Todobo xaaladood oo dhici kara haddii Maraykanku weeraro Iiraan

Sawir isku jira oo muujinaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ayatollah Ali Khamenei, oo ah Hogaamiyaha Sare ee Iiraan.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei
    • Author, Frank Gardner
    • Role, Security correspondent
  • Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Maraykanku wuxuu u muuqdaa mid isu diyaarinaya inuu weeraro Iiraan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Washington waxay kordhinaysay ciidamadeeda Bariga Dhexe haddana waxay u muuqataa inay doonayso inay ku uruuriso awood cirka ah oo ka badan tii ay halkaas ku lahayd wakhti kasta tan iyo duullaankii Ciraaq ee sanadkii 2003.

Dabcan, tani weli waxay noqon kartaa khiyaano istiraatiiji ah oo loogu talagalay in lagu cadaadiyo nidaamka Iiraan si ay u aqbalaan heshiis aysan rabin.

Xulafada Carbeed ee Khaliijka ee Maraykanka ayaa la og yahay inay ka digeen weerar Maraykan ah oo keeni kara cawaaqib xumo aan la saadaalin karin.

Sidaas darteed, inkastoo bartilmaameedyada suurtagalka ah ee weerar Maraykan ahi ay si weyn loo qiyaasi karo, natiijadu ma cadda.

Haddii wadaxaajoodyadu fashilmaan oo Madaxweyne Donald Trump go'aansado inuu amro weerar, maxay noqon karaan natiijooyinka suurtagalka ah?

1. Weerarro bartilmaameed ah oo sax ah, khasaare rayid oo yar iyo dhalasho dimuqraadiyadeed.

Ciidamada cirka iyo badda ee Maraykanka ayaa fulin kara weerarro xaddidan oo sax ah, kuwaas oo lagu beegsanayo saldhigyada milatari ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) iyo cutubka Basij oo ah ciidan maleeshiyo ah oo hoos yimaada IRGC goobaha laga rido laguna kaydiyo gantaallada ballistic-ga ah, iyo sidoo kale barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Nidaam hore u daciifay ayaa dhici kara, ugu dambayna u gudbi kara dimuqraadiyad dhab ah oo Iiraan ay dib ugu biirto caalamka intiisa kale.

Tani waa xaalad aad u rejo badan. Faragelintii milatari ee reer galbeedka ee Ciraaq iyo Liibiya midkoodna ma keenin u gudbid siman oo dimuqraadiyad ah. Inkastoo ay soo afjareen kali-taliyeyaal arxan darran, haddana waxay horseedeen sannado fowdo iyo dhiig-bax ah.

2. Nidaamka oo badbaada balse siyaasadiisa wax ka beddeli doonaa

Tan waxaa si guud loogu yeeri karaa "qaabka Venezuela", halkaas oo tallaabo degdeg ah oo xooggan oo Maraykan ahi ay nidaamka ka tagto isagoo jira balse siyaasaddiisu dhexdhexaad noqoto.

Marka laga hadlayo Iiraan, tani waxay ka dhigan tahay in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi sii jirto — taas oo ayna qanci doonin tiro badan oo Iiraaniyiin ah balse lagu qasbo inay yareyso taageerada ay siiso maleeshiyaadka rabshadaha wada ee Bariga Dhexe, joojiso ama dhinto barnaamijyadeeda nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga, isla markaana khafiifiso cabudhinta ay ku hayso mudaaharaadyada gudaha.

Mar kale, tani waxay muujinaysaa suurtogelnimo aad u yar.

Hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah wuxuu ahaa mid adkaysi iyo diidmo isbeddel leh muddo 47 sano ah. Waxay u muuqdaan kuwo aan awoodin inay hadda beddelaan jihadooda. Hogaamiyaha Sare, Ayatollah Ali Khamenei, oo hadda ku jira sideetamaadkiisa, gaar ahaan wuu diidan yahay isbeddel ama tanaasul.

3.Nidaamku wuu burburi, balse waxaa beddelaya xukun milatari

Dad badan ayaa u arka tan inay tahay natiijada ugu macquulsan.

Inkastoo nidaamku sida muuqata dad badan oo reer Iiraan ah aad u taageersanayn, isla markaana mowjad kasta oo mudaaharaad ah oo sannadihii la soo dhaafay ay sii wiiqday, haddana weli waxaa jira hay'ad amni oo xooggan oo qoto dheer oo dan gaar ah ka leh sii jiritaanka xaaladda hadda jirta. Tusaale ahaan, IRGC waxay si qoto dheer ugu lug leedahay dhaqaalaha Iiraan.

Sababta ugu weyn ee mudaaharaadyadu ilaa hadda u ridi waayeen nidaamka waa inaysan jirin ka goosashooyin waaweyn oo ka yimaada dhinaca awoodda haya, halka kuwa xukunka haya ay diyaar u yihiin inay adeegsadaan awood iyo rabshad aan xad lahayn si ay u sii joogaan talada.

Fowdada ka dhalan karta weerar kasta oo Maraykan ahi ka dib, waxaa suuragal ah in Iiraan ay ku dambayso xukun milatari oo adag oo inta badan ka kooban saraakiil ka tirsan IRGC.

Ciidamada gaarka ah ee booliska Iiraan ayaa kormeeraya mudaharaad taageersan dowladda oo ka dhacay Tehran horraantii bishan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada gaarka ah ee booliska Iiraan ayaa kormeeraya mudaharaad taageersan dowladda oo ka dhacay Tehran horraantii bishan.

4. Iiraan oo aargoosata iyadoo weeraraysa ciidamada Maraykanka, deriska Carbeed iyo Israa'iil

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tani aad bay u suurtagal tahay.

Bishii hore, Iiraan waxay ku dhaaratay inay ka aargudan doonto weerar kasta oo Maraykan ahi, iyagoo sheegay in "farta ku hayso fargadda qoriga," halka Ayatollah Khamenei uu ballanqaaday inuu "dharbaaxo wajiga kaga dhufan doono" ciidamada Maraykanka haddii la weeraro.

Inkastoo Iiraan aysan la tartami karin awoodda badda iyo cirka ee Maraykanka, haddana waxay ku jawaabi kartaa kaydkeeda gantaallada balaastiga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo badan oo ka mid ahi ku qarsoon yihiin godad, dhulka hoostiisa ama buuraha fog.

Saldhigyo iyo xarumo Maraykan ah ayaa ku yaalla dhinaca Carbeed ee Khaliijka, gaar ahaan Baxrayn iyo Qadar, balse Iiraan waxay sidoo kale beegsan kartaa kaabayaal muhiim ah oo dal kasta oo ay u aragto inuu ka qayb qaatay weerar Maraykan ah, sida Urdun ama Israa'iil.

Weerarkii ba'an ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday xarumaha batroolka ee Saudi Aramco sanadkii 2019 oo loo nisbeeyay maleeshiyaad ay Iiraan taageerto oo Ciraaq ku sugan wuxuu muujiyay sida ay Sucuudigu ugu nugul yihiin gantaallada Iiraan.

Deriska Carbeed ee Khaliijka ee Iiraan, oo dhammaantood xulafo la ah Maraykanka, si weyn ayay uga walaacsan yihiin in tallaabo milatari oo Maraykan ahi ugu dambayn ku soo noqoto iyaga.

Bishii hore, Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inaysan oggolaan doonin in Maraykanku isticmaalo hawadooda si uu weerar u qaado. Taas macnaheedu maaha inay ka badbaadi doonaan aargoosiga Iiraan.

Muuqaal aan si wacan loo dheehan karin oo muujinaya dibadbaxayaal Iiraaniyiin ah

Xigashada Sawirka, UGC

5. Iiraan way aargoosan iyadoo miinooyin dhigaysa gacanka badda

Arrintani muddo dheer waxay ahayd khatar suurtagal ah oo ku wajahan maraakiibta caalamiga ah iyo sahayda saliidda, tan iyo dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ee 1980–88, markaas oo Iiraan dhab ahaantii miinooyin ku aastay marinnada maraakiibta, halka maraakiibta miino-baadhista ee Boqortooyada Ingiriiska ay ka caawiyeen sifayntooda.

Marinka cidhiidhiga ah ee Hormuz ee u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan waa marin istiraatiiji ah oo muhiim ah. Qiyaastii 20% dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee adduunka iyo inta u dhexeysa 20–25% saliidda iyo waxyaabaha laga sameeyo ayaa sanad kasta mara marinkan.

Iyadoo wadaxaajoodyo ku saabsan heshiis Maraykan–Iiraan ay ka socdeen Geneva toddobaadkii hore, Iiraan waxay xidhay marinka saacado kooban si ay u qabato tababar rasaas toos ah; waana markii ugu horreysay ee la xiro tan iyo 1980-meeyadii taasoo ahayd muujin awood.

Khamiistii, waxaa la sheegay inay sameysay tababaro milatari oo ay kula yeesheen badmaaxiin Ruush ah Gacanka Cumaan iyo Badweynta Hindiya.

Waxay sidoo kale qabatay layliyo ku saabsan sida degdegga ah ee loo dhigo miinooyinka badda. Haddii ay mar kale sidaas sameyso, waxay si lama huraan ah u saameyn doontaa ganacsiga caalamiga ah iyo qiimaha saliidda. Kuwa khasaaraha ugu weyn ka soo gaari lahaa xaaladdan waxay ahaan lahaayeen Iiraan lafteeda, maadaama ay ku tiirsan tahay dhoofinta saliidda, iyo macaamiisheeda ugu waaweyn ee Aasiya, gaar ahaan Shiinaha.

Khariidad muujinaysa halka uu ku yaallo Marinka Hormuz ee ku dhex yaalla Gacanka Cumaan, oo ah marin muhiim u ah gaadiidka saliidda caalamka. Marinku wuxuu u dhexeeyaa Iiraan iyo jasiiradda Imaaraadka Carabta iyo Cumaan. Khariidaddu sidoo kale waxay muujinaysaa dalalka ku yaalla gobolka ballaaran ee Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan Sucuudi Carabiya, Ciraaq, Urdun iyo Israa’iil.
Qoraalka sawirka, Khariidad muujinaysa halka uu ku yaallo Marinka Hormuz ee ku dhex yaalla Gacanka Cumaan, oo ah marin muhiim u ah gaadiidka saliidda caalamka.

6. Iiraan oo aargoosata quusisana markab dagaal oo Mararkan ah.

Kabtan ka tirsan Ciidanka Badda ee Maraykanka oo saarnaa markab dagaal oo ku sugan Khaliijka ayaa mar ii sheegay in mid ka mid ah khataraha Iiraan ee uu ugu welwelsan yahay uu yahay "raxan weerar ah" (swarm attack).

Tani waa marka Iiraan ay hal mar ku soo daayso tiro badan oo diyaarado aan duuliye lahayn oo qaraxyo wata iyo doonyo torpedo oo dheereeya, iyagoo beegsanaya hal ama dhowr bartilmaameed, si xitaa difaacyada dhow ee xooggan ee Ciidanka Badda Maraykanka aysan u suurtagelin inay dhammaantood waqtigooda ku burburiyaan.

Ciidanka Badda ee IRGC ayaa muddo dheer beddelay ciidankii badda ee caadiga ahaa ee Iiraan e kuwaas oo qaar ka mid ah taliyayaashoodii xilligii Shah lagu tababari jiray Maraykanka.

Shaqaalaha badda ee Iiraan waxay inta badan tababarkooda diiradda saareen dagaal aan caadi ahayn ama "Dhinacyo badan" ah, iyagoo raadinaya siyaabo ay uga gudbaan ama uga hareermaraan faa'iidooyinka farsamo ee uu haysto cadawgooda ugu weyn, Ciidanka Badda ee Maraykanka ee Qaybta Shanaad (Fifth Fleet).

In markab dagaal oo Maraykan ahi la quusiyo, isla markaana laga yaabo in qaar ka mid ah shaqaalihiisa la qabto, waxay noqon lahayd fadeexad iyo bahdil weyn oo ku dhaca Maraykanka.

Inkastoo xaaladdan loo arko mid aan aad u badnayn, haddana burburiyaha qiimihiisu yahay balaayiin doollar ee USS Cole ayaa naafoobay kadib weerar ismiidaamin ah oo Al-Qaacida ka fulisay dekedda Cadan sannadkii 2000, taas oo dishay 17 badmaax oo Maraykan ah.

Ka hor taas, sannadkii 1987, duuliye Ciraaqi ah ayaa si khalad ah laba gantaal oo Exocet ah ugu riday markab dagaal oo Maraykan ah, USS Stark, oo ku sugnaa Khaliijka, taas oo dishay 37 badmaax.

Maraykanku waxaa la filayaa inuu laba kooxood oo weerar ah oo ay hoggaaminayaan markabyo xambaara diyaarado (carrier strike groups) ku yeesho gobolka marka USS Gerald R Ford oo hadda ka gudbaya Badda Mediterranean uu yimaado toddobaadyada soo socda.

Haweeney xiran xijaab madow iyo dhar madow ayaa ag maraysa sawir gidaar ku yaal oo muujinaya siyaasiyiin ka kala socda Maraykanka iyo Iiraan oo is hor fadhiya. Sawirka waxaa lagu qaaday Tehran 28-ka Janaayo.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

7. Taliska oo dhaca iyo qas beddela

Tani waa khatar dhab ah oo jirta, waana mid ka mid ah walaacyada ugu waaweyn ee dalalka deriska ah sida Qadar iyo Sucuudi Carabiya.

Marka laga yimaado suurtagalnimada dagaal sokeeye, sida kuwii ka dhacay Suuriya, Yemen iyo Liibiya, waxaa sidoo kale jirta khatar ah in fowdada iyo jahawareerka dhexdiisa ay xiisadaha qowmiyadeed isu beddelaan dagaal hubeysan, maadaama Kurdiyiinta, Baluujiyiinta, Azerbaijan-iyiinta iyo qowmiyadaha kale ee laga tirada badan yahay ay isku dayi karaan inay ilaashadaan dadkooda iyada oo dalka oo dhan uu ka jiro faaruq awoodeed.

Qayb weyn oo Bariga Dhexe ah hubaal way ku farxi lahayd in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi meesha ka baxdo, gaar ahaan Israa'iil oo horeyba jugo culus ugu geysatay kooxaha wakiillada u ah Iiraan ee gobolka, isla markaana ka cabsi qabta khatar jiritaan oo ka iman karta barnaamijka nukliyeerka ee la tuhunsan yahay ee Iiraan.

Hase yeeshee, cidina ma doonayso in dalka ugu dadka badan Bariga Dhexe qiyaastii 93 milyan oo qof uu ku dhaco fowdo, taas oo kicin karta dhibaato bani'aadamnimo iyo qulqul qaxooti.

Khatarta ugu weyn ee hadda jirta waa in Madaxweyne Trump, isagoo uruuriyay ciidan awood badan oo ku dhow xuduudaha Iiraan, uu go'aansado inuu tallaabo qaado si uusan sumcad u lumin, taas oo keeni karta dagaal aan lahayn himilo dhammaad oo cad, isla markaana leh cawaaqib aan la saadaalin karin oo laga yaabo inay waxyeello keenaan.