Saameynta sii kordhaysa ee Turkigu ku leeyahay Soomaliya: Raadadka uu ku yeelanayo Geeska Afrika iyo dunida inteeda kale

Dekadda Muqdisho
Qoraalka sawirka, Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo taagan dekadda Muqdisho

Heshiiska Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga oo kor u qaaday maqaamka Soomaaliya ee gobolka

Ka gadaal imaanshiyaha Markabka dagaal ee Turkida ee xeebaha Soomaaliya ayaa muujiyay ka go’naanshaha fulinta heshiiska difaac ee muddada tobanka sano ah ee u dhaxeeya labada wadan.

Tan ayaa muujinaysa danaha Turkiga ee sii kordhaya ee Soomaaliya oo muddo toban sano ka badan jirsaday.

Markii markabka dagaal uu yimid, danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas ayaa yiri, ‘’tani waxay muujinaysaa sida ay u xoog badan tahay saaxiibtinimadeena, walaalnimadeena iyo danaha guud ee aan wadaagno Soomaaliya.’’

Maxay Soomaaliya Istiraatiiji ahaan muhiim ugu tahay Turkiga?

Somalia

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan oo salaan ka qaadanaya ciidamada badda Turkiga

Juquraafi siyaasadeedka, Soomaaliya juquraafi ahaan waxa ay meel muhim ah kaga taalaa Geeska Afrika.

Sida ay muujinayso xogta shirkadda Lloyd ee bixisa macluumaadka isu gudubka maraakiibta, qiyaas ahaan in ka badan hal tirilyan oo badeecado ah, una dhiganta 12% ganacsiga dunida ayaa mara gacanka cadmeed oo ku teedsan xeebaha Soomaaliya, iyagoo ku socda kanaalka Suweys.

Tani waxay ka dhigan tahay in Muqdisho ku taalo mid kamid ah gobollada istiraatiiji ahaan ugu muhiimsan dunida.

Professor Elem Tepeciklioglu, oo ka tirsan Jaamacadda Ankara qaybteeda daraasaadka Afrika iyo cilmiga bulshada ayaa sheegtay in Soomaaliya sidoo kale siineyso Turkiga fursad uu isku meeleeyo qayb ka ahaanshihiisa amniga dunida.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soomaaliya waxa xasilooni darro ku riday argagixiso iyo burcad badeed sanado badan. Dawladda ayaa ku dhaawaqday in ay soo gabagabeynayso joogitaanka kooxda al-Shabaab ee ku xiran al-Qaacida dhammaadka sanadka 2024.

Heshiiska difaaca ee ay kala saxiixdeen bishii February Muqdisho iyo Ankara ayaa xoojinaya xiriirka labada wadan iyo xasiloonida gobolka. Turkigu waxa uu Soomaaliya ka caawin doonaa in ay difaacato xuduud badeedkeeda, gaar ahaan burcad badeedka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda dhulka.

Bishi Maarso, labada wadan ayaa kala saxiixday heshiis kale oo ku saabsan in ay iska kaashadaan sahminta shidaalka iyo gaaska ee badda Soomaaliya.

Ma cadda sida dakhliga ka soo xarooda ay u wadaagayaan labada wadan.

Prof. Tepeciklioglu ayaa sidoo kale sheegtay in xiriirka Turkigu la leeyahay Soomaaliya uu sidoo kale qayb ka yahay qorshihiisa ah in uu kaalin muuqata ka ciyaaro siyaasad juquraafiyadeedka ka baxsan dariskiisa.

Maxaa faa’iido ah oo ugu jira Soomaaliya?

Soomaaliya-Turkiga

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan oo salaan ka qaadanaya ciidamo ka tirsan kuwa Turkigu tababarray gudaha xerada TURKISOM

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa dadaallada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in uu isu dheela tir ku sameeyo awooddaha gobolka kaddib sanado xasilooni darro ah.

2017-kii, Turkigu waxa uu ka furay Muqdisho saldhiga ugu weyn ee miltari ee uu dibadda dalkiisa ku leeyahay, waxana lagu tababaraa milatariga iyo booliska Soomaaliya.

Ankara waxa kale oo ay dhistay iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaal dhaqaale, sidoo kale waxay deeq waxbarasho siisay ardeyda Soomaalida si ay wax ugu bartaan dalka Turkiga.

Wadankan Geeska Afrika ku yaala dhawaan waxa uu ku biiray Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika kaddib markii uu si guul leh ugu qanciyay madaxda gobolka fursadaha ganacsi ee dalkiisu hayo iyo sida uu u maareeyay loolanada amniga gudaha.

Heshiiska badda ee Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii Febraayo, wuxu kaloo yimid xili uu taagan yahay is afgaradka dooda badan dhaliyay ee dhexmaray Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Heshiiska ayaa Itoobiya u ogolaanaya in ay marin ka hesho badda cas, taa badalkeedana ay suurtagal tahay in Somaliland u aqoonsato dal madaxbannaan.

Muqdisho ayaa heshiiskan u aragtay in uu halis ku yahay madaxbannaanideeda, taasoo abuurtay xiisad diblomaasiyadeed oo dhexmartay labada wadan.

Timothy Walker oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka daraasaadka amniga ayaa sheegaya in heshiiska difaaca ee Soomaaliya-Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo in ay ka hortagto wax kasta oo ay u aragto inay xadgudub ku yihiin madaxbannaanideeda.

Muhiimadda heshiiska ayuu yiri Walker waxa laga arki karay hadal jeedintii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, markii uu ka dul khudbadeynayay markabka Turkiga ee Muqdisho tagay, isagoo sheegay in muddo dheer aanay qaadan doonin in ciidamada badda Soomaaliya ay la wareegi doonaan amniga baddooda iyagoo gacan ka helaya shacabka Turkiga.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mr. Aktas ayaa sheegay in Turkigu sameeyay wax kasta oo suuragal ah si loo difaaco wadajirka dhuleed iyo gobnimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaan dibnaheeda u kala qaadin heshiiska Soomaaliya-Turkiga, halka Somaliland ay sheegtay in aanay aqoonsaneyn.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Axmed Maxamuud ayaa BBC-da u sheegay in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga aanu ku dabaqmeynin dhulka Somaliland.

Turkigu waxa uu muujiyay walaaciisa ku aadan xaaladda u dhaxeysa Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in lagu xaliyo sharciga caalamiga ah.

Prof. Tepeciklioglu ayaa sheegtay in xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu si xawaare leh u sii socon doono si Ankara kaalin muuqata uga ciyaarto gobolka badda cas.

Waxay intaa ku dartay in Turkigu sidoo kale u baahan yahay taageerada wadamada Afrika dadaalkiisa ku aadan in uu xubin joogta ah ka noqdo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.