Cabdiraxmaan Cadhoole:Taariikhda halgamaagii weynaa ee reer Jabuuti ee Faransiisku sida arxan darrada ah u dileen

Waxa uu ahaa halgamaa reer Jabuuti iyadoo aabahiina ay Faransiisku u tarxiileen magaalada Hargeysa halkaasi oo ku dhintay markii danbe

Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cadhoole

Qoraalka sawirka, Waxa uu ahaa halgamaa reer Jabuuti iyadoo aabahiina ay Faransiisku u tarxiileen magaalada Hargeysa halkaasi oo ku dhintay markii danbe.

Faransiiska wuxuu qabsaday dekedda Obock.1862 iyadoo 1888 halkaasi uu ka bilowday maamulkii gumeystihii Faransiiska ee dalka Jabuuti ka hirgala, waxay soo socotaba oo marxalado kala duwan la soo maraba waxa ay Jabuuti xorriyadeeda ka qaadatay gumaysatahii Faransiiska 1977-kii

Halganka gobonimo doonka dadka reer Jabuuti

"Iyadoo ay jireen dad badan oo gumaysi diid ahaa haddana sida Afrika inteeda kale waxa uu halganku xawaare ku dhaqaaqay horraantii sanaddahii lixadameedyadii, iyadoo socdaalkii uu ku tagay dalka Shiinaha gudoomiyehii ururka shaqaalaha Cabdiraxamaan Jaamac Cadhoole uu xukunkii gumaysataha Faransiiska sas weyn ku riday, Jaamac Cabadiraxamaan oo ahaa musharaxii madaxweynaha Jabuuti oo halagamagu dhalay ayaa sidan yidhi:

“Markii aabahay tagay dalka Shiinaha ee ay dawladda shiinahu soo dhaweeysay isaga iyo gobonimo doonkii kale ee Afrika, isla markaana uu qaabilay raysal wasaarahii Shiinaha ee waqtigaasi Zhou Enlai ayay taasi ay aad uga caroodeen gumaystahii Faransiisku, iyadoo waraqii sirdoonka ee la qoray amar lagu bixiyey in baritaan dheer lagu sameeyo guddoomiye Cabdiraxmaan Cadhoole.

Taariikhda Cabdrixamaan Jaamac Cadhoole

Waxa uu ahaa halgamaa reer Jabuuti iyadoo aabahiina ay Faransiisku u tarxiileen magaalada Hargeysa halkaasi oo uu ku dhintay markii danbe.

“Awoowgay isna waa la masaafuriyey oo gumaysi diid ayaa loo haystay, Hargeysa ayuuna in yar kadib ku dhintay, aabahay Cabdiraxmaan isagoo yar ayuu shaqo bilaabay si uu caruurtooda u caawiyo waxuuna ka shaqeeyn jiray markii danbe xarunta tareenada ee Jabuuti iyo Itoobiya isaga kala goosha, halkaasi oo markii danbe ka gaadhay inuu noqdo gudoomiyaha ururada shaqaalaha ee madaxa bannaan,” ayuu yiri Jaamac Cabdiraxmaan oo uu awoowe u ahaa. Intaa kadib waxaa soo baxday saameeynta uu Cabdiraxmaan Cadhoole ku yeelan karo bulshada Jabuuti.

Waxaayabaha wali lagau xasuusto halagandii dadka reer Jabuuti waxaa ka midda sidii arxandarda aheeyd ee loo dilay Cabdiraxmaan Cadhoole

Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cadhoole

Qoraalka sawirka, Waxaayabaha wali lagau xasuusto halagandii dadka reer Jabuuti waxaa ka midda sidii arxandarda aheeyd ee loo dilay Cabdiraxmaan Cadhoole

Aftidii xorriyadda iyo socdaalkii jeneraal Charles de Gaulle

1967 - Afti ay codkooda ka dhiibteen bulshada Canfarta iyo dadkii kale ee Yurub ka yimid, waxaa lagu go'aamiyay in Jabuuti ay ka sii mid ahaato bulshada Faransiiska; Magicii French Somaliland na waxaa loo bedelay Dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha, xaalada Jabuuti ayaa meel halisa gashay waqtigaasi iyadoo Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole oo ku xidhnaa gobonimo doonka kala duwan ee socdaal ku tagay dalka Yemen magaalada Cadan oo gaadiid iyo taakulo uu u raadin jiray hadafkooda ,waakan markale Cabdiraxmaan Jaamac “ Aabahay waxuu xidhiidh dhaw la lahaa kooxha halganka ,Cadan ayaa ahayd meeluu aad u tago iyadoo Faransiisku ay sameeyeen koox dabagasah markuu Cadan joogo ,axay ahayd meel gobonimodoonka wax loo soo mariyo’ Dawalada Faransiiska ayaa aad uga carootay dhankeeda mudaaharadyadii iyo shaqo joojintii iyo mudahaardyadii rabshadaha watay ee ay kala hor yimaadeen dadweynaha Jabuuti booqashadii uu Ogoosto 1966 kii hogaamayhii Faransiiska ee waqtigaasi jeneraal Charles de Gaulle , taasi oo keentay in diiradda la saaro si gaara dadakii gobonimoodnka hogaminayey oo ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cadhoole oo loo arkayey inuu isagu tooshka u sido gobonimadda ka dib geeradii halagamagii weynaa ee reer Jabuuti Maxamuud Xarbi

Waxaayabaha wali lagau xasuusto halagandii dadka reer Jabuuti waxaa ka midda sidii arxandarda aheeyd ee loo dilay Cabdiraxmaan Cadhoole

Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cadhoole

Qoraalka sawirka, Waxaayabaha wali lagau xasuusto halagandii dadka reer Jabuuti waxaa ka midda sidii arxandarda aheeyd ee loo dilay Cabdiraxmaan Cadhoole.

Sidii arxandarrada aheeyd ee loo dilay Halgamaa Cabdiraxmaan Cadhoole

Waxaayabaha wali lagu xasuusto halaganadii dadka reer Jabuuti waxaa ka mid ah sidii arxandarrada ahayd ee loo dilay Cabdiraxmaan Cadhoole.

“Markii xaaladdu kacsanayd Jabuuti ee aftida la qaadayey ayaa odyaashii halganku qaar kamidi aabahay u yimaadeen oo ku yidhaadeen ina keen degmadada Cali Sabeex ayeeynu tagaynaa, haddii aynu helana waynu joogi haddii kalena Soomaaliya ayeeynu halkaasi ka galaynaa, aabahay wuu diiday wuxuu ku yidhi magaalada Jabuuti kama baxayo, waan xusuustaa quracdii u danbeeysay aabahay anaa la cunay, gurigaa duhurkii loogu yimi oo ciidmadda faransiisku ka qafaasheen, xeradda Militriga ayeey geeyeen, halkaasi oo dad goob jooge ahaa ku arkeen isagoo la jidh dilayo...

"Aabahay meydkiisii ayaa cusbitaalka weyn e Jabuuti ay kusoo tureen, iyadoo labada indhoodba laga saaray, carrabkana wax la yeelay, 3 jeer ayaa kafanta laga badalay meel walba dhiig ayaa ka socday , anagu waxaanu u haysanaa in aabayaho jannadii tagay oo gacan ka xaqdarani ay dishay,’’ ayuu yiri Jaamac Cabdiraxmaan.

Xorriyadda Jabuuti dad badan ayaa kasoo qayb gaatay lakiin dilkii arxandarrda ahaa ee gumaysiga Faransiisku u geeysteen Cabdiraxaamn Jaamac Cadhoole ayaa wuxuu yahay mid ku suntan.