Sida tallaabo uu qaaday Saciid Axmed u badbaadisay hooyo umul ah oo miyir doorsoomi rabtay

Dr. Sa'id Ahimad

Xigashada Sawirka, Dr. Sa'id Ahimad

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

"Dhiigedu aad ayuu u hooseeyay, way miyir doorsoomi rabtay," ayuu yiri Siciid Axmed.

Baraha bulshada ayaa aad loogu amaanayaa dhaqtar haween oo ku deeqay dhiig si uu u badbaadiyo haweeney xaaladeeda caafimaad ay liidato ka dib markii dhiig bax xoogan uu ku dhacay.

Dhaqtarkaan oo lagu magacaabo Saciid Ahmed, Madaxa Caafimaadka ee Isbitaalka Guud ee Kamisee oo ku yaalla dalka Itoobiya.

"Hooyadaan 32 jirka ah ayaa timid xaruntayada abbaare 4:00 subaxnimo. Markii ay timid, waxay bilowday matag," ayuu yiri dhaqtarku.

Kadib markii dhakhaatiirta isbitaalka guud ee Kamisees ay siiyeen haweeneyda uurka leh antibiyootig, si nabad ah ayay ku umushay, waxaaba ay dhashay gabar yar.

Hase yeeshee, markii ay dhakhaatiirtu ka saareen mandheerta, waxay bilowday dhiig bax aan kala joogsi lahayn.

"Dhammaan dhakhaatiirta, oo uu ku jiro dhakhtarka takhasuskaan leh, waxay daba socdeen sababta dhiiggu uu u joogsan waayay," ayuu yiri, isagoo raaciyay in dhiig-baxa joogtada ah ay ogaadeen in uu sababay dillaac ku yimaadda ilmo-galeenka xilligii dhalmada.

Howlwadeenada caafimaadka ee isbitaalka ayaa siiyay haweeneyda daawooyin lagu joojinayo dhiiga, waxaana ay qaadeen tillaabooyin kala duwan balse dhiiga hooyada ayaa joogsan waayey.

"Heerka dhiigaageedu aad buu u hooseeyay. Waxay ku hdawayd in ay miyir doorsanto" ayuu yiri Saciid isaga oo sheegay in hooyadan lagu waday in loo gudbiyo magaalada Dase ee dalka Itoobiya, balse waqtigu u saamixi waayay.

"Cisbitaalka Dasee Referral Hospital waxa uu u jiraa 70-75 KM, kooxda khubarada ah waxay go'aan ku gaareen in aanay suurtogal ahayn in loo diro, isla markaana si degdeg ah qaliin loogu sameeyo." Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xirfadlayaasha caafimaadka ee cusbitaalka, oo helay ogolaanshaha qoyska si ay u fuliyaan qaliinka, ayaa la kulmay caqabad kale.

Dr. Sa'id Ahimad

Xigashada Sawirka, Dr. Sa'id Ahimad

Caqbad kale

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhiig bax ku yimid darteed, waxay u baahatay hooyadaan dhiig gaaraya 1.3 ilaa 2 liitar si qaliin loogu sameeyo.

"Waxaan ka codsanay dhammaan hay'adaha noo dhow inay na siiyaan dhiigga nooceeda ah, balse waa la waayay wax dhiig ah, dwaanu harjadnay".

"Gabadha umushay iyo qoyskeedu isku dhiig ma ahayn. Sidoo kale xaalad dhiig looga qaado karo xitaa jirkoodu kuma jirin.

Sidaas daraadeed dhaqtar Saciid ayaa go'aansaday in uu ku deeqo dhiigiisa maadaama ay isku dhiig ahaayeen gabadha.

"Nooca dhiigaygu wuxuu la mid ahaa kan hooyada, nooca dhiigayagu waa O+, ma haysan doorasho aan ka ahayn inaan dhiigayga si toos ah ugu deeqo ka dib markaan tixgelinno faa'iidooyinka iyo dhibaatooyinka," ayuu yiri.

Dhaqtarku waxa uu sheegay in baaritaanno ay ka mid yihiin HIV, Cagaarshowga B iyo C, waraabowga iyo baarista dhiigga guud la sameeyey ka hor inta aanay dhiiggiisa ku deeqin si degdeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhiigii lagu deeqay kuma filnaan oo mid ka mid ah shaqaalaha qaybta shaybaarka ee isbitaalka oo lagu magacaabo Mahammad Cabdu iyo laba qof oo kale ayaa ku deeqay dhiig kale, waxaana la sameeyay tijaabo.

"Inkasta oo ay ku badbaadday dhiig ku deeqid iyo qalliin, haddana xaaladeeda ma fiicnayn, waxaana ula cararnay qaybta daryeelka degdegga ah (ICU)," ayuu yiri.

Kadib saacado lagu hayay qaybta daryeelka degdega ah, caafimaadka hooyada dhashay ayaa bilaabay inay soo hagaago.

Maalin ka dib, waxaa laga saaray qeybta daryeelka degdega ah waxaana la dhigay qeybta hooyada. Isla markiiba way bogsatay oo waxay aaday gurigeeda iyada iyo ilmaheeda, sida uu sheegay dhaqtarku.

Dhaqtarka oo wax laga waydiiyay sida uu u arko badbaadinta nolosha hooyada , waxa uu yiri, "Aqoonyahan caafimaad ahaan, arrimahan oo kale maaha kuwo cusub, marar badan ayay dhacdaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in go'aankan uu qaatay uu yahay mid tusaale u noqonaya dadka kale ee ku jira xaaladaha adag.

Hooyada ayaa haatan ku jirta xaalad wanaagsan.

"Aad bay u qurux badan tahay marka ay soo toosto daweynta ka dib oo ay daawato ilmaheeda oo ku jira gacmaheeda. Shaqaalaha isbitaalkuna ay ku wada faraxsan yihiin," ayuu yiri.