri ah oo loogu talagalay dalalka Bariga Dhexe.
Istaraatiijiyadda suuq-geynta ayaa xoogaa horumar laga arkay.
Bishii Febraayo 2011, majaladda US Vogue ayaa daabacday muuqaal qurux badan oo cinwaankiisu yahay " Rose in the Desert " oo micnaheedu yahay Ubax Saxaraha ku sugan.
Maqaalkaas oo markii dambe laga saaray baraha lagu baahiyay ayaa ahaa mid lagu tilmaamay mid muujinaya "quruxlay dhuuban oo dheer taas oo leh tababar iyo maskax ku salaysan khiyaano," iyo sidoo kale "soo jiidasho aad u qurux badan".
Suxufiyaddii qortay maqaalkaas, oo lagu magacaabayay Juliet Joan Buck, ayaa markii dambe muujisay sida ay uga xun tahay qoraalka, iyada oo sheegtay in ay "wax u dhintay" shaqadeedii ayna soo afjartay xiriirkeedii Vogue.
Xilligaas waxaa dalkaas ka dhacay kacdoonno meelo badan ku faafay, balse Asad ayaa waxyar kadib xilligaas qaaday tallaabooyin uu ku burburinayo kacdoonka kaas oo lagu tilmaamay mid dimuquraadiyad inkasta oo markii ay sii daba dheeraadeen ay isku badaleen dagaal sokeeye oo aad u daran kaas oo ay ku dhinteen in ka badan nus milyan qof, halka 12 milyan oo kalena lagu qasbay inay guryahooda ka carareen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sanad kadib bishii Febraayo 2012, ayay Asma ka hadashay dagaalka iyadoona bixisay faalladeedii ugu horraysay oo ay fagaare ka jeedisay waxa ayna xilligaas sheegtay inay u qalbi qaboojinayso dhibbanayaasha rabshadaha ku waxyeeloobay.
War qoraal ah oo lagu daabacay wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayay mar kale ku celisay taageerada ay u hayso ninkeeda, waxaanay tiri: "Madaxweynuhu waa madaxweynaha Suuriya ee maaha koox Suuriyaan ah, marwada koowaadna waxay ku taageertaa doorkaas".
Isla sanadkaas Asma waxaa sumcaddeeda ku dhacday dharbaaxo kale kadib markii dhaqdhaqaaqayaasha ay sii daayeen kumannaan iimeylo gaar ah oo eedayn ah oo ay ku sheegeen inay jeceshahay alaabaha raaxada.
Iimeyladaas oo uu markii ugu horreysay daaha ka qaaday wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska, ayaa u muuqday inay muujinayeen Asma oo ku baaraysay $5,000 (£3,200) kabo dhaadheer oo cabirkoodu dhan yahay 16cm, iyadoo xilligaas waddanku wajahayo xasillooni darro isa soo taraysa.
Wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka oo sanadkii 2022 samaysay qiyaas hantida qoyska Assad ayaa ku tilmaamtay inay u dhaxayso $1-$2bn.
Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Asma bishii March sanadkii 2012.
Muddo ma aysan la hadlin warbaahinta balse sanadkii 2016 ayay la hadashay telefishin lagu magacaabo Rossiya 24 oo uu taageero Ruushka, waxa ayna xilligaas sheegtay inay heshay dalabyo ah inay isaga baxdo Suuriya, waxa ayna sheegtay inay diidday, ma aysan sheegin halka ay ka yimaadeen dalabyadaas.
"Waxaan halkan joogay tan iyo bilowgii, weligayna kuma fikirin inaan meel kale aado," ayay tiri.
"Haa, waxaa la ii soo bandhigay fursad aan uga tago Suuriya ama aan uga cararo Suuriya. Waxyaabahaas waxaa ka mid ahaa dammaanad-qaadka badbaadada iyo ilaalinta carruurtayda iyo xitaa ammaanka dhaqaale. Uma baahnid caqli gal ah in la ogaado waxa ay dadkani dhab ahaantii ahaayeen. Waxay ahayd isku day ula kac ah oo lagu doonayay in lagu burburiyo kalsoonida ay dadku ku qabaan madaxweynahooda."

Markii uu dagaalku sii socday, Asma waxay hoggaamisay dadaallada samafalka, waxay la kulantay qoysaskii askarta la dilay, waxayna madax ka noqotay "Syria Trust for Development," oo ah urur weyn oo aan dawli ahayn oo xiriiriya hawlaha gargaarka.
Sannadkii 2018, waxaa laga helay kansarka naasaha waxaana laga daweeyey buro halis ah oo marxalad hore ahayd. Sannad ka dib, waxay si cad ugu dhawaaqday inay si buuxda u bogsatay.
Bishii Maajo 2024, Madaxtooyada Suuriya ayaa shaaca ka qaaday in Asma laga helay kansarka dhiigga.
Bayaan ay soo saartay ayaa lagu sheegay in ay bilaabi doonto hab maamuuska daawaynta gaarka ah oo u baahan in ay go'doomiso oo ay dib uga noqoto hawlgelinta dadweynaha.
Ku dhawaad 25 sano oo ay haysay xilka Marwada Koowaad ayuu si lama filaan ah u soo idlaaday Axaddii markii Assad la afgambiyay kadib markii ay xoogagga fallaagada qabsadeen caasimadda dalkaas ee Dimishiq.
Qoyska Asad waxay hadda ku sugan yihiin Ruushka oo ah xulafada muhiimka ah ee taliskii hore, halkaas oo ay ka heleen magangalyo siyaasadeed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.













