Maxay tahay magaalada Elon Musk ee 'iskeed isku maamusha', taas oo uu qorsheynayo in uu ka dhiso dayaxa?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

'Magaalo iskeed isku maamusho oo dayaxa laga dul dhiso ayaa la filayaa in muddo ka yar 10 sano laga sameeyo sida uu sheegay Elon Musk.

Madaxa shirkadaha X, Tesla iyo SpaceX, isla markaana ah qofka ugu taajirsan dunida ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X oo la aqriyay in ka badan 40 milyan oo jeer ku sheegay in SpaceX ay diiradda saartay in ay dayaxa dushiisa magaalo ka dhisto halkii markii hore qorshahu ahaa in ay ka dhisto xidigga Mars.

Laakiin maxaa keenay in Musk beddelo fikirkiisa? Maxaase laga ogyahay magaaladan "iskeed isku maamuleysa" ee laga dhisayo dayaxa?

Dayaxa ama Mars

Ma jiro weli qorshe rasmi ah oo faahfaahsan oo leh naqshado dhisme oo dhammaystiran oo ku saabsan magaaladan, balse waa aragti uu Musk dadka kula wadaagay bartiisa X.

Wuxuu sheegay in la dhisi doono deegaan si tartiib tartiib ah u ballaaran kara iyadoo la adeegsanayo khayraadka dayaxa.

Qoraalkiisa ayuu Musk ku sheegay in tani lagu gaari karo "wax ka yar 10 sano, halka Mars ay qaadaneyso 20 sano ama wax ka badan".

Musk wuxuu sheegay in safar loo aadi karo oo kaliya Mars marka "meerayaashu is-waafaqaan 26-kii biloodba mar.

"Tani waxay ka dhigan tahay in aan si ka dhakhso badan ku dhameyn karno dhismaha magaalo laga sameeyo dayaxa marka loo eego magaalo laga dhiso Mars ah."

Si kastaba ha ahaatee, SpaceX wuxuu weli hiigsanaysaa dhisidda magaalo ku taalla Mars, wuxuuna ku qoray X in ay "bilaabi doonaan arrintaas shan ilaa toddoba sano gudahood".

Taageerayaasha Musk ayaa si degdeg ah u sameeyey una wadaagay sawirro iyo naqshado muujinaya sida ay u ekaan karto magaalo dayaxa ku taal, qaarna waxay adeegsadeen AI in ay ku sameeyaan magaalada laga dhisayo dayaxa.

Isbeddelkan wuxuu ka duwan yahay qorshihii Musk ee Mars. Sanadkii hore ayuu sheegay in shirkaddu qorshaynayso in ay dirto dayaxgacmeed tagaya Mars ah oo aan dad wadin dhammaadka sanadkan 2026.

Elon Musk oo ka hadlay SpaceX

Xigashada Sawirka, Reuters

Sida loo hirgelin karo

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dr Sungwoo Lim, oo bare sare ka ah jaamacad ku taal UK kuna takhasusay adeegsiga iyo sahaminta hawada sare, ayaa ku tilmaamay qorshaha SpaceX ee deegaan looga sameynayo dayaxa mid "la rajeyn karo", oo aan ahayn "khayaali".

"Fikradda aasaasiga ah waxay tahay isticmaalka ciidda dayaxa si loo soo saaro oksijiin, biyo iyo qalab dhisme, taasna waxaa lagu gaari karaa habab warshadeedka ee aynu hore ugu adeegsanay dhulka. Aragti ahaan waa suurtagal," ayuu yiri Dr Sungwoo Lim.

Caqabadda ayuu sheegay in ay tahay sidii loo hubin lahaa nidaamyadaasi in ay si kalsooni leh uga shaqayn karaan jawiga adag ee dayaxa sida heerkul aadka u daran, cufis-jiid hooseeya iyo tamarta xaddidan.

Haddii nidaamka gantaalladeeda cusub ee dira dayaxgacmedka uu u shaqeeyo sidii la qorsheeyey, waxay si joogto ah oo jaban qalab ugu diri karaan dayaxa, taas oo dedejin karta horumarka.

Dr Ugur Guven, oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka Hawada Sare iyo Tamarta ee jaamacad ku taal Hindiya, ayaa sheegay in Dayaxu leeyahay faa'iido weyn marka la eego deegaameynta dadka, sahay degdeg ah iyo gurmad fudud.

"Haddii wax qaldamaan, si fudud ayaad u diri kartaa hawlgal kale isla markiiba," ayuu yiri, isaga oo xusay in safarka dhulka ilaa dayaxa uu qaato laba ilaa saddex maalmood.

Si kastaba ha ahaate, Dr Lim wuxuu sheegay in "magaalo laga dhiso dayax oo isku filan" in ay weli tahay wax la rajeeyo mustaqbalka.

Dr Lim wuxuu rumaysan yahay in ay "macquul tahay" in saldhig yar oo dayaxa ku yaalla uu 10 sano gudahood bilaabi karo soo saaridda oksijiin u gaar ah, iyo biyo. "Taasi waxay noqoneysaa horumar weyn," ayuu yiri.

Khabiir hore uga tirsanaa NASA ayaa isna sheegay in hadda la maareyn karo sahayda saldhig dayaxa ku yaal haddii shirkadaha sida SpaceX iyo Blue Origin ay si guul leh u horumariyaan gaadiidka ku dega dayaxa.

Si kastaba ha ahaatee, waayo-aragnimada laga helayo dhisidda deegaan laga sameeyo dayax oo waara ayaa mustaqbalka loo adeegsan karaa saldhig laga sameeyo Mars.

Tartanka hawada sare ee dayaxa

Xigashada Sawirka, Reuters

Tartanka sii kordhaya

Hadallada Musk waxay imanayaan xilli Maraykanku wajahayo tartan sii kordhaya oo kaga imanaya Shiinaha si bani'aadamka u dego dayaxa tobanka sano ee soo socda. Qofna cag ma saarin dusha dayaxa tan iyo hawlgalkii Apollo ee NASA sanadkii 1972.

Musk ayaa dhawaan sheegay in SpaceX uu la wareegay shirkad AI ah oo uu isagu hoggaamiyo.

Musk oo ah saamileyda ugu weyn ee SpaceX ayaa dib u habayn ku samaynaya ganacsiyadiisa isaga oo isu diyaarinaya suurtagalnimada in SpaceX lagu daro suuqa saamiyada. Marka lagu daro liiska suuqa saamiyada waxa uu helayaa ilaa $50 bilyan.

Bishii hore, Musk wuxuu shaaciyey qorshe hawada sare loogu dhisayo hal milyan oo ah xarumo lagu keydiyo xogta si loo daboolo baahida sii kordhaysa ee garaadka macmalka (AI).

Khubarada qaar ayaa ka shakisan arrintan, iyaga oo ka hadlay caqabadda ka dhalan kara qaboojinta qalabka kombayuutarada ee doorka weyn ku leh hawlaha AI-da, maadaama hawada sare aanay lahayn qabowga qalabkaas u baahan yahay.

SpaceX waa qandaraaslaha muhiim u ah NASA, kaas oo u qaabilsan in uu hawada u geeyo cirbixiyeenada kana keeno.