"Waxaan siddeed bilood ku qaatay la shaqeynta koox daroogada ka ganacsata"

A graphic showing cocaine, bullets and the world "cartel"

Xigashada Sawirka, BBC Three/ISTOCK

Eduardo oo 28 jir ah

Haddii aan runta sheego, waan ogaa cidda aan u shaqeynayay markii ugu horreysay ee aan arkay badrooniyaasheyda oo xafiiska la keenayo iyagoo sida xirmooyiin lacag ah oo badan.

Waxay ahayd maalin walba, abbaaro 3pm, illaa 10 qof ayaa imaanayay iyagoo sida lacag malaayiin ah. Gabar shaqaalaha ka mid ah ayaana lacagtaas bankiga geyn jirtay.

Cidna wax su`aalo ah ma weydiin jirin.

Xilligaas waxaan xaqiiqsaday in cabsideyda ay run tahay - waxaan u shaqeynayay koox daroogada ka ganacsata.

Mar walba wax baan ka ogaa kooxda ka ganacsata daroogada, xitaa markii aan yaraa.

Inaan ku soo koray Mexico, khatarta ay leeyihiin kooxdan maafiyada oo kale ah.

Inta badan, suuragal ayay ahayd in la daboolo wararka maalin walba laga sheego dilalka, balse markii, ugu dambeyn ay nolosheyda saameyn ku yeelatay, waxaan ka walwalay inaanan awoodi doonin inaan baxsado.

Waxaan ku soo koray meel dadku ay is wada garanayaan warkuna uu aad u faafo.

Dagaalka daroogada

Waxaan ka fahansanahay khatarta kooxdaas waxay sii badatay markii aan 15 jirka ahaa.

Waxay ahayd sanadkii 2006, iyo markii uu madaxweynaha cusub, Felipe Calderon, uu talada qabtay. Wuxuu wacad ku maray inuu Mexico ku soo celin doono "sharciga iyo kala dambeynta" isagoo ku baaqay dagaal weyn oo ka dhan ah ka ganacsiga mukhaadaraadka ee dalkaas.

Waxaan xusuustaa isagoo ay ka go`an tahay inuu la dagaallamo kooxda, isla markaana u diraya milatari. Wuxuu dalka hoggaaminayay tan iyo sannadkii 2012kii, balse dagaalku wuu sii socday marka uu xukunka ka degay kaddib.

Tan iyo sannadkii 2006, in ka badan 200,000 oo qof ayaa ku dhintay amaba lagu waayay Mexico, sababo la xiriira dagaalka ka dhanka ah daroogada.

Kooxda ayaa bilowday inay kooxo yaryar isku qaybiyaan, iyagoo aadaya deegaannadii hore ee ay ku xoogganaayeen.

Taariikh ahaan, inta badan waqooyiga Mexico waxaa xukumi jiray kooxda Sinaloa - oo ay hoggaamin jireen El Chapo iyo Los Zetas oo ah koox ka aasaasantay ciidan gadooday.

Deegaannadaas ayaa is beddelay isla markaana kala googo`ay iyadoo ay soo baxeen kooxo cusub oo daroogada ka ganacsada.

Graphic showing two AK-47s firing cocaine with the Mexican coat of arms in the background

Xigashada Sawirka, BBC Three/ISTOCK

Waxay ku dagaallami jireen qoryaha AK-47, bartamaha magaalada - weligey ma arag wax noocaas oo kale.

Dadka waa la dili jiray waxaana meydadkooda lagu tuuri jiray waddada dhexdeeda. Waxaan xusuustaa aniga oo yar, oo lugeynaya waddada dhexdeeda inaan maqlay dhawaqa rasaasta.

Ma arag xilligaa qofka la dilayo, balse waxaan arkay meydka oo waddada dhex yaalla.

Markii ugu horreysay ee aan arkay, aad ayaan u cabsaday, aad baan u argagaxay - balse, nasiib darro, waxay noqotay wax iska caadi ah.

Hadda waan la yaabaa, marka aan dib u xusuusto waxyaabaha naxdinta leh ee nolosheenna qaybt ka ahaa.a

Dadka qaarkood oo aan garanayay waxay noqdeen kuwo ka baqa inay sameystaan xarumo ganacsi, sababtoo ah xubno ka tirsan kooxda ayaa laga yaabaa inay ka boobaan wixii ay shaqeystaan.

Haddii ay ku arkaan inaad ganacsi leedahay, sida dukaan, way kuu imaanayaan waxayn ku weydiisanayaan inaad saami ka siiso si ay kuu nabad geliyaan - haddii aan si kale u dhoho, "lacagtaada isii haddii kale waan ku dilayaa".

Khataraha

Waxaan kooxda arkay mar aan aaday meel aan saaxibbadey kula caweynayay aniga oo da`yar.

Wuxuu ahaa wiil cayilan oo katiinado badan oo dahab ah ay u xiran yihiin isla markaana ay ku hareereysan yihiin haween qurux badan, waxaana is weydiiyay waxa gaarka ku ahaa wiilkaas ee lagu raaci karo.

Mid ka mid ah wiilasha dhinaciisa joogay ayaa ii hanjabay. Wuxuu igu eedeeyay inaan cabitaan ka qaatay miiska badrooniga, wuxuuna ii sheegay inuusan dooneyn inuu mar kale i arko. Waan baqay - Waan ka cararay goobtii iyadoo wadnahaygu uu boodboodayo.

Markii aan yaraa, waxaan jeclaa inaan barto cilmiga taariikhda, sababtoo ah waxaan jeclaa taariikhihii hore - waxaan u maleynayaa inay igu dhiirrigeliyeen aflaanta Hindiga. Balse marka ay timaaddo inaan xirfad doorto, waxaan jecleystay wax aan is leeyahay lacag badan baad ku heli kartaa - waa suuq-geynta.

Mid ka mid ah saaxiibbadey ayaa shaqo iiga soo helay wargeys ka soo bixi jiray gudaha dalka, muddo gaaban gudaheedna magac ayaan yeeshay.

A graphic showing a restaurant

Xigashada Sawirka, BBC Three/ISTOCK

Kaddib qof u shaqeynayay hay`ad weyn oo macaamiisha ay ka mid ahaayeen maqaayado iyo baarar ay leeyihiin kooxda daroogada ka ganacsata, ayaa i weydiiyay haddii aan daneynayo shaqo aan joogto ahayn.

Kooxda waxay iska dhigayeen kuwo ganacsigoodu uu caadi yahay si ay u qariyaan lacagta ay ka sameeyaan howlaha sharci-darrada ah. Markii aan ogaaday lacagta la i siinayo (oo u dhigantay $1,300 muddo labo maalmood gudahood), ma dhihi karin maya.

Taasi waxay ahayd ku dhowaa 25,000 lacagta Mexico ah - lacagta ugu yar ee Mexico la qaato waa 102peso maalintii.

Lacagta ayaa hammi i gelisay.

Waxaan ahaa 21 jir, waxaana bilaabay inaan is muujiyo, si aan ugu noolaado sida fannaan caa ah, iyo inaan la caweeyo saaxiibbadey aniga oo u soo iibinaya khamri badan. Laakiin kama guurin gurigii waaliddiinteyda.

Ma dooneyn inaan aad isu muujiyo si aysan dadku u bilaabin inay su`aal i weydiiyaan.

Waxaan xilligaas billaabay inaan ka shakiyo dadkii aan u shaqeynayay inay kooxda ka tirsan yihiin balse ma aanan dareemin inaan qayb ka ahay, keliya waxaan ka caawinayay waxay ahayd inaan u xayeysiiyo baararka iyo maqaayadahooda.

Xaraga iyo lebiska

Waaliddiinteyda waxay walaac ka muujiyeen isbeddelka nolosheyda iyo waxa ay yihiin dadka aan u shaqeynayay.

Waxay ii sheegeen inaan taxaddar muujiyo, bilowgii hore xaaladdu way fiicneyd. Lama aan kulmin qof kooxda ka tirsan, shaqadeyda oo keliya ayaan qabsan jiray lacagteydana waa qaadan jiray.

Toddobaadyo yar kaddib, mid ka mid ah badrooniyaasheyda ayaa xafiiska yimid. Waxaan markiiba dareemay inaysan xaaladdu caadi ahayn, isla markaana aanan aamini karin.

Tin ilaa cirib, wuxuu ku lebisnaa dhar qaali ah wuxuuna ka soo degay gaari weyn…dadkan waxay jecel yihiin inay is muujiyaan - dadka qaar waxay u maleynayaan inay yihiin dad ku takhasusay farshaxanka dharka. Markii la xirixiray xubno kooxda ka tirsan oo ku lebisnaa shaatiga polo, sannadkii 2010, qof walba wuxuu doonayay shaatigaas. Waxaa xitaa jirta in halkudhigga #narcofashion lagu wadaagayo barta Instagram.

Wuxuu i weydiiyay haddii aan doonayo shaqo intaas ka badan, iyo lacag badan. Wuxuu sheegay in bandhig loo qabanayo fannaaniinta corrido ee dalkaas, wuxuuna doonayay inaan suuq-geynta ka caawiyo.

Mararka qaar, kooxahan daroogada ka ganacsada waxay fannaaniintaas ka codsadaan inay u sameeyaan heeso ayaga ku saabsan, si ay caan u noqdaan. Qaybo ka tirsan Mexico, waa mamnuuc in la qaado heeso ku saabsan kuwa daroogada ka ganacsada.

Waxay taageeraan falalka dadka ka ganacsada maandooriyaha ee dunida - waxaa jirta hees dhahaysa, "Haddii aad haysato AK-47 iyo bazooka ujeeddo leh, oo madaxa ka jaraya qof walba oo waddadaada soo gala".

Waa khatar, sidoo kale - fannaaniinta waxaa dila kooxo mucaarad ah oo ku eedeeya inay u heeseen qof aanan istaahilin.

A graphic showing two AK-47s, a sombrero, two guitars and two accordions.

Xigashada Sawirka, BBC Three/ISPORT

Markaas, ma ogeyn sida bandhigyada heesahaas ay u noqon karaan kuwo aad ugu lug leh kooxda.

Waxay ku hoydeen beero gudahood waxaana joogay ilaa 30,000 oo qof. Waxaan bilaabay inaan bandhigyadaas aado, waxaana joogay rag aad u hubeysan oo meesha ilaalinayay.

Ma aanan dareemin ammaan - waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan ka baqo inaan dhinto, sababtoo ah, ma ogid xilliga in koox mucaarad ah oo daroogada ka ganacsata ay imaanayaan dagaalna uu billaaban doono, ama haddii uu boolis imaanayo meesha.

Aarrimahaas midkoodna ma dhicin, balse sida aan ka arkay wararka TV-yada waxaan ogaa inuu dhici karo dagaal ka dhex qarxo kooxaha daroogada ka ganacsada.

Balse, la yaab ku hayd, inaan sidoo kale dareemay inaan meel ammaan ah joogo, marka la eego sida uu u sugnaa amniga. Sidoo kale, marka dhanka kale laga eego, in lala socdo ragga kooxdaas ka tirsan waxay ahayd wax la isku madadaaliyo - haddii aan isku dayo inaan illaabo waxay dhab ahaan yihiin.

Waxaan mar bilaabay inaan qabto bandhigyada, waxay aniga iyo saaxiibbadey na geyn jireen meelo qaali ah oo laga cunteeyo. Balse waxaa mar walba ogaa in mid ka mid ah iyaga uu i toogan karo haddii uu doono.

Lacag aan nadiif ahayn

Sax ahaanta inaan u shaqeeyo dadkaas ayaa mar walba ku soo laalaabaneysay maskaxdeyda. Mar walba oo aan u bato dhanka kooxda, waxaan rumeysnaa inay ku lug leeyihiin ka ganacsiga daroogada.

Ikastoo aanan sameyn jirin waxa xun, sida qaadidda daroogada amaba dilka dadka - mana arkin sidoo kale iyaga oo waxaas sameynaya - Waxaan weli ogaa inay ka dhacayeen meelo kale.

Kama aanan tirsaneyn koox dembiile ah, balse weli waan ku lug lahaa, waxaan qaadan jiray lacagtooda, waxay u muuqatay wax xun.

Markan waxaan inta badan aadayay xafiiska, waana xilligii aan arkay rag la imaanaya xirmooyin lacag ah. Badroonigeyga ayaa sidoo kale i geeyay guryo waaweyn oo uu ka dhisanayay buuraha dhexdooda.

Waxaan arkay badroonigiisa, badrooniga weyn, dhowr jeer. Gurigiisa wuu ka qariyay waxyaabaha uu ku lugta lahaa, wuxuuna ka hadli jiray dhanka ganacsiga. Waxaa guriga u joogay shabeel iyo xaas qurux badan.

Graphic of a jaguar and some chains

Xigashada Sawirka, BBC Three/ISTOCK

Waxaan badroonigeyga si toos ah u weydiiyay: "Ma waxaad qayb ka tahay kooxda daroogada ka ganacsata?"

Ima uusan siin jawaab cad.

"Ma waxaad dooneysaa inaad wax badan ogaato, ama waxaad iska dhigeysaa inaadan waxba ogeyn?" ayuu i weydiiyay.

Meelaha aan eeg eegay, aniga oo ka fekeraya xaaladda aan ku dhex jiray.

Waxaan iri, "Aaan iska yeelyeelno".

Ma jirin miyaa meel looga baxo?

Waxaan sii waday inaan aado bandhigyada beeraha lagu qaban jiray balse waxaan sii noqonayay qof aanan ku faraxsaneyn. Ma dooneyn inaan sii wado balse waxaan ka baqayay in ka bixitaanka aan khatar kala kulmo.

Waxaan bilaabay inaan ka fogaado saaxiibbadey aan suuq-geynta iskula jirnay. Ma dareemin in la jirka raggaasaa ku badbaadayo - waan ogaa taas, haddii aan mar qura weligey ugu yeeray inay i caawiyaan, abaal baan weligey u heyn lahaa.

Waxaa taas sii dheer, ma ihi qof si fudud dhibaato ugu dhaca, xaaladda ayaa igu sii cuslaaneysay. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa i soo wacay badroonigeyga.

"Ma dooneysaa inaad weli nala sii shaqeyso?" ayuu i weydiiyay.

Si xooggan ayaan u neefsaday, waxaana go`aansaday inaan runta sheego. "Marka aan daacad u hadlo, maya, ma doonayo," ayaan iri.

"Haye, nasiib wacan," ayuu iigu jawaabay.

Waxaa u sheegay inaan xafiiska aadayo si aan u soo qaato kumbiyuutarkeyga iyo kaamiradii aan sawirrada ku qaadi jiray. Wuu yara aamusay. "Haye," ayuu mar kale yiri. "Nasiib waca."

Waxaan bilaabay inaan walaaco. "Maxaad ula jeeddaa? aniga ayaa iska leh," ayaan weydiiyay.

"Hagaag, xafiiskeyga ayay yaallaan," ayuu iigu jawaabay.

A graphic showing a laptop, a camera and the words "Good luck"

Xigashada Sawirka, BBC Three/ISTOCK

Waxaan dareemay inuu ii hanjabayo, iyo inay wax xun igu dhici karaan haddii aan qalabkeyga doonto. Waxaan go`aansaday inay khatar tahay inaan bax oo aan alaabteyda doonto, marka dib uma aan helin.

Qaali ayay ahaayeen, balse uma aysan qalmin inaan khatar isu geliyo.

Waxaan isaga iyo kuwii aan la shaqeynayay ka saaray baraha bulshada, bilo yar ayaana ka maqnaa magaalada.

Weli waxaan aadi jiray magaaladeyda, waxaana ka baqi jiray inaan raggaas ku arko magaalada, balse waan is qarin jiray.

Weli shaqadaas ayaan sii qaban jiray, lakaiin ma badneyn xiriirna lama lahayn kooxdaas. Guud ahaan waxaan la shaqeynayay muddo siddeed bilood ah.

Taageero malaha

Marka uu jiro weerar argagixiso,waxaad ka maqleysaa dhammaan dunida oo dhan, dadka reer Mexico waxay dareen ka muujiyaan inay taageero dhanka baraha bulshada uga diraan Paris ama London, amaba marka uu dhacay weerarka qarax ee ugu dambeeyay. Balse waxaan ka fekeraa inaynaan dalkeenna eegin.

Haddii uu halkan dil ka dhaco, waxaa la leeyahay 'Madax ayaa waddada yaalla.'

Waan jeclahay Mexico, balse waxaan u maleynayaa inay tahay wax laga murugoodo inaan dhaqan ahaan iskala qabsanay.

Laga yaabee in sheegitaanka sheekadeyda ay dadka ka caawin doonto inay ogaadaan sida ay noloshu dalkaasi ka tahay, iyo sida wax aad u xun uu u noqon karo wax iska caadi ah. Waxaan ku faraxsanahay inaanan hada dunidaas qayb ka ahayn.

*Magacyada waa la beddelay.