Sida ay doorasho qof iyo cod ah uga qabsoomi karto Soomaaliya 5 bilood kadib iyo doodda ka taagan guddiga doorashada

Xigashada Sawirka, Social
Horraantii toddobaadkan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashooyinka ugu horreeya dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.
Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in doorashada ugu horreysa ee qof iyo cod ah ay ku qaban doonaan muddo 7 bilood gudahood ah.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdikariin Axmed Xasan oo waraysi gaar ah siiyey BBC ayaa sheegay in dhankooda ay labada gelinba shaqayn doonaan si uusan wakhtigu caqabad ugu noqon. Mar uu sharraxey sida ay uga hirgelinayaan doorasho qof iyo cod ah dalka waxa uu sheegay in ay ku shaqeeynayaan shuruuc ay labada aqal ee baarlamaanka meel mariyeen.
"Waxa aan diiwaangelin ku samayn doonnaa ururrada xisbiyada xisbiyo noqonaya, gaar ahaan kuwa shuruudaha soo buuxiya, ka dibna aan dalka gaarsiino in golaha deegaanka dooarashooyinkooda aan ku qabano xisbiyo qof iyo cod ah," ayuu yiri Cabdikariin oo sheegay in ay howshaasi ay dhawaan bilaabi doonaan.
Hase yeeshee siyaasiyiin badan ah iyo xidhibaanno ayaa si cad u diiddan guddiga cusub ee doorashada iyaga oo sheegay inaaney waxba soo kordhin Karin wakhti xaadirkan isla markaana aan heshiis lagu ahayn.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta Mucaraadka ee kasoo horjeeda dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray 4-tii Bishan Diseembar Waraaxafadeed wadajir ah oo ay uga hadlayaan xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Warsaxafadeedkaan oo ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayay si cad uga hor yimaadeen guddiga doorashada ee Qaranka ee dhawaan la magacaabay.
Masuuliyiintaan ayaa qoraalkooda ku sheegay inay si buuxda uga soo horjeedaan guddiga cusub ee la magacaabay, islamarkaana ay ogeysiinayaan aragtidooda ka dhanka ah guddiga doorashooyinka saaxiibada Beesha caalamka.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay Dastuur la'isku raacsan yahay, xeerka doorasho, xisbiyada, iyo guddiga doorasho. Wuxu bedelay Dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddiyo doorasho oo dhamaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay masuuliyiinta mucaaradka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo khubad dhinacyo taabaneysa shalay jeediyay ayaa yiri, Doorashada dowladaha hoose ayaa ugu soo horeyso oo la qabanayaa, waana qabanaynaa, waxaana naga go'an in aan qancino qof kasta oo tabasho qaba, lana fadhiisano."
Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka isla markaana qadka taleefanka uga qayb galay barnaamijka doodda jimcaha ee BBC-da laftigiisu waxa uu sheegay in xilligan aysan dalka ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah, sababta ayuuna ku sheegay kala qaybsanaan ka dhex jirta dalka iyo dadkaba.
"Howshan doorashada qof iyo cod ah haddey noqon lahayd guddi doorasho, haddey noqon lahayd shuruucda xisbiga, haddey noqon lahayd xeerarka doorashada intuba ay u baahanyihiin heshiis wada jir ah oo siyaasadeed, iyadoo mucaaradkkii ay bannaanka taaganyihiin dowladihii xubnaha ka ahaa dowladda federaalka qaar kamid ah ay bannaanka taaganyihiin, Somaliland oo weli gooni u goosad ku maqan, waxaa habboon in mudnaanta lasiiyo in dalkan la'isku hayo".
Xildhibaan Mursal sidoo kale waxa uu sheegay in biya dhaca hadalkiisu yahay in waxaan oo dhan aysan shaqeyneyn haddii aan loo wada dhameyn isaga oo sii raaciyay in wax aan soconeyn wakhti lagu lumin.

Xigashada Sawirka, GLSH
Xildhibaan Maxamed Adan Daahir [Caanoy] oo laftigiisu barnaamijka qayb ka ahaa ayaa isna qaba aragti taa kaduwan waxana uu kamid yahay xildhibaannada rumeysan in dalka ay ka qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah walibana xilligii loo asteeyay.
"Waxan aaminsanahay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhici karto oo munaasib ay tahay wakhtigeediina la joogo, shuruucdeediina ay baarlamaanka soo martay oo ay dastuuri tahay dadka Soomaaliyeedna muddo 50 sano kabadan ay sugayeen in ay fursaddaan soo laabato".
"Anaga ka baarlamaan ahaan waxa aan sameynay shuruucdii u saamixi lahayd doorasho in ay dhacdo, anaga baarlamaan ayaan nahay waxaan nahay aqlabiyad iyo cod dheeri, waxaa habbooneyd in xildhibaan Mursal uu joogo xilligii aan shuruucda ka shaqeyneynay cod aqlabiyad leh ayaana lagu ansixiyay oo looga dooday", ayuu sii raaciyay xildhibaan Caanoy.
Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey], oo barnaamijka qayb ka ahayd ayaa iyaduna sheegtay in doorasho qof iyo cod ah ay tahay wax sahlan balse hadda aysan muuqan in ay muddadan ku dhici karto duruufo jira awgood.
"Waxaa jira duruufo badan oo ay kamid tahay in aan heshiis lagu ahayn guddigan, sidoo kale guddigu waa uu cusubyahay oo waxa uu u baahanyahay tababarro iyo dhaqaale arrimahaas awgood uma maleynayo in ay dhici karto wakhtigan".
Waxa ay sii raacisay in shuruuc lawada leeyahay ay habboontahay in lagu qabto doorashooyinka taas oo hadda aan jirin iyo xitaa deegannada ay ka dhici lahayd oo aan qorsheysneyn waa sida ay hadalka u dhigtay maadama ay jiraan deeganno aan weli ku jirin gacanta dowladda Soomaaliya.
Waxyaabaha ay siyaasiyiinta mucaaradku dul istaageen waxaa kamid ah khilaafka sii xoogeysanaya ee dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubaland.













