Somaliland oo kheyraad iyo saldhig milatari u soo bandhigtay Maraykanka

Somaliland USA

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Somaliland waxay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso macdan iyo saldhigyo milatari, sida uu wasiirka madaxtooyada Somaliland u sheegay wakaalada wararka ee AFP, iyada oo ay Somaliland raadinayso aqoonsi caalami ah.

Israa'iil ayaa noqotay dalka keliya ee adduunka ee aqoonsaday madax-bannaanida Somaliland bishii December – aqoonsigaas oo ay Somaliland raadinaysay tan iyo markii ay ku dhawaaqeen inay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya 1991-kii.

Dawladda Soomaaliya ayaa horay uga hortimid tallaabada Israa'iil, waxaana uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh "in Somaliland inay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya".

"Waxaan diyaar u nahay inaan si qaas ah u siino Mareykanka macdan. Sidoo kale, waxaan u furannahay inaan saldhigyo milateri siino Mareykanka," ayuu yiri Khadar Xuseen Cabdi, wasiirka madaxtooyada Somaliland oo la hadlayay AFP.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa hore u soo jeediyay toddobaadyadii u dambeeyay in Israa'iil la siiyo fursad ay ku hesho kheyraadkeeda macdanta.

Khadar Xuseen Cabdi waxa uu sheegay in aanu meesha ka saari karin suurtagalnimada in sidoo kale loo ogolaado Israa'iil in ay samaysato fariisimo ciidan.

Somaliland waxay dhacdaa Gacanka Cadmeed ee ka soo jeeda Yemen, halkaas oo fallaagada Xuutiyiinta ay inta badan weeraraan hantida Israa'iil si ay u muujiyaan garab istaagga Falastiiniyiinta.

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in dhulkoodu uu hodan ku yahay Lithium, Coltan iyo kheyraadka kale ee la raadiyo, inkastoo aysan jirin daraasado madax-bannaan.

Wasiir Khadar

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada JSL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ka dib aqoonsiga Israel ee Somaliland dhamaadkii bishii December, waxaa baraha bulshada buux dhaafiyay sawiro rag iyo dumarba leh oo babinaya calanka Israel oo isugu soo baxay wadooyinka magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay xadgudubkii ugu weynaa ee lagu sameeyay madax banaanida Soomaaliya, isla markaana talaabada Israa'iil ay tahay "mid khatar ku ah amniga iyo xasiloonida caalamka iyo gobolka".

Midowga Afrika iyo inta badan dalalka Carabta ayaa taageeradooda u muujiyay Soomaaliya, waxayna cambaareeyeen tallaabadaas.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iyana kulan ka yeeshay arrintaan, waxaana badankood ay cambaareeyeen tallaabada Israa'iil.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa difaacay waxa uu ku sheegay inay Israa'iil xaq u leedahay inay aqoonsato Somaliland, balse uusan isagu badalin siyaasadiisa ku aadan Somalialnd.

Inkastoo xubno ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ay u ololeeyeen aqoonsiga Somaliland, qaarkoodna ay waraqado u direen Madaxweyne Donald Trump, waxa uu uu sheegay inaysan u badnayn inuu qaadi doono tallabo la mid ah tan Israa'iil.

Dhanka kale dalal waaweyn sida Turkiga iyo Shiinaha ayaa si cad u muujiyay taageeradooda midnimada Soomaaliya, iyagoo diidan faragelin dibadeed ama aqoonsi aan ka imaan heshiis caalami ah. Labadan dal waxay ku adkeesanayaan in aqoonsiga Somaliland uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah isla markaana uu carqaladeyn karo dadaallada nabadda iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Lin Jian afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa mar uu saxaafadda la hadlayey yiri "Ma aha in dal uu ku dhiirrigeliyo ama taageero xoogagg gooni-u-goosad ah ee ka jira gudaha dalal kale, isaga oo eegaya dantiisa gaarka ah". Shiinaha ayaa u arka in aqoonsiga Somaliland uu garab siinayo Taiwan oo sheegata inay ka madax banaan tahay dhulweynaha Shiinaha.

Midowga Afrika (African Union) ayaa marar badan caddeeyay in aanu aqoonsanayn Somaliland, maadaama ururku si rasmi ah u taageersan yahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya. AU waxay ka digtay in aqoonsi hal dhinac ah uu furi karo albaab ay dalal iyo gobollo kale ku dalban karaan gooni-isu-taag, taas oo khatar ku ah nidaamka dowladnimada Afrika.