Waa kuma John Mahama, ninka lagu wado inuu mar kale madaxweyne ka noqdo Ghana?

Xigashada Sawirka, Reuters
John Dramani Mahama ayaa lagu wadaa inuu mar kale noqdo madaxweynaha Ghana kadib markii tartamihii ugu weynaa uu aqbalay guul-darrada, xitaa inkastoo guddiga doorashooyinka aysan weli ku dhawaaqin natiijada rasmiga ah.
Ninkan 65 jirka ah ayaa Ghana hoggaaminayay laga soo bilaabo 2012 ilaa 2017 waana mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu khibradda badan dalkan Galbeedka Afrika ku yaalla. Xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dowladda, isagoo ahaa xildhibaan, wasiir ku xigeen, madaxweyne ku xigeen iyo madaxweyne.
Muddo dheer kahor inta aysan xirfad u noqon, siyaasadda ayaa door muuqata ku lahayd carruurnimadii Mahama. Markii Mahama uu keliya toddoba jir ahaa, aabbihiis, oo ahaa wasiir dowladeed, xabsi ayaa la geliyay markii uu socday afgembi militari markii dambena dibad-joog ayuu noqday.
Maxkamdeyntiisii sida tan wuxuu ku qoray buuggiisii - waxaa daabacay tiro warbaahinno caalami ah iyadoo xusuus-qorkiisii, My First Coup D'etat, uu ammaan ka helay labo qoraa waaweyn oo Afrikaan ah, Ngugi wa Thiong'o iyo Chinua Achebe.
Doorashooyinka sanadkan markii uu waxyaabaha uu ahmiyadda siinayo sheegayay, Mahama ayaa codbixiyeyaasha u sheegay in Ghana "ay u socoto jihada khaldan ayna u baahan tahay in la badbaadiyo".
Balse dadka arrimahan cambaareeya ayaa ku doodaya in laga yaabo inuusan u qalmin shaqadan, marka la eego in maamulkiisii ay hareeyeen dhibaatooyin dhaqaale iyo dhowr fadeexado musuqmaasuq ah.
Taariikhda Mahama waxay kasoo billaabatay 1958, markii uu ku dhashay magaalada waqooyiga dalkaas ku taalla ee Damongo. Sanado yar kadib wuxuu u wareegay caasimadda, Accra, si uu ula noolaado aabbihiis, Emmanuel Adama Mahama.
Buugga My First Coup d'Etat, Mahama Jr wuxuu naftiisa ku qeexay "cunug fiiro dheer leh".
Sidoo kale wuxuu heystay waxyaabo kale oo dheeri ah. Qoyska ayaa guri kale ku lahaa magaalada Bole, taasoo markaas aan ka mid ahayn dalka. Waaliddiinta Mahama ayaa awooday in matoor nafto ku shaqeeya ay u isticmaalaan gurigooda oo lix qol ka koobnaa, tan oo micanheedu yahay in gurigooda uu ahaa kan keliya ee magaalada ku yaallay ee koronto lahaa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka deegaanka ayaa isugu iman jiray guriga marka ay habeen noqoto, iyagoo xiiseynaya dhaldhalaanka oronjiga ah.
Madaxweynaha mustaqbalka ayaa soo dhigtay iskuulka xannaanada ee Achimota oo waxbarasho aasaasi ah uu kusoo qaatay, waana iskuul sare oo lagu yaqaanno wax baridda madxda dal sida Jerry John Rawlings-ka Ghana, Robert Mugabe-ga Zimbabwe iyo Kwame Nkrumah, oo ahaa raysal wasaarihii hore ee Ghana kadib markii ay xornimo ka qaadatay UK.
Waxay ahayd Achimota, sanadkii 1966, halka uu Mahama ka maqlay inuu jiro afgembi. Saraakiil militari iyo kuwo booliis ayaa galay dhismooyinka Ghana, iyagoo awoodda kala wareegay Nkrumah, oo safar dibadda ugu maqnaa.
Markii ay wararku soo baxeen, Mahama ayaa aad u naxay - wax war ah kama maqlin aabbihiis. Mahama oo toddoba jir ahaa ayaa ka baqay in aabbihiis loo dilay sababo la xiriira inuu u dhowaa Nkrumah.
Waxaa soo baxday in aabbihiis xabsi la geliyay - uuna xabsiga kusii jiri doono ku dhowaad sanad.

Xigashada Sawirka, AFP
Sanadkii 1981, kadib afgembi labaad oo militari, aabbaha Mahama ayaa ka qaxay dalka isagoo tegay Nigeria.
Dhanka kale, Mahama ayaa labaantanmeeyadiisii iyo soddonmeeyadiisii ku qaatay waxbarasho - wuxuu shahaadada koowaad ee Communication Studies ka qaatay Jaamacadda Ghana kahor inta uusan wax ku baran Institute of Social Sciences ee Moscow.
Mahama ayaa ogaaday in joogitaankiisii Ruushka, oo markaas qeyb ka ahaa Midowgii Soofiyeetka, uu ku baraarujiyay "dulduleellada hannaanka hantiwadaagga".
Kadib markii uu kusoo laabtay Ghana sanadkii 1996, Mahama ayaa raacay saan-qaadkii siyaasadda ee aabbihiis.
Waxaa loo doortay xubin baarlamaanka ka tirsan oo matalaya Xisbiga National Democratic Congress (NDC) halkaas, ayuuna kasii ambaqaaday siyaasadda, wuxuuna soo noqday afhayeenka baarlamaanka iyo wasiirka warfaafinta.
Muddo 13 sano gudahood, Mahama ayaa u dallacay madaxweyne ku xigeen, ninka ku xigay Madaxweyne John Atta Mills.
Balse kadib saddex sano uun oo uu xilka hayay, Mills ayaa si kedis ah u geeriyooday isagoo 68 jir ahaa.
Saacado kadib geerida, Mahama oo 58 jir ahaa ayaa loo dhaariyay xilka madaxtinnimada. Khudbaddiisii, Mahama wuxuu maalinta ku qeexay "tii ugu murugada badneyd" taariikhda Ghana.
Doorashooyin guud ayaa dabayaaqadii sanadkaas la qabtay iyadoo codbixiyeyaasha ay doorteen in Mahama uu talada sii hayo.
Marka Mahama waa hoggaamiye noocee? Franklin Cudjoe, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo reer Ghana ah iyo madaxa Xarunta Imani ee Siyaasadda iyo Waxbarashada, ayaa BBC u sheegay in madaxweynihii hore uu ahaa qof dhanka xiriirka ku fiican.
Iyadoo khabiirka sayniska siyaasadda Dr Clement Sefa-Nyarko uu Mahama ku qeexay inuu yahay "qof ficilka qiimeeya".
Dad badan oo cod-bixieyaal reer Ghana ah, ayaa waxaa soo jiitay waxyaabaha aadka u badan ee uu ballan qaaday.
Markii uu u ololeynayay inuu xilka sii hayo kahor doorashooyinkii 2016, Mahama ayaa soo hadal qaaday mashaariic kaabeyaal ah oo la dhammeystiray intii uu xilka hayay, sida kuwa isu socodka, caafimaadka, iyo waxbarashada.
Balse intii uu xilka hayay, dadka reer Ghana ayaa sidoo kale wajahay dhaqaalaha oo sii liicaya iyo koronto la'aan baahsan. Mahama ayaa lagu naaneysi jiray "Mr Dumsor" sababo la xiriira koronto la'aanta - "dum" waxay la micno tahay dansan halka "sor" ay la micno tahay shidan luqadda Twi ee gudaha dalkaas looga hadlo.
Muddo-xileedkiisii waxaa sidoo kale hareeyay fadeexado musuqmaasuq. Tusaale ahaan, maxkamad ku taalla UK ayaa heshay in shirkadda weyn ee duulista ee Airbus ay isticmaashay laaluush si ay qandaraas ugu hesho diyaaradaha militari ee Ghana intii u dhaxeysay 2009 iyo 2015 - balse Xafiiska Ghana ee Dacwad-oogaha Gaarka ah ayaa sheegay inaan wax caddeyn ah loo heyn in Mahama uu qudhiisa ku lug lahaa howlo musuqmaasuq.
Dhanka kale, sida laga soo xigtay warbixinta musuqmaasuqa ee hay'adda Transparency International, musuqmaasuqa ayaa kasii daray markii uu xilka hayay Nana Akufo-Addo, oo Mahama uga adkaaday doorashooyinkii 2016.
Ghana ayaa 45.8 ka keentay musuqmaasuqa markii uu Mahama xilka hayay iyadoo hoos ugu dhacday 42 muddadii Akufo-Addo.

Xigashada Sawirka, US Embassy in Ghana/Facebook
Mahama ayaa isku dayay inuu shaqadiisii hore dib u hanto sanadkii 2020, balse waxaa mar kale ka guuleystay Akufo-Addo.
Iyadoo ay jiraan in laga adkaaday labada jeer, Mahama ayaa kusii jiray saaxadda siyaasadda - haatan waa hoggaamiyaha mucaaradka.
Wuxuu sidoo kale ku raaxeystaa nolol mashquul badan oo siyaasadda ka baxsan - wuxuu leeyahay toddobo carruur ah wuxuuna waqtigiisa la qaataa xaaskiisa, Lordina.
Mahama ayaa sidoo kale ah qoraa weyn. Marka laga soo tago xusuus-qorkiisa, wuxuu wax u qoray warbaahinnada sida The New York Times, wargeyska weyn ee Ebony iyo kan dowladda Ghana ee Daily Graphic.
Mahama ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu u xiiseeyo muusikada, isagoo sheegay in fannaanka reer Nigeria ee Fela Kuti uu ka caawiyay "dareenka siyaasadda" iyo in Michael Jackson uu yahay "mid ka mid ah fannaaniinta ugu fiican ee dunida soo maray".













