Trump oo isweydiinaya sababta Iiraan aanay weli "isu dhiibin," xilli ay xiisaddu sii xumaanayso

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Jaroslav Lukiv
- Author, Ghoncheh Habibiazad
- Role, BBC Persian
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa is weydiinaya sababta Iiraan aysan weli "isu dhiibin" iyadoo wajahaysa dhoollatuska millatari ee Washington ka waddo Bariga Dhexe, sida uu sheegay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, Steve Witkoff.
Witkoff ayaa Sabtidii u sheegay Fox News in Trump uu "la yaabban yahay" mowqifka Iiraan, kaddib markii uu uga digay in la qaadi karo weerar millatari oo xaddidan haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijka nukliyeerka ee Tehraan.
Maraykanka iyo xulafadiisa Yurub waxay ka shakisan yihiin in Iiraan ay u dhaqaaqayso dhanka samaynta hub nukliyeer ah, arrintaas oo ay Iiraan beenisay.
Gudaha Iiraan, mudaharaadyo ka dhan ah dowladda ayaa ka dhacay jaamacado dhowr ah dhammaadkii toddobaadka—kuwaas oo ah isu-soo-baxyadii ugu horreeyay ee baaxaddan leh tan iyo cabburintii rabshadaha lahayd ee bishii January ay sameeyeen maamulka, taasi oo sababtay dhimashada kumannaan qof.
Waraysi uu siiyay Fox News, Witkoff wuxuu yiri: "Ma doonayo inaan isticmaalo erayga 'niyad-jab'… sababtoo ah isaga [Trump] wuu fahamsan yahay inuu leeyahay doorashooyin badan, laakiin wuxuu xiiseynayaa sababta aysan u… Ma doonayo inaan isticmaalo erayga 'is dhiibis', laakiin sababta aysan weli isu dhiibin."
"Maxay tahay sababta, yadoo cadaadiskaasi uu jiro, awoodda badda iyo ciidammada badda ee aan halkaas ku leenahay ay sarrayso, haddana aysan noogu soo dhawaan oo oran, 'Ma rabno hub, haddaba waa waxa aan diyaar u nahay inaan sameyno?'"
"Balse weli waa ay adag tahay in lagu qasbo inay halkaas ka soo debcaan," ayuu ku daray hadalkiisa, ergayga Trump.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa Axaddii sheegay inuu aaminsan yahay in weli ay jirto fursad lagu xallin karo khilaafka si diblomaasiyadeed "iyadoo lagu saleynayo nidaam guul-guul ah." Wuxuu u sheegay CBS News in wadaxaajoodayaashu ay ka shaqeynayeen qodobbada heshiiska.
Faallooyin gooni ah oo uu bixiyay laba maalmood ka hor, Araghchi wuxuu sheegay in Tehran ay diyaarineyso "qorshe heshiis suurtagal ah" isla markaana ay dhowaan u gudbin doonto Steve Witkoff.
Mas'uuliyiinta Maraykanka iyo Iiraan ayaa ka wada hadlay barnaamijka nukliyeerka Iiraan shirar aan toos ahayn oo ka dhacay Geneva, Switzerland, 17kii Febraayo. Kadib waxay sheegeen in horumar la gaaray.
Cumamaan oo dhexdhexaadiyey shirarka ayaa Axaddii ku dhawaaqay in wareegga xiga ee gorgortanka "loo qorsheeyay Geneva Khamiista soo socota."
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Oman, Badr Albusaidi, ayaa sidoo kale X (oo horey loogu yiqiin Twitter) ku muujiyay rajadiisa in ay jiri doonto "riixitaan lagu sii wado dadaalka lagu dhammeystirayo heshiiska."
Maraykanka iyo Iiraan weli kama aysan ka hadlin arrintan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
BBC-da ayaa xaqiijisay muuqaal muujinaya mudaharaadayaal ka socday xarunta Jaamacdda Sharif ee caasimadda Tehran Sabtidii. Kaddib waxaa la arkay iyaga oo isku dhex yaacay taageerayaasha dowladda.
Mudaharaadyo ayaa sidoo kale lagu soo warramay in ay ka dhaceen jaamacado kale oo ku yaal Tehran iyo meelo kale.
Warbaahinta Iiraan waxay sheegtay in mudaharaadyo sidoo kale ka dhacay Axaddii Iran University of Science and Technology iyo Jaamacdda Khajeh Nasir Toosi University, iyo sidoo kale Jaamacadda Ferdowsi of Mashhad ee waqooyiga-bari Iiraan.
Mid ka mid ah muuqaallada BBC ay xaqiijisay, waxa ku jira mudaharaadayaal ka soo horjeeda dowladda oo kor u qaaday calankaLibaaxa iyo Cadceedda—oo ahaa astaan Iiraan laga isticmaali jiray ka hor Kacaanka Islaamiga ee 1979. Dadka ku jiray mudaharaadka ayaa ku heesaya "Javid Shah" ("boqorku ha noolaado").
Muuqaal kale oo la xaqiijiyay wuxuu muujinayaa dad taageersan dowladda oo qabanaya mudaharaad ka dhan ah mudaharaadka Jaamacadda Sharif, iyaga oo gubaya calamada Maraykanka iyo Israa'iil.
Dagaallo u dhexeeya kooxaha taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda dowladda ayaa sidoo kale lagu arkay muuqaallo la xaqiijiyay oo laga duubay Amirkabir University of Technology.
Ardayda jaamacadaha kala duwan ayaa isu soo baxaya si ay u xusaan kumannaan qof oo bishii hore ay dileen mas'uuliyiinta.
Wakaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Maraykanka, Human Rights Activists News Agency, ayaa sheegtay inay xaqiijisay in ugu yaraan 7,015 qof la dilay inta lagu jiray mowjaddan bannaan-baxa ah, oo ay ku jiraan 6,508 mudaharaadayaal, 226 carruur, iyo 214 qof oo xidhiidh la leh dowladda. Tira-koobka ugu dambeyay waxaa la cusbooneysiiyay 15 Febraayo.
Hay'addaas ayaa sidoo kale sheegtay inay baareyso 11,744 dhimasho oo kale oo la soo sheegay.
Mas'uuliyiinta Iiraan ayaa dhammaadkii bishii hore sheegay in in ka badan 3,100 qof la dilay—laakiin intooda badan ay ahaayeen shaqaale amni ama dad shacab ah oo ay weerareen "rabshad sameeyayaasha."
Madaxweyne Donald Trump ayaa hore u taageeray mudaharaadayaasha—marna xitaa wuxuu u muuqday inuu dhiirrigelinayo iyaga isagoo balan qaaday in "caawinaad ay soo socoto."












