Sida aan ku helnay mukhalaska lagu naaneyso Dibqallooca ee kumannaan muhaajiriin ah Yurub u tahriibiyay

Waxaan fadhiyaa meel laga dukaameysto oo ku taalla Ciraaq, weji ka weji ayaan ula fadhiyaa mid ka mid ah mukhalaska loogu doon doonista badan yahay Yurub ee dadka tahriibiya.
Magaciisu waa Barzan Majeed, waxaana doon doonaya booliiska dalal dhowr ah, oo UK ay ka mid tahay.
Intii aanu sheekeysaneynay – halkan iyo maalintii xigtay oo xafiiskiisa aan isu aragnayba – wuxuu sheegay inuusan ka warheyn tirada muhaajiriinta uu ka gudbiyay Kanaalka Ingiriiska.
“Malaha kun, malaha 10,000. Ma garanayo, ma aanan tirin.”
Kulankan wuxuu natiijo u ahaa waxa bilooyin kahor u muuqday wax aan suurtogal ahayn.
Anigoo uu ila socday Rob Lawrie, oo ahaa sarkaal hore oo qaxootiga la shaqeeya, waxaan ka shaqeeyay inaan helo oo su’aalana weydiiyo ninkan loo yaqaanno Dibqallooc.
Muddo dhowr sano ah, isaga iyo kooxdiisa burcadda ah ayaa inta badan maamuli jiray ganacsiga tahriibinta dadka – doomaha iyo gawaarida xamuulka – iyadoo la sii marayo Kanaalka Ingiriiska.
In ka badan 70 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay doon ay saarnaayeen iyagoo kanaalkan uga gudbaya doon tan iyo sanadkii 2018 – bishii lasoo dhaafay, shan qof ayaa ku dhintay xeebta Faransiiska, waxaana ku jirtay gabar toddoba jir ahayd.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa safar halis ah, balse mukhalasiintu wuxuu u yahay ganacsi ay lacag badan ka sameeyaan.
Waxay qofkiiba ka qaataan £6,000 marka ay doon ku gudbinayaan – ku dhowaad 30,000 oo qof ayaana sanadkii 2023 isku dayay safarkan, faa’iidadiisuna way caddahay.
Inaan la kulanno Dibqallooc waxay ka bilaabatay gabar yar oo aan kula kulannay mid ka mid ah xeryaha muhaajiriinta meel u dhow Calais, oo waqooyiga Faransiiska ku taalla.
Waxay ku dhowaatay geeri iyadoo isku dayeysa inay ka gudubto Kanaalka Ingiriiska waxayna la socotay doon qarriban.
Doontu ma ahayn mid u qalantay in badda lagula safro – waxay ahayd mid rakhiis ah, oo gacan labaad looga soo iibsaday Biljamka - dadka 19 qof ee doonta saarnaana ma aysa wadan jaakadaha badqabka.
Yaa waaye qof dadka u diraya badda sidan oo kale?
Markii booliiska UK ay qabtaan muhaajiriin sharci-darro ah, waxay ka qaadaan oo ay baaraan telefannadooda.
Laga soo bilaabo sanadkii 2016 iyo wixii ka horreeyay, isla hal nambar ayaa kasoo baxayay telefoonnada.
Weriyaha BBC, Sue Mitchell, iyo shaqaale gargaar, Rob Lawrie ayaa isku dayay soo helidda mid ka mid ah madaxda dembiyada ee Yurub loogu doon doonis badan yahay. Ninkan oo Dibqallooc lagu naaneyso, wuxuu UK geliyay kumannaan qof waana mid dhuumasho ku jira.
Inta badan waxaa nambarkiisa lagu diwaan geliyaa “Dibqallooc”. Mararka qaar waxaa lagu diwaangeliyaa keliya sawirka dibqallooca.
Martin Clarke, oo ah sarkaal sare oo dhanka baaritaanka ah kana tirsan Hay’adda Qaranka ee Dembiyada ee UK (NCA) ayaa inoo sheegtay in saraakiisha ay aqoonsadeen in “Dibqallooc” loola jeedo nin Ciraaqi Kurdish ah oo lagu magacaabo Barzan Majeed.
Isagoo 20 jir ahaa sanadkii 2006, Majeed qudhiisa ayaa galay England isagoo saaran dhabarka dambe ee gaari xamuul ah. Inkastoo loo diiday inuu dalkaasi sii joogo, wuxuu joogay dhowr sano – qaar ka mid ah sanadahan wuxuu ku qaatay xabsi isagoo loo heystay dembiyo daroogo iyo hub ah.
Ugu dambeyn sanadkii 2015 ayaa loo musaafuriyay Ciraaq. Wax yar kadib, waxaa la rumeysan yahay in Majeed “uu ka dhaxlay” ganacsiga tahriibinta dadka walaalkiis ka weyn, kaasoo xabsi ku qaadanayay Biljamka.
Majeed ayaa loo bixiyay Dibqallooc.
Intii u dhaxeysay 2016 iyo 2021, burcadda Dibqallooc ayaa la rumeysan yahay inay maamulayeen inta badan ganacsiga tahriibinta dadka ee Yurub iyo UK.

Xigashada Sawirka, Facebook
Howlgal booliis oo caalami ah oo labo sano qaatay ayaa waxaa ka dhalatay in xukun lagu rido 26 qof oo ka tirsanaa kooxdan kuwaasoo lagu maxkamadeeyay UK, Faransiiska iyo Biljamka.
Balse Dibqallooc qudhiisa ayaa ka baxsaday in lasoo xiro wuxuuna ku jiray dhuumasho.
Isagoo maqan, ayaa maxkamad ku taalla Biljamka waxay ku heshay 121 dembi oo dad tahriibin ah. Bishii October 2022, waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah waxaana lagu ganaaxay €968,000 (£834,000).
Wixii intaa ka dambeeyay, halka uu ku sugan yahay Dibqallooc lama ogeyn. Tan ayaan dooneynay inaan baarno.
Xiriir aan la sameynay Rob ayaa nagu xiray nin Iiraan u dhashay oo sheegay inuu la macaamilay Dibqallooc mar uu isku dayayay inuu ka gudbo Kanaalka. Dibqallooca ayaa u sheegay ninka Iiraan u dhashay inuu ku sugan yahay Turkiga, halkaasna uu ka hago ganacsigiisa.
Gudaha Biljamka, waxaan ka baadigoobnay walaalka ka weyn Majeed – oo haatan xabsiga ka baxay. Wuxuu sidoo kale sheegay in Dibqallooc loo maleynayo inuu ku sugan yahay Turkiga.

Inta badan muhaajiriintagalaya UK, Turkiga ayaa u ah marin muhiim ah. Sababo la xiriira shuruucdiisa socdaalka, way fududdahay in la helo dal ku gal looga yimaado Afrika, Aasiya iyo Bariga Dhexe.
Wargelin qarsoodi ah oo aan helnay ayaa nagu hagtay maqaayad ku taalla Istanbul oo ay aad u yimaadaan mukhalasiinta. Barzan Majeed ayaa dhowaan halkaas lagu arkay.
Weydiimaheennii hore ma socon. Waxaanu milkiilaha weydiinnay inuu wax inooga sheego ganacsiga - way naga aamuseen.
Wax yar kadib, nin ayaa soo maray miiskii aan fadhinnay wuxuuna siibtay jaakaddiisa si uu inoo tusiyo inuu hub sito. Waxay ahayd xusuusin ah inaan la shaqeyneyno dad khatar ah.
Soo labashadeennii labaad ayaa natiijo wanaagsan ina siisay. Waxaa naloo sheegay in Majeed uu dhowaan lacag dhan €200,000 (£172,000) dhigtay xawaalad meel dhowr waddo uun maqaayadda u jirta. Nambarkeenna ayaan halkaas dhignay, bartamaha habeenkii xigayna, telefoonka Rob ayaa soo dhacay.
Ma muuqan nambarka qofka soo wacaya, wuxuuse ahaa qof sheeganaya inuu yahay Barzan Majeed.
Waxay ahayd xilli dambe, lamana fileyn, mana jirin waqti lagu duubo billowgii wicitaanka. Rob ayaa dib u xusuustay codka qofkii soo wacay: “Wuxuu lahaa, ‘waxaan maqlay inaad i raadineyso.’ Waxaana iri, ‘Who are youKumaad tahay? Dibqallooc?’ Wuxuu yiri, ‘Ha, ma waxaad dooneysaa inaad sidaas iigu yeerto? Taasi waa caadi.’”
Ma jirin qaab loo xaqiijiyo in kaasi uu ahaa Barzan Majeed-ka dhabta ah, balse xogta uu ina siiyay waxay waafaqday wixii aan ogeyn. Wuxuu sheegay inuu ku noolaa Nottingham ilaa 2015 markii la musaafuriyay. Balse wuxuu beeniyay inuu ku lug lahaa ganacsiga tahriibinta dadka.
“Tani maaha run!” ayuu ku cawday. “Waa uun warbaahinta.”
Khadka ayaa is jarayay, inkastoo aanu si dabacsan u baarnay, haddana wax feker ah nagama siin halka uu ku sugnaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma aynaan ogeyn inuu ina soo wici doono mar kale iyo goorta. Dhanka kale, qof gudaha ah oo Rob yaqaannay ayaa inoo sheegay in Dibqallooc uu haatan ku lug leeyahay inuu muhaajiriinta ka wado Turkiga geeyana Giriigga iyo Talyaaniga.
Wixii aan maqalnay waxay ahaayeen wax dhib badan. Ilaa 100 nin, dumar iyo carruur ayaa lagu ciriiriyay doomo loogu talogalay inay qaadaan 12 qof.
Doomaha ayaa waxaa wade ka ah mukhallasiin aan wax khibrad ah lahayn, marana waddo halis ah oo u dhaxeeya jasiirado yaryar si ay uga fogaadaan ilaalaha xeebaha.
Lacag badan ayaa laga sameynayay. Rakaabka ayaa la sheegay inay bixinayeen ilaa €10,000 qofkiiba si boos looga siiyo doomaha. Tobankii sano ee lasoo dhaafay in ka badan 720,000 oo qof ayaa loo maleynayaa inay isku dayeen ka gudbidda bariga badda Mediterranean-ka ayna galaan Yurub - qaar ka mid ah, ku dhowaad 2,500 ayaa dhintay, oo badankood qarqoomay.
Julia Schafermeyer, oo ka tirsan hay'adda safamalka ee SOS Mediterranean, ayaa sheegtay in mukhalasiinta ay nolosha dadka geliyaa khatar weyn: “uma maleynayo inay muhiimad u leedahay in dadkan noolaadaan amaba dhintaan.”
Xilligan, waxaanu fursad u heysannay inaan su'aashan si toos ah u weydiinno Dibqallooc. Innagoo aan fileyn, ayuu mar kale ina soo wacay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mar kale, wuu beeniyay inuu dadka tahriibiyo. Si kastaba, sida uu erayga u dhigay wuuxu u muuqday qof shaqada fuliyay, intii uu ahaan lahaa qof riixaya uun.
“Waa inaad halkaas joogtaa,” ayuu inoo sheegay, isagoo intaa ku daray: “Xitaa hadda, halkaas ma joogo.”
Wuxuu keliya ahaa “ninka lacagta”, ayuu yiri.
Majeed ayaa sidoo kale u muuqday mid aan jixinjix u muujineyn muhaajiriinta qarqoomay.
“Alle [ayaa qoraya] xilligaad dhimaneyso, balse tan mararka qaar waa sababtaada,” ayuu yiri. “Alle marnaba kuma dhahayo ‘Bax gal doonta’.”
Meeshii xigtay ee aan tagnay waxay ahayd deegaanka quruxda badan ee Marmaris, oo booliiska Turkiga ay sheegeen inay rumeysan yihiin in Dibqallooc uu ku leeyahay fillo. Dadka ayaanu weydiinnay waxaana ina soo wacday qof sheegtay inay isku fiican yihiin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Way ogeyd in Majeed uu ku lug lahaa tahriibinta dadka, waxayna sheegtay in inkastoo ay taasi dhibaato ku noqotay, haddana walaaciisa ay ahayd lacag, ee aysan ahayn waxa ay mudna doonaan tahriibayaasha.
“Dan kama uusan lahayn - taasi dhabtii waa murugo, miyaysan ahayn?” ayay tiri. “Waa wax aan dib uga fekero oo aan ceeb dareemo sababtoo ah waan maqlaa waxyaabahaas waana ogaa inaysan wax fiican ahayn.”
Waxay intaa raacisay inaysan filladiisa Marmaris ku arkin dhowaan, inkastoo qof uu u sheegay in laga yaabo inuu Ciraaq jiro.
Tan waxay ka dhalatay qof kale, oo sheegay in Dibqallooc uu dhab ahaantii ku arkay xawaalad ku taalla Sulaymaniyah, oo ah magaalo ka tirsan gobolka Kurdistan ee Ciraaq.
Waanu baxnay. Haddii aynaan Dibqallooc halkaas ku arkin, waxaan go'aansannay inaan ka quusanno.
Balse qofkii uu Rob yaqaannay ayay u suurto gashay inuu la xiriiro Dibqallooc. Mrakii hore, aad ayuu uga shakiyay, wuxuu ka walaacay inaan si uun u qorsheyna inaan qabanno oo aan Yurub dib ugu celinno.
Farriimo qoraaleed badan ayaa xigay, ugu horreyn waxaa loo soo diray qofkii ay Rob is yaqaanneen kadibna Rob qudhiisa ayaa loo soo diray. Dibqallooc ayaa sheegay inuu inala kulmi karo, balse waa keliya haddii isaga loo oggolaado inuu doorto barta kulanka. Waanu ka fekernay, waxaan ka walaacnay in laga yaabo inuu ina shirqoolayo.
Kadibna farriin ayaa inoo soo dhacday, oo si fudud inoo weydiineysa: “Halkee baad joogtaan?”
Waxaanu u sheegnay inaan u soconno dukaan u dhow. Dibqallooc ayaa inoo sheegay inaan kula kulanno maqaayad ku taalla meel dhulka hoostiisa ah.
Ugu dambeyn waan aragnay.

Barzan Majeed ayaa u muuqday nin xariif ku ah kubadda gacanta. Si qurux badan ayuu u lebisnaa, jiinis cusub, shaati buluug khafiif ah iyo jaakad madow.
Markii uu gacantiisa miiska saaray, waxaan aragnay in farihiisa lasoo qurxiyay.
Dhanka kale, saddex nin ayaa soo fadhiistay miis inoo dhow. Waa kooxdiisa ammaanka, sidaanu qiyaasnay.
Mar kale, wuxuu beeniyay inuu door weyn ku leeyahay ururka dembiyada. Wuxuu sheegay in xubno kale oo burcad ka tirsan ay isku dayeen inay isaga soo geliyaan.
“Labo qof, markii la xiray, waxay yiraahdeen, ‘Isagaanu u shaqeynaa’. Waxay doonayaan in sanado yar lagu xukumo.”
Wuxuu sidoo kale u muuqday mid ka xun in mukhalasiin kale la siiyay baasaboorrada UK ayna sii wataan ganacsigooda.
“Muddo saddex maalmood ah, nin baa 170 ama 180 qof ka diray Turkiga oo Talyaaniga geeyay, welina heysta baasaboorka Britain!” ayuu yiri. “Waxaan doonayaa inaan aado dal kale si aan ganacsi u sameeyo. Ma aadi karo.”
Markii aan ku cadaadinnay mas'uuliyadda uu ku leeyahay dhimashada tahriibayaasha, wuxuu ku celceliyay wixii uu telefoonka ka yiri - inuu keliya qaatay lacagta.
Isagu, mukhalas wuxuu u yaqaannaa qofka dadka ku gura doomaha iyo gawaarida xamuulka kadibna safriya: “Weligey cidna doon ma saarin weligeyna cid ma dilin.”
Wada sheekeysiga ayaa dhammaaday, balse Dibqallooc wuxuu Rob ku casuumay inuu soo arko xawaaladda uu ka shaqeeyo ee Sulaymaniyah.
Wuxuu ahaa xafiis yar - qoraal Carabi ah ayaa daaqadda ku qornaa iyo nambarrada telefoon. Dadka ayaa halkan yimaada si ay lacagta safarka u bixiyaan. Rob ayaa sheegay in intii uu joogay uu arkay nin siday sanduuq uu lacag ka buuxo.
Halkaas, wuxuu Dibqallooc ka hadlay sida uu ganacsiga u galay sanadkii 2016, markii kumannaan qof ay galayeen Yurub.
“Cidna ma qasbin. Iyagaa doonayay,” ayuu yiri. “Waxay baryayeen mukhalasiinta, ‘Fadlan, fadlan sidan inoo sameeya.’Mararka qaar mukhalasiinta ayaa dhaha, ‘Keliya Alle dartiis, waan caawinayaa’. Wayna cawdaan, waxay yiraahdaan, ‘Oh tan, taas..’ Maya, tan sax maaha.”

Intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019, Dibqallooc ayaa sheegay inuu ka mid ahaa labada qof ee ugu muhiimsan ee hoggaaminayay howlgallada Biljamka iyo Faransiiska, wuxuuna qirtay inuu xilligaas maamulayay malaayiin doollar.
“Dhowr waxyaabood ayaan u sameeyay. Lacag, goobta, rakaabka, mukhallasiinta... dhammaantood waan u dhaxeeyay.”
Wuxuu beeniyay inuu weli ku lug lahaa tahriibinta dadka, balse ficilladiisa ayaa u muuqday kuwo iska hor imaanaya.
Dibqallooc ma uusan xaqiiqsan, balse isagoo telefoonkiisa ku mashquulsan, Rob ayay indhihiisu qabteen sawir ku dhegganaa derbiga ka dambeeyay.
Waxa uu Rob arkay ayaa ahaa liiska nambarrada baasaboorrada rakaab. Waxaan markii dambe ogaannay in mukhalasiinta ay liiskaas u diri doonaan saraakiisha Ciraaq. Kadibna waxay ku laaluushi doonaan inay dal ku gal been ah usoo saaraan si muhaajiriintu ay ugu safraan Turkiga.
Taasina waxay ahayd markii ugu dambeysay ee aan arkay Dibqallooc.
Marxalad walba, waxaan wixii aan aragno u gudbineynay dowladaha UK iyo Yurub.
Ann Lukowiak, oo dacwad-ooge ka ah Biljamka ayaa ku lug lahayd maxkamadeynta Dibqallooc, weli waxay rajeyneysaa in maalin uun laga soo musaafurin doono Ciraaq.
“Muhiim ayay inoo tahay inaan u muujinnay inuusan sameyn karin wuxuu doono,” ayay tiri. “Waanu soo qaban doonnaa muddo kadib.”













