Waa kuma "El Mencho", hogaamiyaha daroogada ee aadka loo raadinayey, dilkiisana uu rabshado waaweyn dhaliyey

.

Xigashada Sawirka, US State Dept

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Nemesio Oseguera Cervantes oo ka ganacsan jiray maandooriyaha una dhashay dalka Mexico ayaa Axadii lagu dilay howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen degmada Tapalpa oo 130 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Guadalajara ee caasimadda Jalisco, kaasoo sababay iska horimaad hubeysan oo ka dhacay gobolkaasi.

Ninkan oo ku magac dheer "El Mencho," ahna 59 jir, wuxuu ahaa hogaamiyaha ugu sareeya ee Jalisco New Generation Cartel (CJNG), oo ah mid ka mid ah ururada dambiilayaasha ee ugu rabshadaha badan uguna baahsan Mexico, kaas oo ay dawladda Maraykanku u aqoonsatay urur argagixiso horraantii sannadkii hore.

Oseguera Cervantes wuxuu ahaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha ku caan baxay ka ganacsiga daroogada ee sida aadka ah loo doondoonayay ee nidaamka cadaalada ee Mexico iyo Maraykanka.

Hay'adda la dagaallanka maandooriyaha ee Maraykanka (DEA) ayaa "El Mencho" ku daray liiska dadka aadka loo doondoonayo sanadkii 2020. Tan iyo markaas, waxa ay abaal-marin lacageed oo dhan 15 milyan oo dollar ku yaboohday ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto.

Waxayna dowladda hadda jirta ee Donald Trump ay CJNG-da ku dartay liiska ururada argagixisada ee ay doonayso in ay kula dagaalanto qaaradda Ameerika.

Ku daritaanka ayaa wax ka beddelay qaabka ay askarta Ameerikaanku u diyariyaan kiisaska ka dhanka ah kooxaha daroogada, sababtoo ah waxaa laga doonayaa inay u qiil sameeyaan in ay khatar ku yihiin qof muwadin Maraykan ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Soo if-bixiisii hogaanka

Ka dib markii la xiray loona gacan galiyey Maraykanka Mareykanka Joaquín "El Chapo" Guzmán ee 2017, ayaa bartilmaameedka weyn ee xiga ee ciidamada ka hortagga mukhaadaraadka Mexico wuxuu ahaa Oseguera Cervantes.

Sidoo kale waxaa loo yaqaan Nemesio Oseguera Ramos ama Rubén Oseguera Cervantes, oo leh magacyo dhowr ah, sida "El Mencho" ama "diiqa diiqyada", waxaa la og yahay inuu ku dhashay aagga loo yaqaan dhulka Caliente ee gobolka Michoacán, meel loo badinayo Uruapan ama Aguililla.

Wuxuu u haajiray Maraykanka sannadihii 1980-aadkii. California dhowr jeer ayaa lagu xiray dambiyo fudud, balse horraantii 1990-meeyadii wuxuu ku lug yeeshay ka ganacsiga daroogada, taasoo keentay in la masaafuriyo.

Markii uu ku soo laabtay Mexico, wuxuu ku biiray ciidamada booliska ee degmo ku taal Jalisco, ka dibna wuxuu doortay inuu ku lug yeesho xayndaabka ilaalinta ganacsadaha daroogada ee Armando Valencia Cornelio, "El Maradona", oo ah madaxa kooxda Valencia (ama Milenio).

Kooxdu waxay isbahaysi la lahayd Sinaloa kooxda, laakiin labada urur waxay kala tageen 2010 ka dib dhimashadii mid ka mid ah aasaasayaasha, Ignacio "Nacho" Coronel. Isaga oo weheliya seedigiis, Abigael González Valencia, "El Cuini," wuxuu dhaxlay qayb ka mid ah qaab-dhismeedkeeda.

Laga bilaabo wakhtigaas, CJNG ayaa dhalatay. "El Mencho" xirfaddiisa dembiilenimadana waa la dardargeliyay.

.

Xigashada Sawirka, SFPD

Fiditaankii CJNG

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

CJNG waxay ka tagtay ahaanshiyaha burcad maxalli ah ee gobolada Jalisco iyo Colima waxayna u gudubtay urur ku sugan in ka badan kala bar dhulka Mexico.

Ganacsigoodii ugu weynaa wuxuu diiradda saaray suuqa sharci-darrada ah ee maaddada amphetamine-ka ee Mareykanka iyo Yurub, laakiin xiriirka ka ganacsiga daroogada ee Aasiya ayaa sidoo kale la ogaaday.

Waxaa jira dhowr sababood oo ka dambeeya koboca degdegga ah ee CJNG.

Mid ka mid ah arrimahan ayaa ahaa qabashada qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn ee kooxah iska soo horjeeda, taas oo keentay in ay ku kala qaybsamaan xaaladaha qaarkood sida gobolka Michoacán. CJNG-du waxay buuxisay daldalooladii suuqa ka jiray ee ay ka tageen kooxaha ay xafiiltamaan.

Arrin kale oo muhiim ah ayaa ah in CJNG ay shaqaaleysiisay khubaro dhanka maaliyadda iyo kimistariga ah kuwaas oo naqshadeeya isku dhafka cusub si ay u soo saaraan ee dawooyinka la isku daray.

Rabshadaha kooxaha ayaa ahaa arrin kale oo muhiim ah. Mas'uuliyiintu waxay u aqoonsadeen "El Mencho" tobankii sano ee la soo dhaafay inuu yahay shakhsi aad khatar u ah oo haysta hub xoog leh. Qaar ka mid ah khubarada mowduuca ku takhasusay ayaa sheegaya in Oseguera Cervantes uu si sax ah ugu soo baxay xukunka isagoo "jabiyey" kooxaha isaga soo horjeeda.

.

Xigashada Sawirka, DEA

Danaha CJNG iyo hogaamiyaheeda kuma koobna ka ganacsiga daroogada. Waxay ka faa'iidaysteen kobaca dhaqaalaha ee xoolaha, beeraha, iyo dhismaha Jalisco si ay ganacsiyo uga abuuraan qaybahaas oo ay u adeegsadaan lacag dhaqidda maandooriyaha.

CJNG waxay sidoo kale isaga soocday saamaynta musuqmaasuqa ee ay ku leedahay maamulada maxalliga ah iyo saraakiisha kastamka. Tani waxay fududaysay gelitaanka kiimikooyinka horudhaca ah, ama alaabta ceeriin, ee loo isticmaalo in lagu soo saaro dawooyinka ee dekedaha Manzanillo, ee Colima, iyo Lázaro Cárdenas, ee Michoacán sida ay qabaan khubarada ka ganacsiga daroogada. Labadaba waxay ku yaallaan xeebta galbeed ee Mexico.

Mid kale oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha ay ka helaan ayaa ah baadda ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee galbeedka Mexico.

Si kastaba ha ahaatee, warar aan la xaqiijin oo ku saabsan caafimaadkiisa ayaa soo shaac baxay sanadkii 2022. Xitaa waxaa la sheegay in dhowr jeer uu dhintay, taasoo aysan mas'uuliyiintu xaqiijin.

Khubarada ayaa tilmaamaya in "El Mencho" ay u badan tahay inuusan si toos ah u maamulin hawlgallada CJNG.

Mid ka mid ah wiilashiisa, Rubén Oseguera González, oo loo tixgaliyo inuu yahay hogaamiyaha labaad ee kooxda, ayaa 2020 laga soo celiyay Mexico oo loo gacan geliyay Mareykanka, taasoo lagu tilmaamay mid ka mid ah dharbaaxooyinkii ugu adkaa ee ka dhanka ahaa ururka ilaa laga dilay Oseguera Cervantes oo ay ciidamadu dileen Axaddii.