Waa maxay sababta ay Japan gantaallo u dhigeyso jasiirad ku dhow Taiwan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Japan ayaa qorsheyneysa in ay gantaallo lidka diyaaradaha iyo difaaca hawada dhigto jasiirad fog oo u dhow Taiwan, ugu dambayn bisha Maarso 2031, sida uu sheegay wasiirka difaaca dalkaasi. Waa markii ugu horreysay ee Japan si cad u qeexdo jadwalka dejinta gantaallada jasiiradda Yonaguni tan iyo markii lagu dhawaaqay qorshahaas 2022.
Shiinaha ayaa sheegta in jasiiradda Taiwan oo iskeed isu maamusha ay ka mid tahay dhulkiisa, meeshana kama saarin in haddii loo baahdo uu xoog "dib ugu soo celinayo".
Jasiiradda Yonaguni waxaa laga arki karaa xeebaha Taiwan maalinta cirka furan yahay, waxayna u jirtaa qiyaastii 110km (68 mayl). Waxayna tillaabada lagu hubeynayo ay ku soo beegmeysaa xilli xiisad ay ka aloosan tahay gobolka.
Xiisadaha u dhexeeya Tokyo iyo Beijing ayaa cirka ku shareernaa tan iyo bishii Nofeembar markii Ra'iisul wasaaraha cusub ee Japan, Sanae Takaichi, ay si duurxul ah u sheegtay in Japan ay difaaci doonto Taiwan haddii weerar looga soo qaado dhulweynaha Taiwan.
Welwel soo jireen ah ayaa ahaa in dagaal kasta oo Shiinahu ku qaado Taiwan uu soo jiidi karo iska horimaad milateri oo toos u dhex mara Washington iyo Beijing, ka dibna uu dagaalku ku fido xulafada kale ee Mareykanka ee gobolka sida Japan.
Hadalladii Ra'isul Wasaare Takaichi ay ka jeedisey baarlamaanka dalkeeda ayaa hoos u dhigay xiriirka Shiinaha iyo Japab, illaa uu gaarey heerkii ugu xumaa indhawaalahan, iyadoo Beijing ay kordhisay cadaadis dhinacyo badan — sida in ay maraakiib dagaal u dirto biyaha u dhexeeya labada dal, xaddididda dhoofinta macdanta naadirka ah, yaraynta dalxiiseyaasha Shiinaha, joojinta riwaayadaha, iyo xitaa dib ula noqoshada xayawaanka Panda oo Shiinahu horay u amaahiyey Japan.
Wasiirka difaaca Japan, Shinjiro Koizumi, ayaa ku dhawaaqay jadwalka gantaallada Talaadadii, maalin kadib markii Shiinaha xayiraad dhoofinta ku soo rogay 20 shirkadood iyo hay'ado laga leeyahay Japan, isagoo ku sababeeyay arrimo amni qaran.
Koizumi wuxuu sheegay in cutubka Yonaguni lagu qalabeyn doono gantaallo masaafa-dhexe ah oo cirka-ilaa-dhul isaga goosha, kuwaas oo awood u leh in ay horqabateeyaan diyaarad kasta ama gantaal walba oo socda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nidaamka gantaallada ee Japan soo saarto oo gaara masaafo lagu qiyaasay 50km, islamarkaana wareegi kara 360 darajo, halka uu markiiba isha ku hayn karo ilaa 100 bartilmaameed, isagoo mar qura toogan kara illaa 12 yool.
Shiinahu weli kama uusan jawaabin hadalka ka soo yeeray Wasiir Koizumi. Hase yeeshee, markii Koizumi uu booqday Yonaguni bishii Nofeembar, Beijing waxay ku eedeysay Japan in ay "abuurayso xiisad goboleed islamarkaana kicineyso iska-horimaad milateri".
Maalmo gudahood, Shiinaha wuxuu diyaarado aan duuliye lahayn ku dul duuliyey agagaarka jasiiradda si uu u muujiyo caradiisa, taas oo ku qasabtay Japan in ay hawada u dirtay diyaarado dagaal si ay uga jawaabto.
Horumarradan ugu dambeeyay waxay imaanayaan kadib markii Ra'isul Wasaare Takaichi ay guul ballaaran ka gaartay doorashooyinkii baarlamaanka horraantii bishan, taas oo siisay fursad siyaasadeed oo ay ku sii xoojiso awoodaha difaac ee Japan.
Tani waxay ka dhigeysaa go'aamada gantaalada loo dhigayo jasiiradda Yonaguni bilowga bog cusub oo Tokyo ay ku muujinayso siyaasado kakan. Iyadoo Takaichi ay kordhinayso miisaaniyadda milateriga iyo difaaca, mana muuqato in ad-adayggan halkaas ku ekaan doono.
Ku dhawaaqista Yonaguni waxay sidoo kale muujineysaa halka Japan u aragto safkeeda hore ee difaaca — iyo inta ay diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo si ay isu ilaaliso.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, Japan waxay jasiiradda Yonaguni ka dhigtay saldhig milateri, iyadoo hadda lagu sameeyo kormeerka xeebaha, isla markaana ay ku sugan yihiin qiyaastii 160 xubnood oo ka tirsan ciidanka Japan.
Cutub dagaalka elektaroonik ah oo awood u leh in uu carqaladeeyo isgaarsiinta iyo raadaarka cadowga ayaa halkaas laga dhisi doonaa sannad-maaliyadeedka 2026, oo bilaabma Abriil kuna eg Maarso sannadka xiga.
"Waqtiga dejinta cutubka gantaallada wuu isbeddeli karaa iyadoo ku xiran horumarka dhismaha xarumaha mustaqbalka, balse qorshaha hadda jira waa sannad-maaliyadeedka 2030," ayuu yiri Koizumi.












