Xamaas oo war ka soo saartay sii deynta la haystayaasha ka dib ballan qaad ay ka heshay dhexdhexaadiyeyaasha

Xigashada Sawirka, Reuters
Xamaas ayaa sheegtay inay ka go'an tahay fulinta heshiiskii xabad joojinta Gaza ee ay la gashay Israa'iil, ayna sii wadi doonto sii deynta la haystayaasha sida loo qorsheeyay, taasoo sare u qaadaysa rajada laga qabo in dagaalka uusan dib u soo noqon.
Kaddib wadahadallo ka dhacay Qaahira, kooxda hubaysan ee Falastiin waxay sheegtay in dhexdhexaadiyeyaal ka socda Masar iyo Qatar ay xaqiijiyeen inay meesha "ka saari doonaan caqabadaha". Warbixinada Masar iyo Qatar ayaa sidoo kale sheegay in dulduleelada la soo afjaray.
Afhayeen u hadlay xukuumadda Israa'iil ayaan ka hadlin wararkaas balse waxa uu sheegay in haddii Xamaas aysan sii dayn saddex qof oo nool sabtida ay markaas ka bixi doonto heshiiska xabbad joojinta.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa hanjabaad tan la mid ah sameeyay Talaadadii ka dib markii Xamaas ay sheegtay in ay dib u dhigayso sii daynta ka dib waxa ay ku sheegtay xadgudubyada Israa'iil.
Xamaas waxa ay sheegtay in arrimahaas ay ka mid ahaayeen in ay ku guul daraysatay in la ogolaado xaddi lagu heshiiyey oo ah gargaar bini'aadantinimo oo muhiim ah, oo ay ku jiraan teendhooyin iyo hoy, taas oo Israa'iil ay beenisay.
Hanjabaadda kooxda ee ah in ay meesha ka saarayso heshiiska ayaa keentay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u soo jeediyo Israa'iil in ay gebi ahaanba ka baxdo heshiiska haddii aan "dhammaan la haystayaashii" dib loo soo celin Sabtidii.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dalabka Trump, wuxuuna ka goodiyay "Haddii Xamaas ay soo celin weydo la haystayaashayada duhurnimada Sabtida xabbad-joojintu way dhammaan doontaa, ciidanka Israa'iilna waxay dib u billaabi doonaan dagaal xooggan ilaa laga gaarayo guul-darradii ugu dambeysay ee Xamaas.

Xigashada Sawirka, Reuters
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray fariimo iska soo horjeeda oo ka soo baxay mas'uuliyiinta Israa'iil oo ku saabsan inay dalbanayaan sii deynta dhammaan 76 la haystayaal ee weli ku sugan Qaza - iyadoo la raacayo xilliga kama dambaysta ah ee Trump - ama kaliya saddexda qof ee la sii dayn doono usbuucan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arbacadii, ilo dhanka ammaanka ah oo Masar ka tirsan ayaa BBC-da u sheegay in Masar iyo Qatar ay "xoojiyeen dadaalkooda diblomaasiyadeed ee ay ku doonayaan inay ku badbaadiyaan heshiiska xabbad joojinta", iyadoo hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza, Khalil al-Hayya, uu gaaray Qaahira si uu wadahadal ula yeesho madaxa sirdoonka Masar iyo saraakiil kale.
Kadib markii ay soo gaba gabeeyeen wadahadalka subaxnimadii Khamiista, Xamaas ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ay diiradda saareen baahida loo qabo in la fuliyo dhammaan qodobbada heshiiska, gaar ahaan kuwa ku saabsan keenista gawaarida, teendhooyinka, qalabka dhismaha ee culus, sahayda caafimaadka iyo shidaalka.
Waxa ay intaa ku dartay in wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, isla markaana dhexdhexaadiyayaashu ay ku heshiiyeen in laga shaqeeyo sidii caqabadaha meesha looga saari lahaa.
"Xamaas waxay xaqiijineysaa inay ka go'an tahay fulinta heshiiska sidii horey loogu saxiixay, oo ay ku jiraan beddelashada maxaabiista iyadoo loo eegayo waqtiga la cayimay."
Isla mar ahaantaana, TV-ga Al Qahera ee ay maamusho dawladda Masar ayaa sheegay in Masar iyo Qatar ay ku guulaysteen "in ay ka gudbaan caqabadaha" iyo in Israa'iil iyo Xamaas ay ka go'an tahay in ay si buuxda u fuliyaan heshiiska xabbad joojinta.
TV-ga Aljazeera ee fadhigiisu yahay dalka Qatar ayaa sidoo kale sheegay in wada xaajoodku uu guul ku dhamaaday, isla markaana guryaha guurguura ama teendhooyinka iyo mashiinada culus loo ogolaan doono Qaza Khamiista.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Israa'iil ayaa markaas ka dib soo xigtay xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo ku tilmaantay warbixinta Aljazeera "war been abuur ah" oo ay ku sheegtay "war aan sal iyo raad toona lahayn".










