Ilmo lagu beeray minka haweeneey dhimatay oo markii ugu horeysay ku dhashay Ingiriiska

- Author, Philippa Roxby
- Role, Health reporter
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Wiil yar ayaa noqday canugii ugu horeeyay ee ku dhasha Ingiriiska isagoo isticmaalaya ilmo galeen ay ku deeqday haweeneey dhimatay.
Grace Bell, oo ku jirta da'da 30-meeyada oo ku dhalatay ilmo galeen la'aan, ayaa sheegtay in wiilkeeda yar ee la yiraahdo Hugo, oo hadda jira 10 toddobaad jira, uu "mucjiso".
Bell iyo seygeeda Steve Powellt, ayaa aad u amaanay " naxariista iyo wanaaga" deeqbixiyaha minka iyo qoyskeedaba iyaga oo xusay "hadiyaddooda cajiibka ah" ee ay ka tagtay, iyagoo sidoo kale u mahadceliyey kooxaha caafimaadka ee Oxford iyo London oo taageero wayn iyana fidiyay.
Dhakhaatiirta qalliinka ku lugta leh ayaa sheegay in dhalashad ilmahaan ahayd "dhacdo aad u badashay sidii wax ahaan jireen", taas oo rajo gelin karta dumar badan oo kale oo qaba dhibaato ilmagaleenka la xiriira.
'Hadiyad cajiib ah'
Hugo waxa uu dhashay wax yar ka hor Kirismaskii 2025 kii, isaga oo miisaankiisu ahaa 7lbs, waxa uuna ku dhashay Queen Charlotte's and Chelsea Hospital oo ku yaalla galbeedka London.
Bell waa mid ka mid ah ilaa 5,000 oo haween ah oo ku nool UK ay saameeysay xaalad lagu magacaabo MRKH Syndrome, taas oo macnaheedu yahay inay ku dhalatay ilmo galeen la'aan iyo caado la'aan balse ay leedahay ugxan caadi ah.
Markii ay jirtay 16 jir, ayaa loo sheegay in aanay awoodin in ay qaado uur.
Si ay ilmo u dhalaan, ikhtiyaarka kaliya ee lammaanuhu haysteen wuxuu ahaa in ay rajeynayaan in ilmo-galeenka lagu tallaalo gabadha ama ay maraan dariiqa qalliinka.
Markii la soo wacay loona sheegay in ilmo ilmo la hibeeyay uu diyaar yahay in lagu tallaalana ay suurtagal tahay, Bell waxay sheegtay in ay "aad u naxday" dhanka kaleba ay "aad u faraxday".
Laakiin sidoo kale waxay si aad ah uga warqabtay qoyska ku deeqay "hadiyadda cajiibka ah" ee u sahlaysa inay qaado uur oo ay dhasho ilmo.
"Waxaan ka fekeraa ku deeqbixiyahayga iyo qoyskeeda maalin kasta waxaan ugu duceeyaa inay ku nabad galaan halka ay joogaan iyaga oo maanka ku haya in gabadhooda ay i siisay hadiyadda ugu weyn: hadiyadda nolosha," Bell ayaa tiri sidaas.
"Qayb iyada ka mid ah ayaa weligeed sii jiri doonta."

Qalliinka ilmo-galeenka lagula tallaalay Bell wuxuu qaatay10 saacadood wuxuuna ka dhacay Isbitaalka Churchill ee Oxford bishii Juun 2024, ka hor intaysan lammaanuhu helin daawaynta IVF bilo ka dib - taa oo ay ku xigtay wareejinta uurjiifka oo lagu sameeyay xarunta The Lister Fertility Clinic ee ku taalla magaalada London.
Markii uu dhashay Hugo, Bell waxay tiri: "Waxay ahayd mucjiso.
"Waxaan xasuustaa inaan subaxdii soo toosay oo aan arkay wajigiisa yar, isaga oo afka ku haya cinjirka yar ee ilmuhu nuugaan, waxaana dareemayay inaan riyoonayo oo kale.
"Waxay ahayd wax cajiib ah."

Tallaalista ilmo galeenka ee Bell ayaa ah mid ka mid ah 10 mashruuc oo noocan ah oo qayb ka ah tijaabo cilmi-baaris caafimaad ee ka dhacaysa UK. Saddex ayaa hore loo fuliyay, laakiin tani waa ilmihii ugu horreeyay ee dhasha.
Horraantii 2025, Ilmo yar oo lagu magacaabo Amy aaa ku dhashay ilmo-galeen lagu tallaalay hooyadii balse deeqbixiyuhu uu noolaa. Hooyada dhashay walaasheed ka wayn oo hore u lahayd laba caruur ah ayaa ugu deeqday minkeeda.
Shan kale oo ilmo-galeen la tallaalayo ah oo laga keenay qaraabo isku dhow ayaa la qorsheeyay in ay ka dhacdo Ingiriiska
Rajada haweenka ku dhasha ilmo galeen la'aanta
Amy waxay ku dhalatay isla cusbitaalka London ee ay ku dhashay wiilkeeda Hugo. Kooxda caafimaadka ee ka danbeysay labada dhalasho waxay soo ka shaqaynayeen dhacdado sanado badan.
La-taliyaha dhakhtar haweenka ah oo lagu magacaabo Prof Richard Smith, oo ka tirsan Imperial College Healthcare NHS Trust, ayaa bilaabay cilmi-baadrsta tallaalidda ilmo-galeenka in ka badan 25 sano ka hor wuxuuna goobjoog ka ahaa dhalashadii Hugo. Waxa uu sheegay in "koox dad ah" ay ka qaybqaateen hawsha - laga bilaabo qaliinka tallaalka ilaa wareejinta uurjiifka iyo dhalmada

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In ka badan 100 qalliin oo ilmo galeenka la isku tallaalo ah ayaa laga sameeyay adduunka oo dhan iyadoo in ka badan 70 carruur ah oo caafimaad qaba ay u dhasheen.
Ku-deeqidda ilmo-galeenka si loogu tallaalo ma aha sida ku-deeqidda xubnaha kale, sida kelyaha ama wadnaha, sida kaliya ee lagu oggolaan karo ayaa ah in codsi gaar ah oo loo diro qoysaska deeq-bixiyaasha horey u ogolaaday inay ku deeqaan xubnaha jirkooda.
Ingiriiska, ilaa aad go'aansato in aad cadayso inaadan ku deeqin xubnahaaga, waxaa loo fahmayaa inaad raali ka tahay in xubnahaaga la isticmaalo marka aad dhimato.
Waalidiinta deeqda bixiyaha , oo raba in aan magacyadooda la sheegin, ayaa sheegay inay dareemeen "wanaag wayn" oo ay u hayaan dhaxalka ay ka tagtay gabadhooda.
Waxa ay ku deeqday shan xubnood oo kale kuwaas oo lagu beeray afar qof.
"Ku-deeqidda xubnaha, waxay siisay qoysaska kale hadiyadda qaaliga ah ee waqtiga, rajo, bogsiin iyo nolol hadda, ah" ayay qoyskeeda yiraahdeen.













