Muhiimadda ay leedahay in hore loo sii diyaariyo Afurka iyo Saxuurta

Dr. Saliha Mahmood-Ahmed
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Diyaargarowga waa furaha in si wanaagsan loo cuno xilliyada suxuurta iyo afurka inta lagu jiro bishan barakeysan ee Ramadan ayey tiri Dr Saliha Mahmood-Ahmed.

Dr. Saliha Mahmood-Ahmed waa dhakhtar ka shaqeysa hay'ada caafimaadka UK ee NHS loo yaqaan iyo khabiir cunto karin hore. Inta badan waa mashquul, waxayna taasi ka dhigeysaa in aanay awoodin in ay saacado badan ku qaadato maalin kasta diyaarinta cunto.

"Waxaan ka tirsanahay jiil cusub oo hooyooyin ah. Waxaan ku soo koray cunno si tartiib ah loo kariyo iyo suxuur lagu bixiyo dadaal badan inta lagu jiro bisha Ramadaan, balse hadda mashquul ayaan ahay".

Waxaan halkan idinkula wadaageynaa talooyinka Dr. Saliha ee la xiriira sida degdeg loogu diyaariyo cuntooyin nafaqo leh inta lagu jiro Ramadaanka.

"Dhabtii ramadaanku waa bil bulsho. Inta badan waxaad la afurtaa qoyska iyo asxaabt, sidaas darteed in falanjeerka aad cunto ka buuxiso waa mid aad faa'iido u leh.

Howsha fududee

"Hababka fudud ee caadiga ah waa muhiim," ayay tiri Dr. Saliha. "Cuntooyinka 20-ka daqiiqo lagu kariyo aad bay kuu caawin doonaan.

"Wax dhib ah kuma jiraan in aad isticmaasho khudaar la jarjaray ama falanjeerka lagu keydiyay. Sidoo kale isticmaalka digir ama misir qasacadaysan halkii aad ka isticmaali lahayd kuwa qalalan, waxay kuu badbaadineysa saacado badan."

Diyaarinta fudud waxay si gaar ah kuu caawinaysaa marka ay timaado suxuurta maadama ay ka duwan tahay afaruka. "Suxuurtu waxay leedahay jawi ka duwan afurka. Waad soo kaceysaa, waana waqti dambe. Cuntada waqtigaas aad cunto waxay ku siineysaa awood tamareed maalintii oo dhan.

"Sidaa darteed, haddii aad cuntada diyaarsato hal maalin ka hor waxay kuu fududaanaysaa howsha.

"Mashaarida waxaan diyaariyaa marka aan dhammeeyo dhaqidda weelasha kaddib afurka. Waxaan si degdeg ah ugu daraa caanaha, lowska iyo dhadhanka aan rabo, markaasna wax walba waa diyaar subaxdii."

Dr. Saliha Mahmood-Ahmed

Maxay Dr. Saliha ku afarutaa?

"Haddii aan dib u eego waxa aan cuno afurka, waa cuntooyin fudud, nafaqo leh oo buuxiya caloosha, isla markaana dhadhan fiican leh. Waxaan ku afurnaa timir. Waxaan jecelahay in aan ku daro kareem iyo lows."

Dr. Saliha Mahmood-Ahmed
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Kadib waxaan cunnaa qudaar iyo mira laga cuno Koonfurt Aasiya oo la yiraahdo 'fruit chaat', oo ka kooban saddex ama afar nooc oo miro ah oo lagu daro xawaash. Labaduba waa sahlan yihiin in la diyaariyo.

"Markan tukado salaadda maqribka kaddib, waxaan cunaa cuntada culus. Tusaale ahaan, caano la fariisyay oo leh misir, khudaar la dubay, iyo digaag la dubay oo leh xawaash khafiif ah. Waxaan isticmaalaa wax kasta oo ka mid ah cuntooyinka aan caadiyan kariyo marka aan shaqada ka imaado."

"Bariiska iyo badarka kale waa muhiim inta lagu jiro bisha Ramadaanka sababtoo ah waa wax fiican. Haddii aad si fudud u kariso waxaad helaysaa dhadhan fiican, isla markaana waqti badan ma qaadato.

"Had iyo jeer waxaa miiska la saara saxan qudaar ah oo ay ku jiraan yaanyo iyo qajaarka biyaha badan leh".

"Aniga iyo ninkayga waxaan cunnaa waxyaabo fudud oo aan hore u sameeyay oo ka kooban khudaar qalalan sida abrikot, timir qalalan iyo lows, kadibna lagu duubay qumbaha.

Marka la gaaro Ciidda…

Ciida waqti badan ayaa jikada guriga lag ujiraa si aad u diyaariso cunto maalintaas lagu ciido ayey tiri Dr. Saliha.

"Haddii aan ka fikiro cuntooyinka ciidda ee aan jecelahay, waxaa ka mid ah hilib lagu kariyay xawaash, toon iyo yogurt, kadibna si tartiib ah loo dubo ilaa ay aad u jilco. Waxaa lagu cunaa baradho duban iyo bariis leh karootada macaan"

Dr. Saliha Mahmood-Ahmed

"Waxaan u maleynayaa in cuntooyinka ciidda ay yihiin kuwo ka tarjumaya hidaha iyo dhaqankaaga. Macmacaanka aan jeclahay waa 'doolshaha iyo xalwada'. Waxaan ka sameeyaa macmacaankaas karootada. Waxaa ku jira dhadhanka qorfaha. Marka la dubo, waxaa lagu daraa lakabyo kareem ah".

"Tani waxay i xusuusineysa dhaqamada iyo cuntooyinka aan ku soo koray, isla markaana waxay muujinaysaa sida jikada casriga ah iyo rabitaanka cuntada maanta ay yihiin."

Dr. Saliha waxay sidoo kale karisaa cunto dhaqameed kuwaas oo loogu talogalay maalmaha ciidda

"Cuntada ciidda waa mid munaasabadeed, balse anigu waxaan ku buuxiyaa kareem iyo shukulaato."