Afduubkii diyaaradda ee lagu dilay Raysul Wasaarihii Israa'iil walaalkiis

Netanyahu ayaa 40 sano kaddib booqday goobtii uu howlgalka ka dhacay

Xigashada Sawirka, Getty Images

27-kii bishii June ee sanadkii 1974-kii, diyaarad rakaab ah oo ka soo duushay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa'iil, kuna wajahnayd Paris ayay afduubteen afar nin, waxayna u kaxaysteen Uganda.

250 ruux ayaa la socday diyaaradda oo ay lahayd shirkadda Air France, duullimaadkeeduna uu lambarkiisa ahaa 139.

100 qof oo ka mid ah rakaabka ayaa ahaa Yuhuud, waxayna diyaaraddu kusii kahanaysay magaalada Athens ee waddanka Giriigga.

Markii ay ka cago dhigatay Athens, rakaab dheeraad ah ayaa kasii raacay, kuwaasoo gaarayay 58 qof oo ay ku jireen afar afduubeyaal ah.

Wax yar kaddib markii ay hawada gashay, afduubeyaashii waxay diyaaradda u weeciyeen dhinaga magaalada Benghazi ee dalka Liibiya, dhowr saacadood oo ay shidaal qaateen kaddibna way ka tageen halkaas waxayna ka dajiyeen garoonka ku yaalla magaalada Entebbe ee waddanka Uganda.

28-kii bishii June ayay diyaaradda gaartay Uganda oo xilligaas uu madaxweyne ka ahaa Idi Amin.

Amarka diyaaraddan lagu afduubtay waxaa lahaa Wadi Haddad oo ka tirsanaa kooxda la magac baxday Xoreynta Falastiiniyiinta ee magacooda loo soo gaabiyo PFLP-EO.

Howlgalkan afduubka ahaa waxaa sidoo kale ku lug lahaa labo xubnood oo ka tirsanaa kooxdii fallaagada garabka bidix ee Jarmalka.

Kooxda afduubka samaysay waxay dalbadeen in loo sii daayo 40 mintidiin ah oo ay gacanta ku haysay Israa'iil iyo 13 kale oo ku xirnaa afar waddan oo kale.

53-da xubnood ee ay rabeen in loo sii daayo waxay ku kala xirnaayeen Israa'iil, Faransiiska, Jarmalka, Switzerland iyo Kenya.

Madaxweynihii Uganda, Idi Amin, ayaa sidoo kale la saftay kooxdan, isagoo caawiyay hub iyo ciidan militeri ah.

Idi Amin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kaddib markii dhammaan dadka rakaabka ah ee la afduubtay loo gudbiyay dhismihii hore ee Garoonka Entebbe, afduubeyaasha waxay kala saareen rakaabkii, iyagoo gooni u bixiyay dadka israa'iiliyiinta ah iyo Yuhuudda dalalka kale kasoo jeeday.

Islamarkii ay dowladda Israa'iil maqashay afduubka, waxaa billowday qorsheyaal militeri oo ku aaddan sidii laga yeeli lahaa arrinta.

Afduubeyaashu waxay sheegeen in haddii dadkooda loo fasixi waayo ay rakaabka wada dili doonaan marka la gaaro 1-da bisha July, abbaare 2 pm oo duhurnimo.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Israa'iil, Ehud Barak, ayaa markaas ahaa kornaylka hoggaamiya howlgallada ciidamada difaaca. Waaxdiisa ayaa lagu amray inay diyaariso qorshaha badbaadinta.

Waxa uu BBC-da u sheegay in durbadiiba ay xiisad haraysay hoggaanka siyaasadda ee Israa'iil, kuwaasoo ka fiirsanayay go'aannada la qaadan karo.

Diyaaraddii howlgala lagu badbaadiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

30-kii bishii June ayay soo iftiintay rajo kaddib markii ay kooxda hubaysan sii daayeen 47 qof oo aan Israa'iiliyiin ahayn, kuwaasoo loo qaaday magaalada Paris.

Islamarkiiba xubno ka tirsan sirdoonka Israa'iil ee Mossad-ka ayaa loo diray Paris si ay xog uga soo helaan dadkii lasii daayay.

Ra'iisul Wasaare Barak ayaa sheegay in labo arrimood oo muhiim ah ay ka caawiyeen qorsheynta howlgalka badbaadinta ah.

"Mid waxa uu ahaa inaan ka war helnay in militeriga Uganda ay si buuxda ula safnaayeen kooxda afduubka gaysatay, midda kalena waxay ahayd inaan xog badan ka haynay dhismihii hore ee garoonka, si aan tallaabo u qaadno," ayuu yiri.

Qaabkii loo siray kooxda diyaaradda afduubatay

Iyadoo aan la gaarin go'aan kama dambays ah oo ku sabsan howlgalka gurmadka ah, markii uu soo dhawaaday waqtigii ay qabsadeen kooxda rakaabka afduubatay oo ahaa 1-dii bishii July, ayay mas'uuliyiinta Israa'iil ku dhawaaqeen in ay oggol yihiin wadaxaajood.

Taasi waxay keentay in afduubeyaasha ay kordhiyaan waqtiga, oo ay ka dhigeen ilaa 4-ta July. Waxa ay sidoo kale sii daayeen 101 qof oo kale.

Rakaabkii la badbaadiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

3-dii bishii Jlu, Golaha Wasiirrada ee Israa'iil ayaa ansixiyay in howlgal la fuliyo. Saacado yar kaddibna ciidankii howlgalka loo xil saaray ayaa baxay.

Cidna waxba kama ogayn in 200 oo askarta kumaandooska ah ay afar diyaaradood uga soo baxeen Israa'iil, iyagoo soo safray 2,500 oo mayl, ilaa ay ka gaareen garoonka Entebbe.

Diyaaradaha waxay u duuleen dhowr jiho oo kala duwan, si aan looga shakinin, waxayna ku duulayeen joog hoose oo gaaraya ilaa 100 feet marka ay dul marayeen Badda Cas, si ay uga dhuuntaan raadaarrada Masar iyo Sacuudiga.

Qorshuhu waxa uu ahaa in kooxda gurmadka ee Israa'iil ay dhismaha garoonka ee dadka lagu hayay ku tagaan gawaari.

Kumaandooska Israa'iil waxay markii hore la dagaallameen labo askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda, kuwaasoo ay dileen iyagoo isku dayaya inay ka hor tagaan ciidanka Israa'iil.

Si lama filaan ah ayay lug ugu galeen dhismihii ay joogeen kooxda afduubeyaasha ah.

Dilka Benjamin Netanyahu walaalkiis

Israa'iil waxay sheegtay in ciidankeeda ay daqiiqado gudahood ku dileen 7 afduube iyo 20 askari oo ka tirsanaa militeriga Uganda, dadkoodiina ay badbaadiyeen.

Dhinaca Israa'iil waxaa halkaas uga dhintay oo kaliya Kornayl Jonathan Netanyahu, oo ahaa taliyihii kooxda gurmadka, ahaana ninkii soo qorsheeyay howlgalka.

Jonathan waxa uu ahaa Raysul Wasaarihii hore ee Israa'iil walaalkiis.

Si loo sharfo shaqadii uu sameeyay Benjamin Netanyahu walaalkiis waxaa howlgalka loo bixiyay 'Operation Jonathan' ("Howlgalkii Jonathan). 

Mas'uuliyiinta Israa'iil waxay sheegeen in ay badbaadiyeen in ka badan 100 qof, iyagoo aan wax shuruud ahna u fulin kooxdii wax afduubatay.

Afartan sano kaddib, sanadkii 2016-kii, Benjamin Netanyahu oo markaas ahaa Raysul Wasaaraha Israa'iil ayaa booqday goobtii laga fuliyay howlgalkii uu ku dhintay walaalkiis.