Bisaddu ma noqon kartaa furaha daaweynta kansarka

.

Xigashada Sawirka, X

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Khariidaddii ugu horreysay ee saxda ah ee hidde-sidaha (genetic map) kansarka ee bisadaha guryaha lagu dhaqdo ayaa muujisay isu-ekaansho yaab leh oo kala dhexeeya kansarka ee bini'aadamka, taasoo gacan ka geysan karta helitaanka daaweyn oo cusub oo lagula tacaalo dadka iyo bisadahaba.

Saynisyahannadu waxay baareen oo falanqeeyeen DNA-da burooyinka ee 500 oo yaanyuurro gurijoog ah, iyagoo helay isbeddello hidde-sideed oo muhiim ah oo la xiriira cudurkan.

Kansarku waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee jirrada iyo dhimashada ku dhaca makulaalaha, inkasta oo weli ay yar tahay xogta ku saabsan sida uu ku bilaabmo ama u samaysmo.

Dr. Louis van der Weyden oo ah hoggaamiyaha cilmi-baarista, ayaa yiri: "Hidde-sidaha kansarka ee bisadaha ilaa maanta si buuxda looma aqoon; wuxuuna ahaa meel aan la sahamin. Inta badan ee aan wax ka baranno kansarka ku dhaca noocyada kale, waxay faa'iido u leedahay dhammaanteen."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Koox cilmi-baareyaal caalami ah oo uu hoggaaminayo Machadka Wellcome Sanger ee ku yaalla Cambridge ayaa baaray ku dhowaad kun hidde-side (gene) oo la xiriira 13 nooc oo kansar ah oo ku dhaca bisadaha.

Waxay ogaadeen in hidde-sideyaasha sababa kansarka ee bisaddu ay la mid yihiin kuwa bini'aadamka, islamarkaana labada nooc ay wadaagaan habab bayoolojiyeed oo isku mid ah, marka ay timaaddo koritaanka iyo faafidda burooyinka kansarka.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in bisadda guriga lagu dhaqdo ay noqon karto furaha fahamka noocyo gaar ah oo kansarka naasaha ah, sida kansarka naasaha ee saddex-geesoodka taban ee afka qalaad loogu yaqaan (triple-negative breast cancer), kaas oo qiyaastii 15 ka mid ah ay 100 kiis oo kansarka naasaha ku dhaca uu ka tirsan yahay.

Bisaduhu waxay ka badan yihiin bini'aadamka marka ay timaaddo qaadista cudurka kansarka, sidaas darteed, saynisyahannadu waxay helayaan muunado badan oo ka caawin kara in ay helaan habab daaweyn cusub oo gacan ka geysta la tacaalidda cudurka.

Ku dhowaad rubuc (afar-meelood meel) guryaha Britain ayaa leh ugu yaraan hal bisad, waxaana bisaddu sida eyga oo kale loogu yaqaannaa saaxiib daacad u ah bini'aadamka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maadaama inta badan cilmi-baarista kansarka lagu sameeyey eeyaha, cudurkan ku dhaca bisadaha weli si buuxda looma fahmin.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in labadan xayawaan ee guryaha lagu dhaqdo ay bixin karaan tilmaamo ku saabsan doorka arrimaha deegaanku ku leeyihiin samaysanka qaar ka mid ah noocyada kansarka.

"Waxay ku nool yihiin deegaan la mid ah kan aadanaha, sidaas darteedna waxay la kulmaan saameynno deegaan oo la mid ah kuwa innagu na saameeya," ayuu yiri Prof. Jeffrey Wood oo ka tirsan Kulliyadda Caafimaadka Xoolaha ee Ontario, Canada.

Prof. Wood oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray: "Cilmi-baaristaan waxay naga caawinaysaa inaan si fiican u fahanno sida kansarku uga dhasho bisadaha iyo bini'aadamka, iyo sida deegaanka nagu xeeran uu u kordhiyo halista kansarka, waxaana laga yaabaa inay horseeddo habab cusub oo looga hortago laguna daweeyo cudurkan."

Cilmi-baaristan waxaa horay loogu daabacay joornaalka Science.