Sidee ayay rabshadaha Mexico u saamayn karaan Koobka Adduunka?

Askari Mexican ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Daniel Austin
    • Role, BBC Sport senior journalist
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Martigelinta wadajirka ah ee Mexico ee Koobka Adduunka ee Fifa xagaagan ayaa laga yaabaa in ay halis gasho sababo la xiriira rabshadaha maandooriyaha ee bilowday Axaddii, sida ay khubaradu u sheegeen BBC Sport.

Kooxda maandooriyaha ka ganacsata ee la yidhaahdo Jalisco New Generation (CJNG) oo ka mid ah ururrada dambiyada ee ugu awoodda badan looguna cabsada badan yahay dalkaas ayaa ku lug yeelatay iska-horimaadyo hubeysan oo ay la gashay milatariga Mexico, waxayna xireen waddooyin isla markaana waxa ay gubeen gaadiid, iyaga oo ka jawaabaya dilka hoggaamiyahooda Nemesio Oseguera Cervantes, oo loo yaqaannay "El Mencho", intii lagu jiray hawlgal uu fuliyay ciidanka.

Ugu yaraan 25 askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka ayaa lagu dilay muddo 24 saacadood gudahood ah.

Guadalajara, oo ah caasimadda gobolka Jalisco islamarkaana hoy u ah in ka badan hal milyan oo qof, ayaa loo qorsheeyay inay martigeliso afar kulan oo tartanka xagaagan ah. Shan kale ayaa lagu qaban doonaa Magaalada Mexico, afar kalena Monterrey.

"Guud ahaan, kooxaha maandooriyahu waxay dan dhaqaale ayay ka leeyihiin in Koobka Adduunku uu u dhaco si nabad ah," ayuu yidhi Dr Eskauriatza. Waxaana uu intaas ku daray

"Haa, waxay laaluushaan siyaasiyiinta iyo booliska maxalliga ah, balse sidoo kale waxay iibsadaan maqaayado oo huteello ayey leeyihiin. Waxay qayb ka yihiin nidaamka dhaqaale.

BBC Sport ayaa la xiriirtay Fifa si ay uga hesho jawaab.

Qoraalka Muuqaalka, Watch: Vehicles set ablaze across Mexico amid violence

'Khatar soo gaadhi karta dalxiisayaasha xagaagan'

Waxaa lagu qiyaasaa in CJNG ay leedahay hanti ka badan £10 bilyan, waxayna leedahay tobannaan kun oo xubno ka ah. Tan iyo markii la aasaasay 2009, waxay masuul ka ahayd taxane dhibaatooyin ah oo ay ka mid yihiin xasuuqyo, afduubyo iyo dilalka siyaasiyiinta.

Laakiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda maandooriyaha waxay weli caan ka yihiin bulshooyinka maxalliga ah ee Mexico, maadaama ay maalgelin u sameeyaan kaabayaasha iyo adeegyada deegaanka.

Dowladda Maraykanka ayaa dadka Maraykanka ee ku sugan Jalisco ku talisay inay gudaha guryahooda ku sugnaadaan ilaa ogeysiis dambe, halka dalka Canada, oo sidoo kale martigelinaysa Koobka Adduunkau ay joojisay duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Puerto Vallarta.

Qoraalka Muuqaalka, Mexico

'Saamaynta ay ku yeelan karaan Koobka Adduunka'

Qorshaha amniga ee Koobka Adduunka ayaa indhawaale ahaa mid si dhow isha loogu hayo sababtoo ah howlgallada saraakiisha ImmiLaanta socdaalka Maraykanka (ICE) ee loo diray magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka oo ah howlgallo uu amray Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ilaa hadda keenay in laba muwaadin oo Maraykan ah lagu dilay magaalooyinkaas.

Bishii hore, Taageerayaasha Kubadda Cagta ee Yurub ayaa sheegay inay "aad uga walaacsan yihiin sii socoshada hawlgalladaasi ee ciidamada booliiska ee Maraykanka."

Hadda indhuhu waxay ku jeedaan Mexico iyo su'aasha ah in ay augi karto ammaanka taageerayaasha safarka ah.

Afar kulan oo kubadda cagta ah oo ay laba yihiin horyaalka sare iyo laba heerka labaad ayaa dib loo dhigay Axaddii sababo la xiriira rabshadaha.

Dab-damis

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cartel members set alight transport infrastructure as well as banks, pharmacies and other local businesses

Sannadkii la soo dhaafay, Mexico waxaa saaranaa cadaadis siyaasadeed oo kordhay si tallaabo looga qaado kooxaha maandooriyaha.

"Jawaabtan ma aha mid gaar ah balse waa mid aad u culus oo baaxad weyn leh," ayuu yiri Jon Benjamin, safiirka Ingiriiska ee Mexico intii u dhaxaysay 2021 iyo 2024.

"Madaxweyne Trump ayaa kooxaha maandooriyaha u aqoonsaday ururro argagixiso, Mexico-na hore waxay u gudbisay tiro ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxahaas. Arrinta Trump waxay muhiimad weyn ku leedahay waxa hadda dhacaya."