Bashaar al-Assad: Dhaqtarkii indhaha ee London ilaa madaxweynaha kali-taliska ah ee Suuriya

Madaxweynihii Suuriya Bashar al-Asad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bashar al-Asad

Waxaa jira waqtiyo badan oo qeexan oo ku saabsan nolosha madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, laakiin malaha kii ugu saamaynta badnaa ayaa ahaa shil baabuur oo ka dhacay meel kumanaan kilomitir u jirta halkii uu ku noolaa.

Bashaar Asad markii hore looma xulan si uu xukunka uga dhaxlo aabihiis. Dareenkan ayaa bilaabmay ka dib dhimashadii walaalkiis ka weyn, Bassel, oo shil baabuur ku galay meel u dhow Dimishiq horraantii 1994. Waqtigaas, Bashaar wax uu magaalada London ku baranayey cilmiga indhaha.

Dhimashadii Bassel ka dib, waxaa la qorsheeyay in walaalkii ka yar loo diyaariyo awoodda Suuriya. Ka dib, wuxuu dalka ku hoggaamin doonaa dagaal dhiig badan ku daato oo galaaftay nolosha boqolaal kun, malaayiinna ku barakeceen.

Laakiin sidee Bashaar Al-Asad uga guuray dhakhtar uguna guuray hogaamiye kali talis ah oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal?

Dhaxalka aabaha

Asad aabihiis, Hafez, wuxuu madaxweyne ahaa ku dhawaad ​​soddon sano

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Asad aabihiis, Hafez, wuxuu madaxweyne ahaa ku dhawaad ​​soddon sano

Bashaar al-Asad waxa uu dhashay 1965 waxana iska dhalay Hafez al-Assad iyo Anisa Makhlouf.

Dhalashadiisu waxay ku soo beegantay horumarro la yaab leh oo ka dhacay Suuriya, Bariga Dhexe iyo wixii ka dambeeya.

Wakhtigaas, waddaniyadda Carabtu waxay siyaasadda gobolka ku haysay dalal badan oo gobolka ah, Suuriyana waxba kama duwanayn.

Xisbiga Baath ayaa xukunka la wareegay ka dib markii uu ku guuldareystay midowgii muddada gaaban ee Masar iyo Suuriya (1958-1961) wuxuuna kor u qaaday hal-ku-dhigyada wadaninimada Carabta. Sida waddama Carbeed ee waagaas intooda badan, Suuriya ma ahayn dal dimuquraadi ah oo waxa ka maqanaa doorashooyin xisbiyo badan.

Beesha Calawiyiinta oo ay ka soo jeedaan qoyska reer Asad ayaa ka mid ahaa dadka ku dhibaataysan dalka Suuriya, dhaqaale xumo ayaa keentay in qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay ku biiraan ciidamada Suuriya.

Hafez al-Asad waxa uu caan ku noqday sarkaal milateri iyo taageero xooggan oo ka tirsan xisbiga Baath Party, isagoo noqday wasiirka gaashaandhigga ka ddibna waxa uu noqday madaxweyne sannadkii 1971-kii, xilkaas oo uu hayay ilaa dhimashadiisii sannadkii 2000.

Muddada dheer ee uu jiray xukunkiisa waxa ay ahayd mid cajiib ah oo soo martay taariikhda Suuriya xornimada ka dib, oo marar badan ay ka dhaceen afgambi milatari.

Gacan bir ah ayuu ku xukumay, mucaaradka buu caburiyey, doorasho dimuqraadi ahna wuu diiday. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu muujiyay waaqiciga siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo xulufo la ah Midowgii Soofiyeeti oo weliba ku biiray isbahaysigii uu Maraykanku hoggaaminayey ee 1991kii dagaalkii Gacanka.

Dhakhtarnimada iyo London

Bashaar waxa uu London kula kulmay xaaskiisa mustaqbalka, Asma al-Akhras

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bashaar waxa uu London kula kulmay xaaskiisa mustaqbalka, Asma al-Akhras
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka hore Bashaar Al-Asad waa cunuggii saddexaad ee carruurta uu dhalay Xaafid Al Asad- madaxweynihii hore ee Suuriya, xubinna ka ahaa xisbigii bacath kaas oo sannadkii 1971 -kii af gebi ku qabsaday xukunka dalkaas.

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad wuxuu jaamacadda Dimishiq ka diyaariyey maadada caafimaaka isaga oo ka qalin jabiyey sannadkii 1988. Intaas ka dib wuxuu dhaqtar milatari kasoo noqday isbitaalka milatariga ee Dimishiq.

Sannadkii 1992 wuxuu u guuray magaalada London ee dalka Ingiriiska si uu wax barashadiisa usii wato, halkaas oo uu ka diyaarinayey caafimaadka indhaha ka hor inta aanu dib ugu soo laaban dalka isaga oo aan dhameystirin.

Sababtu waxay tahay waxaa sannadkii 1994 shil gaari ku geeriyooday walaalkiis ka weyn Basel Al Asad oo loo diyaarinayey in uu madaxtinimada ka dhaxlo aabihiis, saas darteed Bashaar oo aan lagu fekereyn in uu xitaa siyaasadba geli doono ayaa ayaa looga yeeray jaamacaddi uu ka baranayey caafimaadka si uu ula wareego talada dalka marka uu aabihiis geeriyoodo madaama wiilkii ka weynaa ee dhaxli lahaa uu dhintay.

Riyada isbeddelka

Qoyska Asad ayaa ka talinayay Suuriya muddo nus qarni ah

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qoyska Asad ayaa ka talinayay Suuriya muddo nus qarni ah

Hafez al-Assad waxa uu dhintay bishii Juun sanadkii 2000, xilligaas Bashaar oo ahaa 34-jir ayaa si degdeg ah looga dhigay madaxweyne ka dib markii dastuurka Suuriya wax laga beddelay waxaana la yareeyay da'da lagu noqon karo madaxweyne taas oo horay u ahayd 40 sano.

Bashaar Al-Assad oo talada dalkaas qabtay 2000, ayaa soo bandhigay siyaasad cusub oo uu sheegay inay ku salaysnaan doonto "hufnaanta, dimuqraadiyadda, horumarka, casriyeynta, isla xisaabtanka, iyo fikirka hay'adaha".

Bilo ka dib markii uu qabtay madaxtinimada, Bashaar waxa uu guursaday Asma al-Akhras, waxa ayna isku dhaleen saddex carruur ah oo kala ah Hafez, Zein, iyo Karim.

Bilowgii madaxtinimadiisa Bashaar, hadalkiisa ayaa ahaa dib u habayn siyaasadeed iyo xorriyadda warbaahinta taas oo rajjo galisay dad badan oo Suuriyaan ah.

Ciraaq iyo Lubnaan

Dilka ra'iisul wasaarihii hore ee Lubnaan Rafik Hariri ayaa cadaadis dheeraad ah saaray Bashaar Al-Asad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dilka ra'iisul wasaarihii hore ee Lubnaan Rafik Hariri ayaa cadaadis dheeraad ah saaray Bashaar Al-Asad

Dagaalkii Ciraaq ee 2003 ayaa sababay in uu xumaado xiriirka u dhexeeya Bashaar al-Assad iyo dawladaha reer galbeedka.

Madaxweynaha Suuriya ayaa ka soo horjeestay duulaankii Mareykanka uu ku qaaday Ciraaq, taas oo dadka qaar ay ku macneeyeen inuu ka cabsi qabo in Suuriya ay noqoto bartilmaameedka xiga ee Mareykanka.

Xukuumadda Washington ayaa dhankeeda ku eedaysay Dimishiq in ay indhaha ka qarsatay hubka sida sharci darada ah loogu soo daad gureeyo kooxaha ka soo horjeeda qabsashada Mareykanka ee Ciraaq iyo in kooxaha xagjirka ah ay ka gudbaan xadka dheer ee u dhaxeeya labada dal.

Bishii Disembar 2003, Maraykanku wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay Dimishiq sababo kala duwan dartood, tallaabooyin aan la xiriirin Ciraaq oo keliya.

Bishii Febraayo sanadkii 2005, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Lubnaan Rafik Hariri, oo ka mid ah mucaaradka Suuriya ee Lubnaan ayaa lagu dilay qarax weyn oo ka dhacay bartamaha Beirut, Si degdeg ah ayaa faraha loogu fiiqay Suuriya iyo xulafadeeda.

Mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay Lubnaan, waxayna ku soo beegmayeen cadaadis caalami ah oo saaran Dimishiq, taas oo keentay in Suuriya ay ka baxdo Lubnaan ka dib ku dhawaad 30 sano oo ay ciidankeeda ku sugnaayeen.

Guga Carabta

Mudaaharaadyada "Guga Carabta" ayaa gaaray Suuriya 2011-kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mudaaharaadyada "Guga Carabta" ayaa gaaray Suuriya 2011-kii

Tobankii sano ee ugu horeysay ee xukunka Bashaar Al-Asad waxaa la arkayay inuu sii xoogeysanayo xiriirka Suuriya iyo Iran, waxaana sii kordhayay xiriirka Qatar iyo Turkiga, xiriirkaas oo lagu tilmaamay mid isbadalaya, xiriirka kala dhaxeeya Sucuudiga ayaa soo maray marxalado kala duwan, inkastoo Riyaad ay markii hore taageertay madaxweynaha da'da yar.

Bashaar Al-asad ayaa raacay waddadii aabbihii ee siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo ka fogaanayay iska hor imaadyo toos ahaa.

Toban sano oo uu xukunka hayay ka dib, dowladdii Assad ayaa lagu tilmaamay kali talisnimo.

Bishii Disembar 2010, Asma al-Assad ayaa wareysi siisay majaladda Vogue, halkaas oo ay ku sheegtay in gurigooda loo maamulay "si dimoqraadi ah".

Maxamed Boucazizi oo u dhashay dalka Tuniisiya oo ka ganacsan jiray khudaarta ayaa is gubay ka dib markii ay dharbaaxo ku dhufatay haweeney booliis ah, taas oo dhalisay kacdoon dadweyne oo Tuniisiya ka dhacay oo xilka looga tuuray madaxweynihii dalkaas Zine El Abidine Ben Ali.

Kacdoonka Tunisia ayaa si lama filaan ah u dhiiri galiyay dhaqdhaqaaqyo kacdoon oo ka socda wadamada Carabta, kuwaas oo gaaray Masar, Liibiya, Yemen, Baxrayn iyo Suuriya.

Bartamihii bishii March, waxaa Dimishiq ka dhacay mudaaharaad, maalmo ka dibna waxa mudaharaadyo kale ay ka bilaabmeen koonfurta magaalada Darca, ka dib markii la xiray carruur darbiyada ku qoray ereyo ka dhan ah Asad.

Asad oo baarlamaanka la hadlay ayaa sheegay inuu fashilin doono wax uu ugu yeeray "shirqool" lagu bartilmaameedsanayo Suuriya, isagoo dhanka kale qirtay in dad badan baahidooda aan la daboolin.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal ku sugnaa magaalada Darca, taas oo sii hurisay rabshadaha.

Muddo bilo ah gudahood ayay xaaladdu isu badashay iska hor imaadyo hubeysan oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka oo hubkooda qaatay guud ahaan dalkana rabshado galay.