Barnaamijka AI oo cabsi ku abuuray Hollywood-ka Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Barnaamij cusub oo garaadka macamalka ah (AI) oo ay sameeysay shirkadda Shiinaha ee TikTok ayaa toddobaadkan gilgilay Hollywood. Tani ma ahan oo keliya awoodda barnaamijkaas uu leeyahay ee sidoo kale waxa ay ka dhigan tahay qaabka hal abuur ee mustaqbalka.
Barnaamijkan oo la yiraahdo "Seedance 2.0", waxaa sameeyay shirkadda tiknoolajiyada ee ByteDance, wuxuuna awood u leeyahay in uu soo saaro muuqaallo filimo tayo sare leh oo wata codad.
Muuqaallo lagu sameeyay Seedance 2 oo ay ku jiraan jilayaal caan ah sida jilaaga Spider-Man iyo kuwa kale ayaa si weyn u faafay, taasoo dhalisay hadal hayn ballaaran oo ku saabsan barnaamijkaas.
Shirkadaha waaweyn sida Disney iyo Paramount ayaa si degdeg ah ugu eedeeyay ByteDance in ay jabisay xuquuqda hal abuurka oo ay adeegsatay waxyaabo aysan laheyn xuquuqdooda.
Maxaa keenay buuqa ka dhashay barnaamijka Seedance 2?
Barnaamijka Seedance 2 markii ugu horreysay si qarsoon ayaa loo sii daayay bishii Juun 2025-kii, balse nooc labaad oo soo baxay siddeed bilood kaddib ayaa sababay buuqa hadda jira.
Jan-Wilhelm Blom oo ka tirsan istuudiyaha Videosteait ayaa yiri, "Markii ugu horreysay uma arkin in tani ay tahay muuqaal AI lagu sameeyay… waxay u egtahay sidii filim dhab ah oo toos loo sameeyay."
Jan-Wilhelm Blom wuxuu intaas ku daray in barnaamijyada muuqaalka ee fidiyowga ah ay horumar sameeyeen marka la eego sameynta iyo soo saarista sawirro qurux badan, balse Seedance 2 waxa uu u muuqdaa in uu isku darsaday dhammaan waxyaabahaas oo uu soo saaray hal shey ay ku mideysan yihiin.
Seedance 2 waxaa loo isticmaali karaa in qoraallo kooban uu ka dhigo muuqaal, mararka qaarkood hal jumlad oo keliya ayuu ka dhigi karaa muuqaal tayo sare leh.
Awoodda gaarka ah ee uu leeyahay barnaamijkan waa isku darka qoraal, sawir, iyo cod, sida ay sheegtay Margaret Mitchell oo cilmibaare ah.
Will Smith iyo tijaabada baastada

Xigashada Sawirka, Alamy
Saameynta Seedance 2 waxaa lagu cabbiray waxyaabo badan sida muuqaal Will Smith oo baasto cunaya.
Khubaro badan iyo filim- sameeyayaal ayaa aaminsan in Seedance 2 uu yahay cutub cusub oo ku soo kordhay tiknoolajiyada soo saarista muuqaalka ee AI-da lagu sameeyo.
Madaxa shirkadda Tiny Island Productions, David Cook, ayaa sheegay in muuqaalada lagu sameeyo barnaamijkan ay u egyihiin kuwa dhab ah
Ifafaalaha iyo Caqabadaha
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Seedance 2 waxaa haysta dhibaatooyin la xiriira xuquuqda hal-abuurka, waana wax inta badan barnaamijyada AI-da ay la kulmaan.
Khubarada ayaa sheegay in shirkadaha garaadka macmalka ee AI-da ay mudnaanta siiyaan tiknolojiyada iyagoo meel iska dhigay bani'aadanka, waxayna soo saareen qalab awood badan iyagoo adeegsanaya xog aysan lacag ku bixin.
Shirkadaha Hollywood ayaa si weyn uga carooday in Seedance 2 uu isticmaalay jilayaal ay ka mid yihiin Spider-Man iyo Darth Vader.
Disney, Paramount iyo dalka Japan ayaa ka horyimid iyagoo furay baaritaan lagu joojinayo sameynta muuqaaladaas maadama aan la bixin lacagta hal abuurka.
ByteDance ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabooyin lagu "xoojinayo kontaroolada jira," balse tani ma aha dhibaato ku gaar ah shirkadda Shiinaha.
Sanadkii 2023, wargeyska The New York Times ayaa dacwad ka gudbiyay OpenAI iyo Microsoft, isagoo ku eedeeyay in ay adeegsadeen maqaaladiisa iyada oo aan ogolaansho laga haysan si ay u tababaraan AI.
Margaret Mitchell waxay sheegtay in loo baahan yahay in si gaar ah loo calaamadeeyo waxyaabaha lagu sameeyo AI-da si looga hortago wararka been abuurka ah, loona xoojiyo kalsoonida dadweynaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shannon Connie oo ah cilmibaare ka tirsan Jaamacadda Melbourne ayaa sheegtay in kuwa soo saaray barnaamijka Seedance 2 ay u badan tahay in ay ogaayeen khataraha xuquuqda hal abuurka marka ay isticmaalayeen waxyaabaha aysan laheyn, balse ay go'aansadeen in ay u bareeraan.
Balse Cook ayaa sheegtay in AI tayo noocan oo kale leh ay u fududeyneyso shirkadaha sida midiisa oo kale in ay soo saareen filimo aysan awoodi laheyn hadii aysan AI jirin.
Miyuu Shiinuhu ku horeeya Tartanka
Sanadkii hore, barnaamij kale oo AI ah oo Shiinaha laga sameeyay, DeepSec, ayaa si weyn u faafay, isagoo noqday app-ka ugu badan ee si bilaash ah loo isticmaalo kana sarre maray ChatGPT.
Sannadkii la soo dhaafay, Beijing waxay si xoog leh u maalgelisay AI-da, robotyada, qalabka elektaroonida si ay u dhaafto Mareykanka.
Iyadoo Seedance 2 uu warbaahinta qabsaday ahdana shirkado yaryar oo Shiinaha ah ayaa si hoose u sii daayay barnaamijyo AI oo cusub ka hor fasaxa sannadka cusub ee Shiinaha.
Sanadkan 2026 waxaa la filayaa in uu noqdo sanad muhiim u ah adeegsiga ballaaran ee AI-da Shiinaha. Ma ahan oo keliya meelaha wax lagu qaro si jawaab loo helo ee sidoo kale AI-da waxay noqoneysaa wakiilo maareeya macaamisha.













